Hidaha iyo dhaqanka

; ; ; ; ; ; ; ; ; ; ; ; ; ; ; ; ; ; ; ; ; ; ; ; ; ; ; ; ; ; ; ; ; ; ; ; ; ; ; ; ; ; ; ; ; ; ; ; ; ; ;

Users Online

· Guests Online: 1

· Members Online: 0

· Total Members: 189,964
· Newest Member: evokafr

Welcome

HS:- Mudanayaasha baarlamaanka Soomaaliya oo maanta

Wararka MaantaHS:-Kadib mudo sanad ku dhawaad oo ay ciidamada Hiiraan kula jireen dhulka buuraleyda ah xildhibaanada kala ah Xildhibaan Waare iyo xildhibaan Midsubishi ayaa ugu danbeyn maanta ka qeyb galay kulan ay mudanayaasha baarlamaanka Soomaaliya ku lahaayeen xarunta golaha shacabka oo uu kulankii maanta shir gudoominayay gudoomiyaha baarlamanka Soomaaliya Madoobe Nuunoow Mohamed.

Xildhibanadan oo wax yar ka danbeyey mudanayaashii kale ayaa markii ay soo galeen hal mar loo istaagay iyadoona mudo dhawr daqiiqo ah aysan kala go'in sacab iyo hambalyeyn taasi oo ay dhamaan mudayaashii maanta ku sugnaa kulanka ay qireen iney baarlamanka u soo hooyeen guul maadaama ay waqtigii adkaa la soo qaateen dadkooda maantana ay Hiiraan shacabkeedu siweyn u soo dhaweyeen waftiyadii dowlada kumeel gaarka ah ka socday oo ay hogaaminayeen wasiiro iyo xildhibaano Hotelo deganaa mudadii ay ragani buuraha ciidanka Hiiraan kula jireen iyagoona aan caruurtooda arag mudo fog.

Laakinse waxaa xusid mudan in xildhibaanadan maanta tagay kulanka ay ugu wardanbeysay Shariif Hasan oo gudoomiye ka ahaa baarlamaanka Soomaaliya iyagoona maanta aad ula yaabay isbedelka rasmiga ah ee ku dhacay baarlamaanka oo ay indhahooda ku arkeen in mudanayaasha badankood ay siweyn u taageersan yahiin gudoomiyaha cusub iyo baarlamankii iska xirnaan jiray oo shaqeynayo.

Sikastaba xildhibanadan oo maalmo kadib dib ugu laabanaya Hiiraan maadama ay aad u aaminsan yahiin saraakiisha ciidanka,waxgaradka, iyo dhamaan beelaha dega Hiiraan ahaana ragii u gogol xaaray masuuliyiinta TFGda ka socotay iney Hiiraan yimaadaan ayaa ugu danbeyn waxaa kale oo ay aad ula yaabeen sida ay magaalada Mogdisho isku bedeshay oo markii ugu danbeysay ay gacanta ku hayeen inta badan kooxdii mayalka adkeyd ee Shabaab, halka ay hada indhahooda ku arkeen nabadgalyada ka jirta caasimada Soomaaliya iyo waliba sida ay shacabku guryahooda u dayac diranayaan.

Waxgaradka Hiiraan oo aad u niyad jabay markii ay arkeen xildhibaan Waare oo garoonka diyaaradaha Ugaas Khalif ee magalada Belet Weyne ka dhoofayo maalintii shaleyto aheyd ayaa dhawr oday oo ka mid aheyd waxgaradka Hiiraan si toos ah xildhibaan Waare oo ay jeclaayeen inuu reer Hiiraan hogaamiyo si kasta oo ay arintaas ugu sheegaane ka diiday maadama uu isagu yahay xubin ka mid ah mudanayasha baarlamanka Soomaaliya Hiiraane u tagay sidii ay reer Hiiraan iyo Soomaaliweyn u noqon lahayeen umad jirta oo dhinackasta ka dhisan laga bilaabo maamul u saneynta Hiiraan ilaa qaran Soomaaliyeed ayaa ugu danbeyn ku qanciyey inuu soo laabanayo.

Sikastaba xildhibaanadii mudada ku sugnaa Hiiraan ayaa intii ay ciidanka kula jireen buuraha waxey halkaas kala kulmeen nolol rasmi ah iyagoona markii ay tageen gudaha Hiiraan ciidanka niyada u dhisay ilaa ay maanta qaar saraakiisha ciidanka Hiiraan ka mid ah dhawr jeer ku cel celiyaan Hiiraan hogaankeeda ha loo dhiibo shaqsi dareensan dhibaatada ciidanka iyo saraakiisha ay kala soo kulmeen dagaaladii faraha looga gubtay oo intooda badan dhalinyaro qaali ahaa oo geesiyaal ah ay ku nafwaayeen iyagoo wal wal badan ka muujiyey sida ay ula qabsan karaan hadii ay dhacdo in shaqsiga Hiiraan hogamin doona laga keeno dibada.

Waayo ayey yiraahdeen ciidan waxaa fahmi kara qofkii la soo qariiba oo duurka la jooga.waftigii dhawaantan gaaray Hiiraan oo u hogaaminayey wasiirka qorsheynta oo iyagu Hiiraan tagay iyadoo loo sii diyaariyey beelahii Hiiraan iyo waxgaradkii ay talada ka goday mudadii yareyd ee ay joogeen magaalada Belet Weyne wax badan oo u hagaagay iney qabsoomaan waxaa fududeyey xildhibaanadii horey u joogay oo siweyn bulshada u dhaxgalay ilaa ay yiraahdaan xildhibanadan aanu af garaneyno midkood maa Hiiraan loo dhiibo iyo wax la mid ah iyagoona markasta aad u magacaabayey xildhibaan Waare.walow ay mar danbe xaqiiqada ogaadeen in xildhibaan Waare uusan u socon amaba uusan ku jirin damac ah inuu hogaamiyo reer Hiiraan, laakinse uu ka soo dhalaali doono waajibaadka ka saaran reer Hiiraan sidii ay u noqon lahaayeen shacab isku ujeedo ah kuna wada noolaada isqadarin,walaaltinimo si loogu gudbo Soomaaliweyn.

Sikastaba reer Hiiraan ayaa lagu wadaa iney maalmaha inagu soo aadan yeeshaan maamul ku yimid wadatashi iyadoona lagu wado in lagu dhawaaqo maalmaha inagu soo aadan.

Isha warka Hiiraan State
webmaster@hiranstate.com
admin@hiranstate.net


Comments

No Comments have been Posted.

Post Comment

Please Login to Post a Comment.

Ratings

Rating is available to Members only.

Please login or register to vote.

No Ratings have been Posted.
Render time: 0.86 seconds
14,667,471 unique visits