Hidaha iyo dhaqanka

; ; ; ; ; ; ; ; ; ; ; ; ; ; ; ; ; ; ; ; ; ; ; ; ; ; ; ; ; ; ; ; ; ; ; ; ; ; ; ; ; ;

Users Online

· Guests Online: 11

· Members Online: 0

· Total Members: 189,964
· Newest Member: evokafr

Welcome

HS:- Mudadii ay xukumada u qabatay in laga baxo xarumaha

Wararka MaantaHS:-Dunidan aynu ku nool nahay waxaa ka jira sharciyo kala haga umadkasta waxaana sharciyadaas intooda badan u ah saldhig dastuur ay hadba sameystaan wadan amaba intii leh dal iyo dowlad markaasi ka dhaxeysa bulsho isku ejeedo ah.

Hadaba dalka Soomaaliya oo ka mid ahaa dalalka fashilmay mudo fogna ay ka jirtay dagaalo sokeeye waxaa siweyn u lumay adeegii guud iyo hanaankii dowladnimo kadib markii ay bur burtay caasimadii Soomaaliya oo mudadaasi siweyn loogu dagaalamay.

Hadaba waxey umada soo jiitamaan kooxba mar imaato caasimadiina la kala qoqobo ugudanbeyn maanta caasimadii Soomaaliya qeyb ka mid ah waxa u soo laabtay bilicdii gaar ahaan goobaha ay maamusho dowlada marka laga reebo xarumahii ugu muhiimsanaa ee dowlada sida goobahii waxbarashada, caafimaadka, wasaaradahii ay xukumkadu ku shaqeyn laheyd oo dhamantood ay maanta doonayaan iney dayac diraan dowlado u soo gurmaday umada Soomaaliyeed oo ay ugu horeyso dowlada Turkiga.

Sikastaba gudi uu horboodayo madaxweyne Shariif oo dhawaantan isku howlay sidii loo baneyn lahaa xarumaha dowlada mudane shacabka ku dhiiragelinayey in laga baxo xarumaha dowlada hadalkoodii meel waa laga soo qaadi waayey ilaa ay dadka xarumahan degan u qabtaan mudo cayiman oo ay ku egtahay maalinta berito ah.

Mar aanu la xariirnay maanta galinkii hore qoyasas badan oo degan xarumaha dowlada kalama jecla in amar dowladeed la dul dhigay iyo inba goobaha ay degan yahiin tahay danta guud iyo meelahii ay caruurtooda wax ku baran lahaayeen amaba lagu daaweyn lahaa sida xarumaha caafimaadka.sidoo kale qoysas badan waxeyba shaki galiyeen inba xarumahan ay dowlad leetahay maadama xukumada hada jirta la dhisay dhawr bilood ka hor iyaguna ay mudo 21 sano deganaayeen xarumahan lana yaaban yahiin sida ay goobaha ay degan yahiin dowlad kuyelatay.

Waxaa iskaka qaldan ayuu leeyhaay wariyaha inooga soo waramaya magaalada Mogdisho xiliga ay xukumada jirto iyo dhismayaasha dowlada in ay tahay hanti qaran.

La soco wararkeena danbe iyo midka go,aankiisa ka dhabeeya shacabka isku dhajinaya hantida qaranka iyo amarkii ay dul dhigtay dowlada kumeel gaarka ah midka meel mar noqda maadaama dal iyo dibad isha lagu hayo meesha ay ku danbeyn doonto mustaqabalka dhaw hantida qaranka ee xooga lagu heysto gaar ahan xarumaha dowlada.


Isha warka Hiiraan State
webmaster@hiransatte.com
admin@hiranstate.net

Comments

No Comments have been Posted.

Post Comment

Please Login to Post a Comment.

Ratings

Rating is available to Members only.

Please login or register to vote.

No Ratings have been Posted.
Render time: 0.42 seconds
14,600,374 unique visits