Hidaha iyo dhaqanka

; ; ; ; ; ; ; ; ; ; ; ; ; ; ; ; ; ; ; ; ; ; ; ; ; ; ; ; ; ; ; ; ; ; ; ; ; ; ; ; ; ;

Users Online

· Guests Online: 3

· Members Online: 0

· Total Members: 189,964
· Newest Member: evokafr

Welcome

HS:-Maamulka gobolka Banaadir oo sheegay in aan loo dulqaadan doonin

Wararka MaantaHS:-Maamulka gobolka Banaadir oo sheegay in aan loo dulqaadan doonin xeryo qaxooti oo ku yaala gudaha caasimada Soomaaliya. Arintaan ayaa timid kadib markii shacab laga saaray qaar ka mid ah xarumahii dowlada ay camirteen goobo cusub si ay halkaasi ugu sameystaan xerooyin la mid ah Dhadhaab iyo Ifo oo kale oo ah xerooyin kuyaal dalka Kenya.

Gudoomiyaha gobolka Banaadir ayaa sheegay in aan marnaba loo dulqaadan doonin in xerooyin laga dhax furto caasimada Soomaaliya si loo soo celiyo hanaankii dowladnimo iyo bilicdii ay lahaan jirtay magaalada Mogdisho.

Dhawaantan ayey aheyd markii gudi uu hogaaminayo madaxweynaha Soomaaliya ku dhawaaqeen in la baneeyo xarumaha dowlada waxaana maalinti shaleyto aheyd si xoog ah looga saaray shacabkii ku sugnaa gurigii hooyooyinka iyo bacadlahii xamarweyne oo muuqaalkoodu u ekaa xabsi.

Inkasta oo ay shacabku ka baxeen qaar ka mid ah xarumaha dowlada hadane waxaa la soo sheegayaa in ay camirteen goobo cusub dadkii laga saaray xarumahii shaleyto,walow sida maalinba mid hor leh looga saarayo leys kala bixi doono Mogdisho.masuuliyiintii dowlada ayaa Hotelo ka degan Mogdisho xarumahii dowladana meel Villa Soomaaliya u muuqata ayaa xoog lagu heystaa madaxweyne Shariifna maalin iyo habeen waxuu leeyahay Soomaaliland gooyni iskuma taagi karto iyo wax la mid ah ayey tiri haweeney reer Mogdisho ah oo maalintii shelyto aheyd u daawasho tagtay suuqii Xamarweyne oo laga saarayo qoysas badan oo loogu yeero Kurdish maadama ay 21kii sano ee inadhaaftay xarumaha dowlada deganaayeen sidii dad aan dhul iyo degaan ku laheyn dalka Soomaaliya.

Waxaa maalintii shaleyto aheyd fashilmay weerar ay soo qaadeen askar ka tirsaneyd ciidamada dowlada oo qarkood dhismayaaha shacabka laga saarayey xoog ku heystay waxeyna gaari kuwa dagaalka ah la soo galeen meel u dhaw goobtii laga saarayay qoysaska iyagoo leh wacadaleysan baxeyn xagee aadahayaan iyo wax la mid ah iyagoo xabado dhinackasta u seyraya.

Sikastaba caasimada Soomaaliya bilicdeeda dhiigba ha ku taatee waxey u muuqataa iney soo laabaneyso hadii la baneeyo xarumaha dowlada,waayo hadii la baneeyo xarumaha dowlada hantida gaarka loo leeyahay si lagu heysto wey adkaaneysaa. Soomaliya hadaad maqasho waa Mogdisho waa indhahii iyo sharaftii umada Soomaaliyeed mar hadii iyada xal loo helo dalka intiisa kale wax badan ma qaadaneyso in la nabadeeyo. Inkasta oo ay Soomaali badan ay dagaal kula jiraan caasimada sidii ay u noqaon laheyd goob bahal galeen ah hadane qaabka ay hada wax ku socdaan ma xuma wali waxaa dhiman goobahii ugu muhiimsanaa horta hala gaaro xarumahii amaba guryahii ay deganaan jireen shaqaalaha dowlada markaas odoyaal gerka ciro ku leh oo dagaalamaya difaacna ka galay goobahaas waa la arki doonaa sida sarahii Ceymiska, Xamar Bile, Schooladii waxbarashada, xarumahii isgaarsiinta iyo wax la mid ah.

Goormaa kuugu danbeysay wareysigii taariikhda galay xiligii dowladii Cabdullaahi Yusuf odey deganaa wasaaradii gaashandhig xiligaas oo inta ka bax la yiri ku jawabay xaruntaan gabadhii ku dhalatay 1992 ayaa caawa canug ku dhashay marka xagee aadahayaan dadku meel kaleba ma arage. odaygaas maanta magaalada Mogdisho waxuu ku jiraa nabadoonada waaweyn.

Ugu danbeyn Mogdisho taariikh xun iyo magac xumo ayey u soo jiideen aqiyaaritii ku abtirsan jirtay USC qaarkood magaaladii ay reer galbeedka u bixiyeen Jano duntay iyaga qiimo uguma fadhiso waxaa ka dhab ah sida ay u xalaaleysanayaan hantida qaranka iyo mida gaarka loo leeyahay.

Hada Mogdisho waxey howsha ku bilaabatay gurigaan ka bax mid kale oo u muuqda deg ilaa Ceel Cirfiid iyo Carbiska leysla tago dowlada iyo dadka xarumah dowlada degan waa bar bar dhac Shabaab miyaa Shabaab ayaa xoog Mogdisho looga saaraye ayuu yiri mid ka mid ah dadkan banaadiriga ah ee degan Xamarweyne xili uu ku sugnaa melu muuqata bacadlahii xamarweyne maalintii shelyto aheyd xili u daawanayey rag ay horey ugu bixiyeen Mukulal madow oo baneynaya xarumaha dowlada waxuuna yiri nabad waa la helaa mugoo.

Isha Warka Hiiraan State
webmaster@hiranstate.com
admin@hiranstate.net

Comments

No Comments have been Posted.

Post Comment

Please Login to Post a Comment.

Ratings

Rating is available to Members only.

Please login or register to vote.

No Ratings have been Posted.
Render time: 0.20 seconds
14,584,645 unique visits