Hidaha iyo dhaqanka

; ; ; ; ; ; ; ; ; ; ; ; ; ; ; ; ; ; ; ; ; ; ; ; ; ; ; ; ; ; ; ; ; ; ; ; ; ; ; ;

Users Online

· Guests Online: 5

· Members Online: 0

· Total Members: 189,964
· Newest Member: evokafr

Welcome

Dowlad goboleedka Hiiraan State ee Soomaaliya oo shaaca ka qaaday Barnaamijkeeda Shaqo.

Wararka MaantaDowlad goboleedka Hiiraan State ee Soomaaliya oo shaaca ka qaaday Barnaamijkeeda Shaqo.

War saxaafadeed maanta ka soo baxay Xafiiska wasaarada Warfaafinta ee Xukuumadda Hiran State ee Soomaaliya ayaa waxaa shaaca looga qaaday qorshaha shaqo ee dowlad goboleedka Hiiraan State ee Soomaaliya, waxaana War saxaafadeedku uu u qornaa sidatan :

Date:12/01/2011

Ref:01...WWHS/12/01/2011

Dowlad goboleedka Hiiraan State ee Soomaaliya , waxa ay ka kooban tahay Xukuumad iyo Gole Baarlamaan oo ay ku mideysnaan doonaan dhammaan qabaa’ilka wada dega gobolada Hiiraan ay ka kooban tahay ee kala ah : Dhagaxjibis,Deebley iyo Koonfurta Hiiraan .

Xukuumadda Hiiraan State , waxa ay hadda ka kooban tahay 25 wasiir , waxaa horkacaya Madaxweynaha Hiiraan State ee Soomaaliya Dr . Maxamuud Cabdi Gaab .

Xarunta dowlad goboleedka Hiiraan State waa Magaalada Baladweyne oo ah Caasimadda gobolka Dhagaxjibis .

Xulida xubnaha Golaha Baarlamaanka waxaa awood u leh Salaadiinta qabaa’ilka iyo nabadoonada beelaha inta laga gaarayo sameynta dastuur cusub oo ay afti u qaadaan shacabweynaha ku dhaqan gobolada Hiiraan oo dhan ,oo ogolaan doona in la sameeyo Xizbiyo kooban oo ku loolama doorashada golaha Baarlamaanka iyo awooda siyaasadda.

Dowlad goboleedka Hiiraan State , waxa ay ku shaqeyn doontaa doonista iyo rabitaanka dadkeeda .

Barnaamijka Xukuumadda Hiiraan State ayaa ah: Mustaqbal iftiin badan oo ay leeyihiin dhammaan dadka wada dega Hiiraan.

A bright future for all Hiiraan residents

مستقبل مشرق لجميع المقيمين فى هيران

Ujeedada Xukuumada Hiiraan State ee Soomaaliya ayaa ah inay u sameyso mustaqbal iftiin badan dhammaan dadka wada dega Hiiraan, kaasoo wax looga qaban doono arrimaha bulshada iyo dhaqaalaha .

Xukuumadda Hiiraan State ayaa go’aansatay inay sameysato ciidamo awood leh oo Militari iyo boolis oo awood u leh la dagaalanka argagaxisada ,sugidda ammaanka gudaha gobolada iyo Xuduudaha Hiiraan State ay la wadaagto gobolada kala duwan ee Soomaaliya iyo kilinka Shanaad ee ismaamulka Soomaalida Ethiopia.

Dowlad goboleedka Hiiraan State , waxa ay wax ka badali doontaa arrimaha hoos ku xusan:

1) Amniga: waxa ay awood militari ku maquunin doontaa kooxda Alshabaab ,si ay uga ceyriso guud ahaan dhulka Hiiraan ,una suura-geliso dib u soo celinta ammaanka,sharciga iyo wada-noolaanshaha.

