Hidaha iyo dhaqanka

; ; ; ; ; ; ; ; ; ; ; ; ; ; ; ; ; ; ; ; ; ; ; ; ; ; ; ; ; ; ; ; ; ; ; ; ; ; ; ; ; ; ; ; ; ; ; ; ; ; ; ; ; ; ; ; ;

Users Online

· Guests Online: 6

· Members Online: 1
dixieym11

· Total Members: 189,964
· Newest Member: evokafr

Welcome

HS:-Shacabka magaalada Belet Weyne oo talaabo kudayasho mudan horey u qaaday.

Wararka MaantaHS:-Shacabka magaalada Belet Weyne ayaa kaalinweyn ka qaatay nabadgalyada magaalada Belet weyne iyo nawaaxigeeda tan iyo markii laga saaray halkaas kooxdii horey ugu sugneyd ee Shabaab.

Inta badan Hotelada iyo guryahay magaalada Belet Weyne ayaa la joojiyey in laga kireeyo dad aan la garaneyn iyadoona dadka aan la garaneyn ee magaalada u yimaada ganacsigane inta ay joogaan lagu wargaliyo ciidamada amaanka oo iskugu jira kuwo labisan dhar cad iyo dharka ciidanka.

Arintaan ayaa ka danbeysay kadib markii dhawaantan mid ka mid ah Hotelada magaalada ku wargeliyey qof ay uka shakiyeen inuu yahay argagixiye oo Hotelka soo dagay ciidamada amaanka lagu amray inuu furo qolka kadibna isku dayey inuu baxsado halkaasna ay ku dilaan ciidamada Hiiraan. sidoo kale waxa maanta magaalada Belet Weyne xili aroor hore ah lagu dilay labo ka mid ah firqada Takfiirka loo yaqaano oo iyagu falal amni daro ah ka waday magaalada dhaqdhaqaaqoodana lala socday maalmahii la soo dhaafay iyagoo doonayey in ay buuxiyaan booskii ay baneeyeen kooxdii Shabaab ee looga itaal roonaaday magaalada bartamahii sanadkii tagay.

Waxaa laga yaabaa ineysan dad badan fahamsaneyn firqada Takfiirka laakisne waa koox dhibaatooyinka ugu badan ka geysta dalka Soomaaliya inta badana waxey falalkaan ka tahay sidii ay Shabaab dadka u nacsiin lahaayeen waxeyna inta badan howlgaladooda ku fuliyan magaca ururka Shabaab inkasta oo ay iskka mid yahiin gaaleysiinta dadka muslinka amaba cidii ka soo horjeeda firikooda iyaga iyo Shabaab.

Dhinaca kale waxaa magaalada Belet Weyne ka socda qaban qabada sidii dib loogu bilaabi lahaa ciyaarahii kubada cagta oo ay dhawaantan isku arkayaan ilaa 6 kooxood oo ka mid ah kooxaha ka dhisan magaalada Belet Weyne magaalada Belet Weyne ayaa waxaa dhawaantan gaaray aqoonyahanada, wasiirada iyo xildhibaanada reer Hiiraan ugu jira dowlada kumeel gaarka kadib kulamo iyo wadatashi badan oo ay la soo yeesheen waxgaradka Hiiraan mudo ku dhawaad 2 isbuuc oo ay halkaasi gaareen siyaasiyiin reer Hiiraan ah si ay halkaas ugu dhisaan maamul ay u dhan yahiin reer Hiiraan xiriir wanaagsana la leh dowada kumeel gaarka kaasi oo u muuqda mid maraya heer gabo gabo ah.

Isku soo duuboo xaalada magaalada Belet Weyne waa mid ka soo kabsaneysa dagaaladii faraha badnaa ee markasta dhax mari jiray ciidamada Hiiraan iyo kooxda Shabaab xiligii ay ciidamada ku sugnaayeen meel dibada ka ah magaalada.

La soco xaalada Hiiraan

Isha warka Hiiraan State
webmaster@hiranstate.com
admin@hiranstate.net

Comments

No Comments have been Posted.

Post Comment

Please Login to Post a Comment.

Ratings

Rating is available to Members only.

Please login or register to vote.

No Ratings have been Posted.
Render time: 0.20 seconds
14,633,151 unique visits