Hidaha iyo dhaqanka

; ; ; ; ; ; ; ; ; ; ; ; ; ; ; ; ; ; ; ; ; ; ; ; ; ; ; ; ; ; ; ; ; ; ; ; ; ; ; ; ; ;

Users Online

· Guests Online: 7

· Members Online: 0

· Total Members: 189,964
· Newest Member: evokafr

Welcome

HS:-Dowlada Jabouti oo noqotay dowaldii ugu danbeysay ee maqasha in Somaliya la galinayo maxmiyad

Wararka MaantaHS:- Dalka Soomaaliya oo loo kala qeybinayo amaba dib loogu celinayao 8dii gobol ee ugu horeysay oo loo bixinayo 8 maamul goboleed oo xoogan oo midkasta uu kor ka maamulayo gudiyo sida lagu soo waramayo hada u dhisan reer Galbeedka oo lala sugayo kaliya masuuliyinta dowlada Soomaaliya marka ay tagan shirka London.

Shirka ayaa lagu waday inuu socon doono hal maalin ha yeesheen waxaa lagu soo koobay 6 saacadood oo kaliya oo walib a1 saac o ka mid ah uu yahay break,waxaana Soomaaliya la galinayaa maxmiyad rasmi ah ka hor inta uusan dibada imaan 1 lliiter oo Oil ah oo ay Soomalidu leetahay maadaama bisha April la qorsheynayo in Puntland soo saardo Oil.

Shirka London ujeedadiisu waa sidii meesha looga saari lahaa marka hore awooda isa soo tareysa ee ay dalka Turkiga ku leetahay siyaasada Soomaaliya maadama ay Badweynta Hindiya ka joogaan maraakiib dagaal ayna dowlada Turkiga mudada ay maraakiibtaas ka joogayaan halkaas ku kordhisya sanad hor leh.

Sidookale dowldaha kumeel gaarka ah ee Soomaalida loo dhiso oo ay malaayiin dolar ku cunaan hayado ku sugan Kenya maadama Soomalidu ay had aka baxeyso xiliga kumeel gaarka shirka London xitaa kama shaqeynayo roadmapka lagu soo dhoodhoobay Kampala.

Waxeysa su,aal ka tagan tahay sida Soomaali oo la yaqaano loo gumeysan doono qarniga 21aad sida uu ka dhawajiyey r/wasaaraha Soomaaliya,walow hadaba si dadban loo gumeysto hadane gumeysi toos ah oo 10 sano ah sidey ku dhacdo wey adkaaneysaa marba hadii uusan maanta hogaamineyn baarlamaanka Soomaliya Shariif Hasan waxkasta oo ka soo baxa shirka London xuman iyo samaan waxa la diiwan galin doonaa Soomalida ka qeyb gasha shirkaas iyagoon ogeyn waxa laga hadlayo.

Shirkii Kampala Acord waxa la tagay iyadoo la leeyahay waxa la heshiisiinayaa masuuliyiinta dowlada qilaafkooda markii la tagay halkaasne waxaa afka ciida loo galiyey go,aano diyarsanaa sidaasina shaqadii looga ceyriyey lagauna bur buriyey xukumadii dhisneyd iyadoo la ogaa ineysan Farmaajo iyo Shiikh Shariif hal malin ku murmin waxaan wey cad yahiin iyo waa madow yahiin.

Shirka London Dowladaha Ingiriiska iyo France waxaa kaka dheereeya inuu qabsoomo dowlada Sacuudiga oo iyadu ka walwalsan Soomaliya oo soo saarta Oil maadama ay ku talo goob muhiim u ah marin biyoodka Gulf of Aden iyo badweynta Hindiya iney lumineyso dhaqaalo badan iyo magacba hada iyadaa kaalinta koowaad kaka jirta in Soomaaliya la galiyo maxmiyad.

Dowlada kumeel gaarka ah oo horey u soo gashay qaladaad badan waxey u muuqataa in ay xooga sari doonto sidii loo nabadeyn lahaa caasimada Soomaaliya xoogana u saari laheyd iney taageerto meesha ay u badan yahiin mudanayaasha baarlamaanka hadii kale iyagoo shirka London jira ayaa waxaa dhici doonta inba xukumada dhan kalsoonida lagala laabto sidaba hada Shariif HAsan lagu sameyey isagoo dalka ka maqan, hadii ay shirka London ka qeyb gasho iyadoon ogeyn qodobada laga hadlayo hal mowqifna ka qaadan qatarta umada masaakiinta ah ee hada ay u soo noqotay rajada oo isku diyaarinaya iney ka faa'ideystaan qeyraadkooda inta noloshooda ka hartay.

