Hidaha iyo dhaqanka

; ; ; ; ; ; ; ; ; ; ; ; ; ; ; ; ; ; ; ; ; ; ; ; ; ; ; ; ; ; ; ; ; ; ; ; ; ; ; ;

Users Online

· Guests Online: 2

· Members Online: 1
arnoldgd11

· Total Members: 189,964
· Newest Member: evokafr

Welcome

HS:- Dowladaha reer galbeedka oo cadaawad ba'an u qaaday dowlada Turkiga.

Wararka MaantaHS:- Dowladaha reer galbeedka oo cadaawad ba'an u qaaday dowlada Turkiga iyo Masuuliyinta TFGda oo u muuqda abaaldhaamayaal.


Wadankasta iyo bulshokasta oo maanta nool amaba horey u nooleyd waxey leetahay taariikh aan qalbigooda ka go'in shacabka Soomaaliyeedna waxuu taariikhahaas dunida aynu ku nool nahay kaka jiraa heer ay adag tahay in uu qalbigooda si sahlan uga tir tirmo marka la eego dhibaatooyinka ay soo mareen sanadahii ugu danbeyey.

Hadaanse dib u eegno dhacdooyinkii ugu danbeeyey iyo masiibadii ku habsatay bulshada Soomaaliyeed markii ay abaarta daran ay ku naf waayeen kumanaanta Soomaalida ah kadib markii ay noloshii iyo meelahii loo marsiin jiray shacabka cuntadii ay cuni lahaayeen ay ka jareen kooxo argagixiso ah oo intooda badan laga maamulo dowlado reer Galbeed ayaa waxaa shacabka Soomaaliyeed u soo gurmaday waliba Mogdisho oo ah goob ka goneyd dunida inteeda kale naftooda ku haligay r/wasaraha Turkiga iyo qaar ka mid ah golahiisa wasiirada isagoona beesha caalamka ku eedeeyey in la dayacay Soomaalida.

Turkiga sidaas kuma joogsane waxey ogaadeen in dalka u af duuban yahay dhawr dowladood oo Soomaaliya deris la ah oo wakiil uga ah arimaha Soomaaliya dowlado reer Galbeed ah kadiba masuuliyiinta Turkiga waxey qaadeen tilaabo cad oo ay ku caawinayaan walaalahooda Soomaaliyeed iyagoona isku dayey iney bal marka hore dhalinyarada u soo baraan tacliin walow ay qaarkood dhalinyaradaas qarax ku dileen kooxda argagixisada ah ee laga ciribtirayo manta dalka Soomaaliya.

Sidoo kale dowlada Turkiga oo u aragta dadka Soomaaliyeed dad ay la hareen colaad iyo dagaalo sokeeye waxey caasimada Soomaaliya ka furteen safaarad taasi oo waji gabax ku riday QM midoobay ilaa uu Mogdisho soo booqdo xoghayaha guud ee QM Ban ki moon halka xafiiskii UNPOS deg deg loogusoo raray Mogdisho. durbadiiba markii la arkey in dowlada Turkiga oo ah dowladweyn dhinackastana isku filan hadii ay Soomaaliya iyo iyaga isku xirmaan iney meesha ka baxeyso danahii ay dalka Soomaaliya ka lahaayeen reer Galbeedka, dowladaha Carabta iyo waliba dhawrka dowladood oo Soomaaliya deris la ah ee ay dowlada Mareykanka u wakiilatay arimaha Soomaaliya waxaa durbaba bilaawday in Soomaalida oo aan loo naxi jirin durbaba dowlada Ingiriiska ku dhawaaqo shir waliba deg deg ah.

Qaab noocee ah ayuu shrkaan ku yimid in la iclaamiyo?

Shirkaan waa qandaraas ay iska kaashanayaan r/wasaraha Ingiriiska iyo madaxweynahii hore ee dalka Chana oo dalka Soomaaliya wakiil uga ah midowga Africa. hadaba xiriir intee la eg ayaa ka dhaxeeya wakiilka Soomaaliya u fadhiya midowga Africa iyo R/wasaraha Ingiriiska maxeeyse tahay danta iyo ujeedada ka danbeysa in Soomaalida oo ay hada caasimadooda nabad tahay loogu yeerayo London ee aan mudo 21 sano ah loogu qaban dal ka mid ah dalalka Yurub shir?

Hadaba waa marka horee dowlada Ingiriiska aduunyada waxey ka tahay dalaal dhaqaalaheeduna waxuu ku xiran yahay iney howlaha noocaan ah kala tuurto hadana kuma sii jirto waxa Yurub ka taagan dhaqaalo daro baahsan marka arintaan in Soomaalida shir loo islaamiyo waxaa keenay labo arimood oo aad muhiim u ah in la fahmo.

1- Dalka Ingiriiska ma doonayo Soomaalida iyo Turkiga in ay si sahlan isku dhax galaan maadama Turkiga uusan aheyn sida dowladaha Carabta oo uu isku filan yahay dhinackasta hadii uu Soomaaliya ka xigsado Yurubna uu awood u leeyahay waxkasta oo dalka Soomaaliya lagu dejin karo mushkilada ka taagneyd mudada.

2- Wakiilka midowka Africa u jooga Soomaaliya oo isagu dareensan in isbedelo dhinackasta leh ay ka oo socdaan Soomaaliya tan iyo markii uu gaaray caasimada Soomaaliya r/wasaaraha Turkiga waxuu olole balaaran iyo qeylo dhaan la hoos galay dowlada Ingiriiska oo ay ka soo jeedo hooyadii marna ay qaraabo hoose yahiin r/wasaaraha dalka ingiriiska David Cameron isagoo u tusinaya in ay Soomaaliya la wareegi doonto dowlad weyn oo hadane shacabkeedu ay isku diin yahiin bulshada Soomaaliyeed oo uu ula jeeday Turkiga.

