Hidaha iyo dhaqanka

; ; ; ; ; ; ; ; ; ; ; ; ; ; ; ; ; ; ; ; ; ; ; ; ; ; ; ; ; ; ; ; ; ; ; ; ; ; ; ;

Users Online

· Guests Online: 4

· Members Online: 0

· Total Members: 189,964
· Newest Member: evokafr

Welcome

HS:-Wararkii ugu danbeeyey siyaasada Soomaaliya

Wararka MaantaHS:-Gudoomiyahii hore baarlamaanka Soomaaliya Shariif Hasan Shiikh Aden oo ay beesha caalamka ku wargaliyeen inuusan ka hadli karin arimaha baarlamaanka iyagoona gacanta u galiyey qoraal dheer oo ka koobnaa dhawr bog.

Waxaana loo raaciyey inuusan xitaa ka hadli karin idaacadaha amaba ka sheegi karin baarlamanka iyo arimahiisa maadama uusan shir gudoomin karin amaba uusan awood muuqata kulaheyn mudanayaasha baarlamaanka dhexdooda tan iyo markii ay kalsoonida kala laabteen isagoo ku sugan dalka Taliyaaniga oo uu xiligaasi u joogay arimo qaas ah, walow uu u amba bixi doono magaalada Garoowe oo uu ka furmayo shir socon doona dhawr malmood.

Dhinaca kale madaxweyne Shariif oo maalintii shaleyto la kulmay wafti uu hogaaminayey wasiirka arimaha dibada dalka Ugandha ayaa lagu wargaliyey in uu wasiirka u yimid Mogdisho inuu is hor fadhiisiyo isaga iyo mudanayaasha uu hogaaminayo gudoomiyaha baarlamanka Madoobe Nuunoow Mohamed oo isagu ah ninka ay hada beesha caalamka isha ku heyso isaga iyo xildhibaanada ku fikirka ah oo aan marnaba dibada ugu bixin safar tan iyo marki uu xilkaan qabtay waxkastana ku sugaya halkiisa taasi oo wal wal fara badan ku abuurtay Mahiga iyo xulufadiisa oo ay ugu horeyaan labada Shariif.

Warar is qilaafsan ayaa ka imanaya ereyada uu madaxweyne Shariif u isticmaalay waiirka arimaha dibada Ugandha isagoona ku yiri aniga iyo mudanayaasha hal mar nalama kulmeysid ee ama aniga kaliya ila kulan amaba iyaga isagoo waliba xanaaqsan madaxweynaha Soomaaliya amaba wakiilka Al qacida ee Soomaaliya hadba kaad u taqaano Shariif Shiikh Ahmed ayuu yiri masuul ku sugnaa Villada oo ka agdhawaa madasha uu ka dhacay kulanka wasiirka iyo madaxweynaha.

Warar kalena waxey sheegayaan in wasiirka arimaha dibada Yugandha ku adkeystay inuu la kulmi doono mudayaasha baarlamaanka walow ay mudanayaasha mar hore diyaariyeen fikirkooda ayna gaarsiiyeen beesha caalamka.

Sikastaba labada Shariif oo siyaasada Soomaaliya ku soo biiray 8 sano ka hor waxey hada ka mareysaa meel gabo gabo ah sida muuqatana hada kuma jirto hamigii ay lahaayeen dhawr bilood ka hor oo aheyd in ay si sahlan u kala diri karaan mudanayaasha hada jira oo ay doonayeen iney ka soo reebaan hadba tiradii ay iyagu ku qanacsan yahiin.

Nasiib wanaag waxaaba xilkiisii si sahalan ku waayey Shariif Hasan halka uu madaxweynaha sida lagu helayo waarar xaqiiqda u dhaw uu la heshiiyey mid ka mid ah wadamada hubka iibiya isagoona heshiis hoose kula galay kooxo argagixisa ah in inta u madaxweynaha Soomaaliya yahay aduunyada ka codsado in laga qaado Soomaaliya xayiraada hubka si uu u soo iibsado hub casri ah dalka Soomaaliyana ay saldhig ka dhigtaan kooxaha argagixisada ah si ay ugu fidaan geeska Africa.

Dowlada Ingiriiska oo hada iyadu hurmood u ah sidii Soomaaliya arinteeda meel loo saari lahaa madaxweyne Shariifna meesha uga bixi lahaa ka hor bisha 4aad ee inagu soo aadan ayaa siweyn uga soo horjeesatay codsigii uu Madaxweyane Shariif ku doonayey in loo fasaxo in Soomaaliya ay hub soo iibsato lagana qaado cunaqabateynta dhinaca hubka ee saaran.

War bixinta sababta uu Shariifka u codsanayo in laga qaado xayiraada hubka ee saaran dalka Soomaaliya filo goor dhaw.

Isha warka Hiiraan State
webmaster@hiranstate.com
admin@hiranstate.net

Comments

#1 | discount christian louboutin on May 20 2012 05:20:01
christian louboutin shoes outlet Or text CHINEWS, CHIBIZ or CHISPORTS to sale christian louboutin 31286


Chicago Weather
Mobile phone christian louboutin pumps sale number: christian louboutin outlet sale (required)
AMWEATHER - Morning christian louboutin shoes for sale update*
PMWEATHER - sale christian louboutin Afternoon update*



Or christian louboutin shoes for cheap text AMWEATHER or PMWEAT...
#2 | discount christian louboutin on May 20 2012 05:23:55
cheap christian louboutin shoes EATHER to 97999


Metromix cheap christian louboutin shoes Dining Deals

Receive dining deals for the top christian louboutin shoes cheap brunch, lunch and sale christian louboutin dinner spots in Chicago.*

As a Metromix dining deals mobile alert list member, christian louboutin sale youll cheap christian louboutin shoes be http://www.loveclshoes.com/ eligible...

Post Comment

Please Login to Post a Comment.

Ratings

Rating is available to Members only.

Please login or register to vote.

No Ratings have been Posted.
Render time: 0.26 seconds
14,579,294 unique visits