Warar aan la hubin ayaa shegaya in masuuliyiin ka tirsan dowlada Jabouti ay si qarsoodi ah u maqleen in dalka Soomaaliya la galinayo maxmiyad laakinse aysan iyagu qorsheyneyn iney masuuliyiinta Soomaliya u sheegaan maadama uu soo gumeystay Fransiiska oo hada horboodaya howlahan,sidoo kale qaar ka tirsan dowladaha Soomaaliya deriska la ah oo aan si rasmi ah carabka loogu dhufan ayaa la shegaya in balan qaadyo loo sameyey si ay arintaan u fududeeyaan.

Si meesha mugdiga looga sarona shirka London mid ka horeeya ayaa lagu qabanayaa dalkka Jabouti.shirka London ma jirto maamul goboleed amaba kooxo sida Ahalusuna ah oo ka hadli doonta dowlada kumeel gaarka kaliya ayaa waxa u hadli doona masuuliyiintooda maadama Soomaliya dib loogu celinayo 8 State halkii ay horey uga ahaan jirtay 8 gobol.

Sikastaba shaqsiyaadka Soomaalida ah ee shirka London u ololeynayo inta hada muuqata waxaa u badan hal qabiil oo Soomaaliyeed marka shirka la gaaro ayaanu magacyadooda soo bandhigeynaa iyagoo ku socda qaab maagcyo urur oo qarkood dhawaan is aruursaday, bal si ay Soomaalida u ogaato danta ay ka leeyahiin in Soomaaliya la galiyo maxmiyad iyo faa'idada iyaga ugu jirta oo aan Soomaalida kale ugu jirin.

Dhibaatada ugu weyn waa in masuuliyiinta Soomaaliya loogu hanjabo hadii aad hadashaan mushaarka ayaa leydiinka jarayaa iyo wax la mid ah hanjabaadaas oo maalin iyo habeen lagu hayo horeyna loogu heyn jiray mudanayaasha baarlamanka Soomaaliya. waa yaabe nin dibada laga biilayo goormee dal iyo dad samata bixin karaa?

Hadaba hoos ka aqri wadamada ay dowlada Ingiriiska horey u soo gumeyteen

Aden British Protectorates gained 1839-91 lost 1967-71.
Bahamas British Colony 1629-1973.
Belize British Colony 1798-1981.
British British Possession 1713-Present.
Ceylon British Colony 1795-1948.
Cyprus British Colony 1878-1960.
East Africa British Colonies gained 1806-1898 lost 1910-1965.
Falklands British Colony 1833-Present.
Fiji British Colony 1874-1970.
Gambia British Colony 1824-1965.
Ghana British Colony 1901-1957.
Guyana British Colony 1814-1966.
India British Colony gained 1763-1913 lost 1947 1948.
Jamaica British Colony 1670-1962.
Kuwait British Protectorate 1899-1961.
Labrador British Colony 1870-1949.
Malaya British Colony 1824-1957.
Mauritius British Colony 1810-1968.
Nigeria British Colony 1861-1960.
Oman British Protectorates gained 1839-91 lost 1967-71. Bu Said Dynasty c1754-Present.
Palestine British Colony 1932-1946.
S Georgia British Colony 1775-Present.
Sarawak British Colony 1841-1963.
Sierra Leone British Colony 1787-1961.
Socotra British Colony 1886-1967.
Solomons British Colony 1893-1978.
Somalia North British Colony 1884-1960.
Swazi British Colony 1910-1968.
Trinidad British Colony 1802-1962.
Vanuatu British Colony 1906-1980.
Xianggang British Territory 1898-1997.
Zlesotho British Colony 1910-1966.
Greater Somalia British Coloney 2012- 2022 Haduusan ilaah Soomaali u soo bixin wiil Soomaaliyeed amaba geber Soomaaliyeed oo meelo fog fog wax ka arka

Isha warka Hiiraan State
webmaster@hiranstate.com
admin@hiransatte.net

Comments

No Comments have been Posted.

Post Comment

Please Login to Post a Comment.

Ratings

Rating is available to Members only.

Please login or register to vote.

No Ratings have been Posted.
Render time: 0.22 seconds
14,585,722 unique visits