2) Waxbarashada :waxaa wax laga badali doonaa hanaanka waxbarashada si loo dhaqan celiyo dhalinyarada la marin habaabiyay ee ka tirsan bulshada reer Hiiraan ,iyadoo gacan weyn laga geysan doono sidii loo wanaajin lahaa la dhaqankooda bulshada .

Waxaa dib loo howl gelin doonaa Dugsiyadii hoose/dhexe iyo sare , waxaa kaloo dowladdu yeelan doontaa Jaamacad .

Waxaase dowladdu aqbali doontaa iskuulo iyo Jaamacado Private ah oo ganacsi ah oo la yaqaan,kuwaasoo ka shaqeeya horumarinta waxbarashada ,iyagoo raacaya sharciga u dejisan dowladda goboleedka Hiiraan State .

3) Biyaha,korontada iyo Shidaalka: waxaa la sameyn doonaa Seddex Shirkadood oo dowladdu ay leedahay , midda koowaad waxa ay ka shaqeyn doontaa bixinta biyo nadiifsan oo caafimaad leh,halka tan labaad ay tahay Shirkad koronto oo dab dhalin ka sameyn doonta biyaha webiga , iyadoo koronto 24 hours la gaarsiin doono guud ahaan gobolada hoos taga Hiiraan State , tan seddexaad waa Shirkad shidaal oo rugo shidaal bixin ah ka sameyn doonta Magaalooyinka iyo Degmooyinka gobolada Hiiraan.

Waxaase dowladdu aqbali doontaa shirkado Private ah oo ganacsi ah oo la yaqaan,kuwaasoo ka shaqeeya iibka shidaalka adduunka ,iyagoo raacaya sharciga u dejisan dowladda goboleedka Hiiraan State .

4) Waddooyinka iyo buundooyinka : Dowladdu waxa ay ka howlgali doontaa dib u dayactirka waddooyinka iyo buundooyinka burburay ee dowladdii dhexe ee Soomaaliya ay hirgelisay , waxa ay kaloo sameyn doontaa waddooyin cusub oo ku jiheysan Magaalooyinka iyo Degmooyinka gobolada Hiiraan .

5) Airport-ka: Dowlad goboleedka Hiiraan State waxa ay ka howl gali doontaa balaarinta ,dib u dhiska , dib u habeynta iyo hagaajinta garoonka diyaaradaha Ugaas Khaliif ee Magaalada Baladweyne , si uu u noqdo garoon diyaaradeed oo marti geliya duulimaadyada diyaaradaha caalamiga ee ka howlgala Soomaaliya ,si ay halkaasi u noqoto marinka afaraad ee diyaaradaha kadib Magaalada Muqdisho,dhulalka Puntland iyo Somaliland .

6)Maxkamado iyo Xabsiyo : Dowlad goboleedka Hiiraan State , waxa ay hirgelin doontaa Xabsiyo waa-weyn oo cirifyada gobolada Hiiraan ku kala yaala , kuwaasoo la dhigi doono Dambiilayaasha nooc kastoo ay ahaadaan kadib marka Maxkamadaha gobolada ay soo kala xukumaan , waxaa kaloo jiri doona Xarumo Dambi baaris oo hoostagi doona waaxda Sirdoonka .

7) Saldhigyo Boolis iyo Xarumo Militari : Dowlad goboleedka Hiiraan State , waxa ay hirgelin doontaa oo ay dhisi doontaa dhismayaal cusub oo Booliska ay ku yeelan doonaan gobolada cusub iyo sidoo kale saldhigyo waa-weyn oo Militarigu ku yeelan doono goboladaasi .

Waxaa kaloo Dowladdu sameyn doontaa Dugsiyo Tababar oo Booliska iyo Militariga ay kala leeyihiin .

Dowladda Hiiraan State waxa ay awood milatari kula wareegi doontaa gobolada Hiiraan ay ka kooban tahay , waxa ay la dagaalami doontaa argagaxisada , waxa ay ka hortagi doontaa rabshadaha nooc kastoo ay ahaadaan .

