Hidaha iyo dhaqanka

; ; ; ; ; ; ; ; ; ; ; ; ; ; ; ; ; ; ; ; ; ; ; ; ; ; ; ; ; ; ; ; ; ; ; ; ; ; ; ; ; ; ; ; ;

Users Online

· Guests Online: 7

· Members Online: 0

· Total Members: 189,964
· Newest Member: evokafr

Welcome

HS:- Madaxa Dooxada Shabelle oo markii uu Mogdisho tagay... ...

Wararka MaantaHS:- Madaxa Dooxada Shabelle oo markii uu Mogdisho tagay isku bedelay shaaciroole kadib kulamo u la qaatay waxgarad reer Hiiraan ah.

Magaalada Mogdisho waxaa dhawaantan gaaray wasiiro, xildhibano iyo madaxa Dooxada Shabelle kadib markii ay masuuliyiinta dowlada ka joogtay reer Hiiraan iyo waxgaradka ay isla meel dhigeen in Hiiraan loo sameynayo maamul cusub kadib wadatashi iyo shirar badan oo magaalada Belet Weyne ka dhacay tan iyo markii xoogaga Shabaab looga itaal roonaaday dagaalo dhawr ah oo ka dhacay Hiiraan aaqirkiina ay ku waayeen in ay farahooda ka baxdo caasimada Hiiraan ee Belet Weyne.

Hadaba waxaa maalintii shaleyto aheyd codsaday inuu la kulmo waxgarad reer Hiiraan ahaa oo Mogdisho ku sugan madaxa Doxada Shabelle markii ay fariintii maqleen ayey u shegeen in maadama uu waqtiga uu kulankooda soo codsaday ay aad u yartahay iney ula kulmi doonaan siyaabo kala duwan.

Qaar ka mid ah oo horey xaalada meeshey mareyso la socday ayaa xiriir la sameyey waxagradkii Hiiraan ku sugnaa bal si ay u weydiiyaan waxa ay ninkan dhalinyaradaa ee masuuliyiinta dowlada la yimid Mogdisho sheganayana inuu sameystay maamul la magac baxay Dooxada Shabelle uuna isagu madaxweyna ka yahay ka aaminsan yahiinmaadama aan hada leysku gaban karin oo talada labadsado.

Waxgaradkii Mogdisho oo siweyn u heystay macluumaad ku filan oo ay ka heleen Hiiraan ayaa isku qeybiyey labo group si ay u xaqiijiyaan arin aad muhim ugu aheyd waxgaradka Mogdisho ku sugnaa taasi oo ay qarkood aaminsanaayeen sababta loola shaqeyn waayey ninkan dhalinyarada ah ee soo halgamay dagaalo badana ka qeyb qaatay markii Shabaab laga saaray Belet Weynana ku guul dareystay inuu kasbado waxgaradka maanta la shaqeynaya wasiiradii iyo xildhibandii dhawantan Hiiraan ka yimid oo ay qaarkood mudo ku sugnayeen halkaasi.

labo shir oo uu madaxa Dooxada la yeeshay waxgaradka ayaa wax qoslo mahane wax kale lay waayey kadib markii ay weydiiyeen dhawr su'aalood oo ay ka mid ahayeen.

1- Maxuu ahaa ujeedada aad ka laheyd in aad maamulkaan ku dhawaaqdo sidiisaba?
2- Maxaa keenay in aad kasban weyso waxgaradka Hiiraan hadii aad u socotay in aad reer Hiiraan hogaamiso oo ay dhab kaa aheyd mudadii adiga iyo maamulkaba aad ku sugneydeen magalada Belet Weyne?

Su'aalaha waa badnayeen laakinse intaan ayaa ugu muhiimsaneyd waxuuna ugu jawaabay sidan.horta waxgarad intaan ka badan in aad iiku imaaneysaan ayaan filayey laakinse waxbo maahan hadal u muuqaal eg ayuu ku bilaabay. waxuuna guda galay inuu fikirkiisa ka gado waxgaradkii waxuuna yiri hadaan nuxurka soo koobno in aysan iyagu rabin magaca u la baxay maadaama aanu maamulka dhanba deg deg ku dhisnay Hiiraan State kadib.

Waxgaradka ayaa ka koobiyey markuu dhameeyeyna yiri bal waxgarad kale ayaa ku arki doona ee sidaas ogaaw waxana mar kale la kulmay qeyb kale oo ka mid ah waxgaradka reer hiiraan kaka sugan Mogdisho oo siyaabo kala duwan ula kulmay, iyagiina wey wareysteen kama waalin bilaaw iyo dhamaad ayuuna u sheegay waxbixin ka duwan midii uu horey ugu sheegay waxgaradkii ka horeyey kuwan danbe.