Nasiib wanaag dowlada Ingiriiska iyadoon cidna la tashan ayey shirkii iska iclaamisey kadibna maadaama aysan Soomaaliya hogaamin sida loogu sheegay Soomaalidana ay u kala dhuntaan shirarka dibada loogu qabto waxey bilaabeen iney waftiyo u soo diraan Soomaaliya dibadahane ka raadiyaan qurbo joog qorshaha ay wataan meel mariya oo Soomaali iyo jaanib iskugu jira.

Shirka hada la doonayo in loo qabto Soomaalida waxaa la doonayaa in Soomaaliya lagu galiyo maxmiyad lana tusiyo dowlada Turkiga in dadkan waligood la lahaan jiray iyaguna yahiin dowlad hada hurdada ka soo gacday.

Hadaba dowlada Ingiriiska wey iclaamiyeen shirkii xakuu hada walwalka ka taagan yahay?

Marka laga soo tago colaada ay reer Galbeedka u qaadeen dowlada Turkiga oo kaliya caawineysa umada Soomaaliyeed hadane xaalka ma ahan sidii ay u heysteen wakiilka midowga Africa u fadhiya Soomaaliya iyo dowlada Ingiriiska hada waxaa laga walwalayaa waxa lagala kulmi doono baarlamaanka Soomaaliya oo hada isbedelo lagu sameyey maadama uu meesha ka baxay gudoomiyahii shisheeye kalkaalka ahaa ee shirarka dibada xitaa hadii la iibsanayo dalka iska aadi jiray. sidoo kale waxaa hada walwalka ugu badan ka taagan yahy waxii shirka London ka soo baxa baarlamankii laga ansaxin lahaa si taasi u dhacdane waa in loo hanjabo mudanayaasha baarlamaanka kuwooda ka soo horjeeda gudoomiyahii hore ee baarlamanka.

Ugu danbeyn waxaa isweydiin leh madaxweynaha Soomaaliya iyo r/wasaaraha ma dareensan yahiin dagaalka lagula jiro dowlada Turkiga? dadnimo ma muujin doonaan oo dagaalka Turkiga lagula jiro oo intiisa badan ah maxaad Soomaalida cawaanta ah u caawineysaan oo aad aduunyada u tusineysaan ma ka dhiihdin doonaan oo go,aano isku mid ah ma ka qaadan doonan shirka London, mise midkasta midka kale intuu ka dhuunto ayey sidii markii ay ciidamada Kenya soo galeen gudaha Soomaaliya ayey kala hadli doonaan?

Fadhiyadan baarlamaanka iyo doorashada ay maanta dooranayaan gudoomiye kuxigeenka baarlamaanka waxey muujineysaa walwalka laga qabo awooda baarlamanka Soomaaliya tan iyo markii uu la wareegay hogaanka baaralamanka gudoomiyaha cusub Madoobe Nuunoow Mohamed.

Tani waxey meesha ka saareysaa hamigii Mahiga iyo xulufadiisa ku doonayeen iney faragelin ku sameeyaan tirada baarlamanka maadaama axdiga kumeel gaarka ah dhigayo baarlamaanka hada jira waxaa bedeli kara oo kaliya baarlamaan doorasho ku yimid marka shirkasta oo laguqabto dibada waxaa ka muhiimsanaan doona go,aanada iyo shirarka joogtada ah ee ay magaalada Mogdisho ku yeelanayaan mudanayaasha baarlamaanka Soomaaliya.

Sikastaba siyaasiyiin badan ayaa beesha caalamka hortooda waji gabax kala kulmi doona kuwaasi oo iskugu jira shisheeye iyo Soomaali marka uu dagaalka rasmigaa u wareego baarlamaanka Soomaaliya iyo shaqsiyaadka aan Soomaalida aheyn ee doonaya in ay dhimaan tirada baarlamanka Soomaaliya. waxa kaliya jawaab sax ah inaad hesho kaka filan in ay bedelaan tirada baarlamaanka ma wax mudanayaasha barlamaanka iyo Soomaali u yaalo baa sax iyo qaladba, mise waxaa bedeli kara Mahiga iyo wakiilka midowga Africa u fadhiya Soomaliya? yaase siiyey awooda ay baarlamaan dhan oo uu dal leeyahay tiradiisa ku bedeli karaan amaba ku badin karaan sow iyagu kaliya wakiilo maahan?

La soco qeybta labaad iyo qodobo xasaasi ah sida Soomaalida oo hada dooneyso iney soo sartaan qeyraadka wadankooda loo doonayo in lagu celiyo amab la galiyo gumeysi iyadoo bulshada loo isticmaali doono sidii shirkii kampala Acord qaar hogaanka sare ee TFGda ka mid ah.

Su,aasha ugu danbeysa waa maxey dowlada Turkiga ku muteysatay dagaalka ay kula jiraan dowladaha reer Galbeedka oo ay hor boodayaan Ingiriiska iyo France?

ISha warka Hiiraan State
webmaster@hiranstate.com
admin@hiransatte.net

Comments

No Comments have been Posted.

Post Comment

Please Login to Post a Comment.

Ratings

Rating is available to Members only.

Please login or register to vote.

No Ratings have been Posted.
Render time: 0.23 seconds
14,579,509 unique visits