Dowlad goboleedka Hiiraan State , waxa ay deris wanaag oo nabad iyo deganaansho leh ay kula dhaqmi doontaa dowladda Federaalka Ethiopia iyo gobolada kale ee wadanka Soomaaliya si looga shaqeeyo dhismaha iyo hurumarka.

8) Telefishan,idaacad ,Website, iyo Wargeys : Dowlad goboleedka Hiiraan State , waxa ay hadda leedahay website ,kaasoo u qoran sidatan : www.hiranstate.com , waxaase qorshaha ku jira in la balaariyo si wasaaradaha dowlad goboleedka loogu sameeyo mid waliba index u gaar ah oo ay ku muujin doonaan waxqabadkooda, waxaa kaloo qorshaha uu yahay in sida ugu dhaqsaha badan loo hirgeliyo Laba idaacadood oo FM ( Frequency Modulation) oo awood maqal dheer leh iyo Wargeys codka dowlad goboleedka Hiiraan State ku hadli doona .

Waxaa dib laga qorsheyn doonaa Telefishan Local iyo mid international ah oo dunida daafaheeda laga wada daawan doono oo isku wada shaqo ah hadduu allah idmo.

Waxaase la qorsheyn doonaa dhismaha Machad Saxaafadeed oo wax lagu bari doono saxafi kasta oo Soomaaliyeed iyo kuwa reer Hiiraan intaba si horumar ay u gaaraan.

9) Isbitaalo,rugo Caafimaad iyo Machad Caafimaad:Dowlad goboleedka Hiiraan State , waxa ay dib u dayactiri doontaa Isbitaalka Magaalada Baladweyne , waxayna ka shaqeyn doontaa balaarinta howlihiisa shaqo , waxaa kaloo laga dhisi doonaa gobolada kale ee Hiiraan Isbitaalo iyo rugo caafimaad oo daryeela dadka bukaanka ah iyo kuwa dhaawaca ah intaba .

Waxaase la qorsheyn doonaa dhismaha Machad Caafimaad oo wax lagu bari doono Kalkaaliye kasta oo Soomaali ah iyo kuwa reer Hiiraan intaba si horumar ay u gaaraan.

10) Haweenka iyo Machad Tababar : Dowlad goboleedka Hiiraan State , waxa ay dhiiri gelineysaa haweenka , waxa ay dhisi doontaa Xarun lagu tababaro Haweenka sida dhar tolida,sameynta darmooyinka falkooyinka,dharka hidaha iyo dhaqanka,waxbarashada diinta,computer-ka iyo cunta kariska.

11) Beeraha,Xoolaha iyo Machad Tababar : Dowlad goboleedka Hiiraan State , waxa ay dhiiri gelineysaa beeraleyda iyo xoola dhaqatada , waxa ay dhisi doontaa Machad lagu barto Xanaanada Xoolaha si wax soo saarka loo xoojiyo.

12 ) Ganacsiga iyo Rugta Ganacsiga : Dowlad Goboleedka Hiiraan State , waxa ay dhiiri gelineysaa Ganacsatada ha ahaadeen kuwa Shirkadaha isgaarsiinta , Xawaaladaha,Suuqleyda ,dukaanleyda iyo nooc kastoo shaqadooda ay tahay , waxa ay dowladdu sameyn doontaa Rugta Ganacsiga ee Hiiraan State , waxaa la xoojin doonaa Xiriirka Ganacsi ee Hiiraan State kala dhaxeeya Puntland ,Somaliland ,kilinka Shanaad ismaamulka Soomaalida Eithiopia ,iyo gobolada dhexe iyo kuwa koonfureed ee dalka Soomaaliya .