Intii aan shirka laga soo bixin ayaa mid ka mid aha waxgaradka oo shirkii hore ku jiray qosol la dhacay yirina ninkani waa shaaciroole ee hala daayo warbixintiisa markii ay masuuliyiinta dowlada ka sooqaadeen Hiiraan ayey ka soo horeysay marba hadii uu fikrado is burinaya uu u kala sheegayo waxgaradka Mogdisho waxey qireen in ay 100% saxsanaayeen waxgaradka Hiiraan joogo maadaama ninkani dhalinyarada ah uusan u muuqan mid mustaqbal ka leh siyaasada oo ay arintiisa u muuqato dhaqan mooryaaneed waxey sheegeen in ay dhiiragelinayaan dadaalada mamulka cusub loogu sameynayo Hiiraan oo ay horey u aqbaleen waxgaradka kusugan gudaha Hiiraan.

Inkasta oo ay dooda dhereyd hadane mar aanu la xirirnay mid ka mid ah waxgaradkii la kulmay ayaa inoo sheegay inuu ka codsaday in aanu la garab galno amaba la shaqeyno maamulkiisa laakinse waxuu yiri waa nin dhalinyaro ah oo hada waxii uu subaxii ku hadlo galabtii wax ka bedelan ku hadlaya marka waxaa looqaatay inuusan waqti badan iskaka lumin siyaasada oo uu qalad ka fahmay ayuuna yiri.

Mar aanu weydiinay waxii ugu qosolka badnaa ayuu inoo sheegay waxgaradka la kulmay kuwane waxuu ku yiri mid ka mid ah masuuliyiinta dowlada anigaa si wanaagsan u aqaano waxbana idiinma ogola hadaad tahiin reer Hiiraan. waxgarad kalena waxuu ku yiri aniga madaxweynahaa wax ila wado kadibna waxaa loogu jawaabay hadii aad madaxweynaha kala timaado warqad ay ku qoran tahay in aad adiga kaliya ka taliso Hiiraan ood madaxweyne ka tahay waanu ku taageereynaa hadii kale nin dhalinyaro ah ayaad tahaye yuusan waqti kaa lumin ayaa loogu celiyey mar kale.

Ugu danbeyntii waxgaradka qaarkood ayaa yiri rag muqayiliin ah ayaa ku faraxsan iney booqdaan si mudada uu joogo Mogdisho aan looga waayin qaadka iyadoo loo isticmaalayo ereyo ay ka mid yahiin madaxweyne, masuul sare, wiil hoog, isgiiji, warkooda ka bax iyo wax la mid ah.

La soco qeybta labaad oo aad u qosol badan iyo mudada uu Mogdisho joogo madaxa Dooxada oo inta badan ka tanaasulay hamigiisii ahaa inuu reer Hiiraan hogaamiyo laakinse hada Mogdisho kula kaftama qeybaha kala duwan ee bulshada Hiiraan isagoona ka sheegeeyay qaabkii loola shaqeyn waayey. waxuu yiri aniga lama yaabayo in leyla shaqeyn wayo laakinse waxaan ka baqayaa nimankan wasiirada iyo xildhibaanada isku sheegaa ee aan Hiiraan iskala nimid sidey beritaa maamul la sameynaa u leeyahiin in ay meesha tagaan nimankii Hiiraan State la baxay kadibna waxgaradka hal mar isbedelaan Hiiraan dadku waa daacad hadey ku diidaane waa ku diideen hadey ku yelaane dadka adigaa ugu sareeya,marka waxan ka baqaa in ay TFGdu marto wadada aan hada saaranayaha ayuu yiri isagoo qoslayo hadalkiisa waxuu kusoo qatimay HS meeqa mar ayan Hiiraan iney cag soo dhigan ka hor istaagnay intaanba ma ayidaa nala maqli lahaa nimanku waa af macyahiin nina kama dhinto hadane kaa taageero badan ayuu yiri.

The good news hadey noqon laheyd ciidanka, siyasiyiinta,waxgaradka hada inta badan hal meel ayaa leys kugu yimaadaa kadibna waa la kaftamaa dal iyo dibad maadama hada macluumaadka leys dhaafsado heer gobol ilaa dowlad dhexe ay fududeynayaan in ay isfahmaan intii awal kala aragti duwanaa.

Isha warka Hiiraan State




Comments

No Comments have been Posted.

Post Comment

Please Login to Post a Comment.

Ratings

Rating is available to Members only.

Please login or register to vote.

No Ratings have been Posted.
Render time: 0.69 seconds
14,614,145 unique visits