Hidaha iyo dhaqanka

; ; ; ; ; ; ; ; ; ; ; ; ; ; ; ; ; ; ; ; ; ; ; ; ; ; ; ; ; ; ; ; ; ; ; ; ; ; ; ; ; ; ; ; ; ; ; ; ; ; ; ; ; ; ; ; ; ;

Users Online

· Guests Online: 4

· Members Online: 0

· Total Members: 189,964
· Newest Member: evokafr

Welcome

Wararkii ugu danbeyey iyo dagaalkii Belet Weyne

Wararka MaantaHS:- Kadib dagaal maanta ku dhax maray ciidamada Hiiraan iyo haraadiga Al qacida ka jooga Hiiraan ayaa ugu danbeyn u muuqda mid siweyn loogu maquuniyey ciidamadii ku dagaalamayey magaca al qacida iyagoona bilaawkii dagaalkaba la dul dhigay awood aysan marnaba maleysaneyn.

Saraakiisha ciidamada Hiiraan ayaa ciidamada dowlada Ethiopia ku wargaliyey iney magaalada banaanka ka joogaan ayna dagaalka soo af jarayaan ciidamada Hiiraan waxaana markii uu dagaalka dhacayba ay ciidamadu isku gedameen xarumo inta badan ay hubka u yaalaan al qacidada ku sugan xaafada uu maanta dagaalka ka dhacay.

Warar xaqiiqada u dhaw ayaa shegaya in hada uu socdo baaritaan guri guri ah iyadoona hadii ay goobtii maanta lagu dagaalamay ay xabad danbe ka soo dhacdo xaalada ay siweyn isku bedeli doonto 24ka saac ee inagu soo aadan inkasta oo aanu doonayen in aanu ka hor dhacno howl galka lagu wado in xaafadaas laga fuliyo iyadoona jidadka xaafadaasi ka baxa oo dhan la dhigay ciidamo u muuqaal eg iney caawa dagaal qorsheysan qaadi doonaan.

Kadib markii ay arkeen in dagaalka looga itaal roonaaday ciidamada al qacida ayaa waxaa cimaamado iyo hadalo u muuqaal eg iney ku doonayaan nabad iyo heshiis ka bilaabay xaafada howl wadaag odoyaal gacan sar fiican la leh al qacida kadibna waxaa dhacday in aan hadalkooda si fudud loo dhageysan ilaa kooxdii dagaalka ku jirtay si deg deg ah looga dilo tiro aan rasmi ahaan loo hubin laakinse loo maleynayo ilaa 5 qof halka ay dhawacyo badan ku hayaan guryaha sida ay shacabka xaafadaas inoogu xaqiijiyeen iyadoona dhaawacyada badankood la dhigay guryo ay leeyahiin ganacsato.

Sikastaba dagaalkan maalmaha soo socda wuu socon doona sida warar sugan lagu helayo ilaa al qacida si rasmi ah looga sifeeyo xaafadaha ay magaalada Belet Weyne kaka sugan yahiin amaba ku xoogan yahiin.dhaqdhaqaaqa hada socda waa ka baaxad weyn yahay midkii maanta waxeyna u muuqataa in dagaalka uu sii socon doono maadama ay rag ganacsato ah ku lug leeyahiin sida warar xaqiiqada u dhaw lagu helayo.

La soco wararkeena danbe

Isha warka Hiiraan State
webmaster@hiranstate.com
admin@hiranstate.net


Comments

No Comments have been Posted.

Post Comment

Please Login to Post a Comment.

Ratings

Rating is available to Members only.

Please login or register to vote.

No Ratings have been Posted.
Render time: 0.19 seconds
14,638,229 unique visits