13) Dowladdu , waxa ay u istaagi doontaa : qorsheynta iyo dedejinta la wareegidda ammaanka iyo gacan ku heytna gobolada Hiiraan si loo fuliyo mashaariicda horumarinta oo ay ku jirto dhismaha Madaxtooyada , dhismaha Xarunta Golaha Baarlamaanka ,dhismaha Xarunta Golaha Wasiirada iyo dhismaha Xarumaha Wasaaradaha .

Wasiirka Wasaarada Warfaafinta
Ambassador C/qadir Abdulle Xooshow

Isha warka : Hiiraan State
webmaster@hiranstate.com
admin@hiranstate.net




Comments

#1 | Ali on January 12 2011 15:28:01
Dowladani waxeyba ka qatarsan tahay mida fedralka. wow

Goof luck Hiiraanians
Ali USA
#2 | Abuu-Salma on January 12 2011 15:41:13
Waa wax lagu farxo in aan aqriyo barnaamij noocan oo kale ah oo sidan loo soo diyaariyay guul hiiraan state ayaan leeyahay iyo golahiisa wasiirada cusub.
#3 | Muna on January 12 2011 15:59:12
Masha allah waa bilicdii dowlada Hiiraan State guul ayaan idin leenahy wada shaqeeyn wacan iyo horumar wanaag marka waxaan idin rajeeyneeynaa in uu Illahay hoowsha idiin fududeeyo waxaana leenahay Cadoowga Isha Baxarka Guul is daba jiig ah ayaan idiin rajeeyneeynaa insha allah Wabillahi Toowfiiq
#4 | ILYAAS on January 12 2011 16:04:29
MAASHA ALLAH GUUL BAAN U RAJEEYNAYAA MADAXWEYNE MAXAMUUD CABDI GAAB
#5 | samajecel on January 12 2011 16:05:05
Grinqorshaha aad noo wadaan ,waa ku qanacsanay.

waxaad noo qeexday ,hoowshiina qaaligaa.

anana qeybtaan laheeyn,waa la qabananayaa.

looooooooooooooooooooooooooooooooool
#6 | Habib on January 12 2011 17:03:10
Af waa laga hadli karaa, waxna waa la qori karaa, xaqiiqda se ma fududo. Midda kale waa maxay 25 wasiir? Aqli ayaa loo baahan yahay.
#7 | moh on January 12 2011 18:47:20
guul hiiranstate....habib inta aaden wax mucaaradin ka shaqeysii aqligada gaaban.....20 sano wasiir kahadal iyo wax mucaarad .... guut state ka iyo dowla
#8 | DHAFE on January 12 2011 18:55:38
MASHA ALLAH WAA WAX LAGU FARXO ILAAHEY HA IDIIN FUDUDEEYO HOWSHA WADAN VIVA HIIRAAN STATE
#9 | ABDULQADIR on January 12 2011 20:31:12
MAASHA ALLAH WAAN HELAY HAMIGAAN LAHAA WALEE MANTA AYAAN GAARNAY BILOOWGII MEESHAAN HIGSANAYNAY HIIRAANSTATE WAA DUUSHAY KANAXOOW NAFTA WAA WAXAAN ILAHAY UGA BARYAA INUU LAGARAB GALO MASUULIYIINTA HS SHAQADA AADKA U ADAG OO SUGEEYSA AMIIN
#10 | abdifatah on January 12 2011 21:35:01
wallahi qorshaha sidan oo kale loo soo diyaariyay waa maskax cilmiyeeysan marka waxaan dhihi lahaa marka hore halaqaado talaabo militari oo cad si loo xoreeyo dalka ...marka gobolka hiiraan oo dhan laqabto xuduudaha si fiican haloo adkeeyo ..kadibna hor marka kale haloo soo jeesto inshallaah ..good luck hiiraan.

Post Comment

Please Login to Post a Comment.

Ratings

Rating is available to Members only.

Please login or register to vote.

No Ratings have been Posted.
Render time: 0.04 seconds
14,581,052 unique visits