Hidaha iyo dhaqanka

; ; ; ; ; ; ; ; ; ; ; ; ; ; ; ; ; ; ; ; ; ; ; ; ; ; ; ; ; ; ; ; ; ; ; ; ; ; ; ; ; ; ; ;

Users Online

· Guests Online: 6

· Members Online: 0

· Total Members: 189,964
· Newest Member: evokafr

Welcome

HS:-Waa maamul ceynke ah maamulka loo sameynayo Hiiraan?

Wararka MaantaHS:- Kadib kulamo badan oo maalmahii tagay uga socday siyaasiyiinta,waxgaradka iyo qeybaha kala duwan ee bulshada Hiiraan ayaa ugu danbeyn waxey u muuqataa in Hiiraan ay yeelaneyso maamul cusub oo xiriir wanaagsan la leh dowlada kumeel gaarka ah amaba hadaan si kale u dhigno hoos taga dowlada hada jirta.

Hadaba xiriiro kala duwan oo aanu siyaabo kala duwan kula yeelanay bulshada Hiiraan intii noo suuro gashay gaar ahaan Reer Hiiraanka ku nool East Africa, Yurub,waqooyiga America iyo ugu danbeyn kuwa ku nool gudaha Hiiraan oo ah kuwa kaliya ee uu warkooda ka soconayo waxkasta oo la doonayo in Hiiraan laga hirgaliyo maadama ay iyagu yahiin kuwa ay sida rasmiga ah u taabaneyso dhibaatada maadama kuwa kale ay caruurtooda wax u bartaan iyaguna joogaan wadamo nabdoon.

Sikastaba shacabka Hiiraan ee kunool wadamada bariga Africa iyagu ma ahan kuwo fikradahooda halkaan lagu soo koobi karo hadaanse nuxurka rasmigaa ee waxa ay aaminsan yahiin soo koobno waa ineysan la heysan shacabka gudaha kunool kuwa Yurub iyo waqooyiga America ku noolna lama heystaan inkasta oo ay isku dayaan iney siweyn ugu xirmaan qurba joogta ku nool wadamada horey u maray. Iyagu talo keena maahan talo raacna ma maahan waana dalalka maalinkasta lagu qabto shirar iyadoo ay maalgaliyaan ganacsato siiba dalka Kenya.

Shaqsiyaadkii aanu kala xiriirnay bariga Africa oo intooda badan ku noolaa dalka Kenya iyagu uma eka kuwo doonaya iney Soomaaliya ka dhalato amaba ka hana qaado wax dowlad ah amaba la xoojiyo mida hada jirto waxeyna ka doorbidayaan taasi bedelkeeda in fowdada lagu sii jiro si uu ganacsigooda u bulaalo kuwii aan ganacsi ku heysan wadamadaasina iyagaa fikirka ya markaasi doonayaan inu mel maro ku qasba amaba ka gado.

Qurba joogta reer Hiiraan ee kunool meelaha ka baxsan Africa iyo Carabaha waxey u muuqdaan kuwo aad u bislaaday marka laga reebo labo magaalo oo ay aad ugu qeyliyeen waxagaradka Hiiraan xiligii ay ku sugnaayeen wasiirada iyo xildhibanda reer Hiiraan ugu jira dowlada dhexe iyagoo qaarkood laga soo xigtay Hiiraan dhib aan London iyo Minneapols aheyn ma qabaan iyagoo sheegay in reer Hiiraanka kunool labadaas magaalo ay yahiin dad aan inta badan wax badan dhaamin kuwa East Africa jooga, maadama ay dibadaha ka soo wacaan shaqsiyaadka siyaasada Hiiraan iskaka soo horjeeda iyagoona markasta arinta dab ku shidijiray xiligii ay shirarku socdeen badankoodna markaad Hiiraan wacdo waxad maqleysaa iyadoo qarkood magacyadooda afka lagu dhufanayo.laakinse waxey u muuqdaan kuwo doonaya in Hiiraan ay noqoto goob nabdoon waxeyna waxkasta ku cabiraan hadba macluumaadkii telfoon loogu sheego ileen Hiiraan ma joogaane.

Laakisne markaad xaalada dhinaca kale ka eegto shacabka kunool gudaha Hiiraan waxey u muuqdaan kuwo meel iska dhigay telefoonada micna darada ah ee ay dibadaha ka soo diraan qurba joogta Hiiraan iyadoo la ogyahay ineysan Hiiraan u socon waxeyna shacabku soo dhaweeyeen qorshaha ay dhawaantan isla meel dhigeen waftigii wasiirada, xildhibaanada iyo waxgaradka iskugu jiray ee dhawaantan gaaray magaalada Belet Weyne kadibna halkaas kula soo tashaday waxgaradka iyagoona isla meel dhigay in aysan hada munaasib aheyn in Hiiraan loo helo maamul goboleed sidaasi daraadeed loo baahan yahay maamul cusub oo ilaa her gobol ah xili ay dadku aad ugu careysnaayeen inba Soomaaliya la galiyo gumeysi waxii ka danbeeya shirka London.

Waxeyna bulshada Hiiraan isku diyaarinayaan maamulka dhawaantan lagu dhawaaqayo kaasi oo meesha si rasmi ah ugu saaraya maamuladii kala duwanaa ee qaarkoodna looga dhawaaqay qurbaha kuwane gudaha Hiiraan sida Doxada Shabelle iyo Hiiraan State amaba kooxo diimeedyada dalka ka jira.

Mar aanu xiriir la yeelanay qaar ka mid ah waxgaradka ku sugan Hiiraan siiba magaalada Belet Weyne oo aanu weydiinay sida ay u arkaan maamulka cusub ee lagu wado in lagu dhawaaqo dhawaantan ayey inoo xaqiijiyeen ineysan hada ka hor dhaceyn laakinse ay ula shaqeyn doonaan hadba sida ay dowlada kumeel gaarka ula shaqeyso maamulka maadama uu maamulka cusub iyada xiriir la leeyahay oo ay ka soo shaqeeyeen siyaasiyiinta reer Hiiraan ugu jirta dowlada isagoona sheegay in ay gacanta ugu jirto Plan B inkasta oo uusan sheegin waxa ay tahay qorshaha labaad ee waxgaradka miiska u saaran hadane waxey uun u muuqataa sidii hore uma jiifno hadaanu nahay bulshada Hiiraan.

Sikastaba mamulkani waxuu noqonayaa maamulka ugu mucaaradka yar maadaama sida muuqata uu ku yimid wadatashi iyo xog aruurin dhax martay masuuliyiinta reer Hiiraan ugu jirta dowlada iyo waxgaradka ku sugan gudaha Hiiraan xitaa waxgaradka dibadaha kunool hada sidaas uma socdo warkooda telefonkasta oo ay Hiiraan u diraan waxey la mid yahiin qurba joogta caadiga ah hadalkooduna waxuu qiimo yeelan doonaa marka ay dib ugu laabtaan Hiiraan.

Mar aanu qaar ka mid ah waxgaradka weydiinay sida laga yeelayo maamulka Doxada Shabelle oo soo halgamay waxey hadalkooda kusoo gaabiyeen dowlada ay hada Mogdisho la joogaan madaxda Doxada iyagaa laga rabaa sida ay ku qancinayaan waa maamul soo halgamay Shiikh Shariif shaleyba waa kii dhaqaalo ku kala maslaxeeyey markii ay Caalin iyo Kiimiko oo reer Galmudug ah maamulka isku qabsadeen hadana Dooxada Shabellee iyagey u taal sidey ula dhaqmayaan waxa kaliya ee aanu xaqiijin karno in Doxada soo halgameen laakinse aan lagu aamini karin iney hogaamiyaan bulshada Hiiraan qaabkaasne umaba diyaarsana marka yaan raga la dayacin ee hala qanciyo ayeyna hadalkooda kusoo gabo gabeeyeen maadaama ay Hiiraan u taalo ku dhawaad 30 meeyo tikniko ah ma mudna in iska baxa la yiraahdo si ciidanku u noqdo ciidan Hiiraan difaaca magac dowladeedna wata.

Ugu danbeyn waxgaradka qaarkood waxey leeyahiin Soomaalidu waa indho ku garaadle shacabka Soomaaliyeed ee kunool koofurta waxey sugayaan habka ay dowlada kumeel gaarka ula dhaqanto reer Hiiraan waayo shacabka kunool gobolada kale dowladnimada xiiso uma yeelaneyso hadii aysan diyaar u aheyn iney dalka dhan ku baahiyaan masuuliyiinta hogaamineysa. marka dowlada waxey heysataa jaanis weyn oo ay ku kasban karto waxgaradka iyo bulshada maanta ku sugan Hiiraan ee hada fududeynaya dadaalada ay hormoodka ka yahiin wasiirada iyo xildhibaanada reer Hiiraan ugu jira TFGda.

Isha warka Hiiraan State
webmaster@hiranstate.com
admin@hiranstate.net

Comments

No Comments have been Posted.

Post Comment

Please Login to Post a Comment.

Ratings

Rating is available to Members only.

Please login or register to vote.

No Ratings have been Posted.
Render time: 0.15 seconds
14,612,274 unique visits