Hidaha iyo dhaqanka

; ; ; ; ; ; ; ; ; ; ; ; ; ; ; ; ; ; ; ; ; ; ; ; ; ; ; ; ; ; ; ; ; ; ; ; ; ; ; ; ; ;

Users Online

· Guests Online: 3

· Members Online: 0

· Total Members: 189,964
· Newest Member: evokafr

Welcome

HS:- Maxaa ka jira in Shiikh Shariif hub casri?

Wararka MaantaHS:- Warar aan intooda badan walito si rasmi ah loo xaqiijin ayaa isa soo taraya, kadib markii sida lagu soo waramayo Shiikh Shariif awoodiisa dhan iskugu geeyey sidii Soomaaliya looga qaadi lahaa cunaqabateynta saaran ee dhinaca hubka.

Shariifka ayaa dowlado iyo shirkado private ah oo aan si rasmi ah loo shaacin doonaya inuu hub casi ah oo aan la aqoon cida uu rasmiyan kula dagaalayo ka soo iibsado isagoo isticmaalaya dakado macmal ah oo ku yaala dalka Soomaaliya.

Marka laga soo tago codsiyada kala duwan ee uu ku doonayo Shariifka in laga qaado cunaqabateynta dhinaca hubka ah ee saaran Soomaaliya hadane waxaa jiro qorshe aan maanta Soomaalida ka qarsooneyn kaasi oo ah sidii mar labad ay dib ugu soo laaban lahaayeen hogamiyaashii iyo shaqsiyaadkii horey ugu midoobay midawgii maxkamadaha Islamiga maantana u kala jabay qaar hogaamiya amaba ku jira dowlada kumeel gaarka sida Shariifyada, halka qaar kalena ay ka tirsan yahiin kooxda Al qacida sida oday Aweys, Turki, Godane iyo waxii la mid ah.

Sikastaba hamiga ku jira Shariifka iyo kooxdiisa wey adag tahay sidii uu uga shaqeyn lahaa Soomaaliya maadaama ay hada u muuqato in beesha caalamka u soo jeesatay Soomaaliya lagana yaabo inba dalka dhan la galiyo maxmiyad walow uu Shariifka isku diyaarinayo jabhadeyn iyo hada kadib madama uu aad u dareensan yahay in ay beesha caalamka uga dhamaatay dhinaciisa isaga iyo saaxiibkiis Shariif Hasan.

Shiikh Shariif ayaa maalmahan afkiisa laga fujin la yahay Gaalada ha lala dagaalo iyo gumeysidooni meyno ,waxaanse la ogeyn gaalada uu sheegayo cida ay yahiin maadama uu horey u salaamay haweeneyda dowlada Mareykanka u ah wasiirka arimaha dibada dalkana isagu keenay ciidamada hada jooga ee iskugu jira Kenyanka, Ethiopianka iyo kuwa wata magaca Amisom ee hada la doonayo in loo bedelo Unisom 2 oo uu dhamaantood wadankooda ugu tagay kulana shiray madaxweynayaasha dalalakaas?

Shariifka waxaa hada miiska u saaran in marka hore mudanayaasha baaralmaanka uu hogamiyo Madoobe Nuunoow madaxa lo salaxo oo af mac lagula hadlo si ay Moshin ugu keenaan xukuamda uu garwadeenak ka yahy R/wasaare Gaas, markaasna bur buriyo baarlamaanka Soomaaliya isagoo aduunyada ka codsanayo in laga qaado cunaqabateynta hubka ee saaran Soomaaliya inta aan la soo dhisin baarlamaanka cusub oonba loo baahan in wax badan laga ansaxiyo amaba la marsiiyo baarlamaanka kumeelgaarka ah oo hada u muuqda mid ay awoodiisa isa soo tareyso.

Laakinse waxaa laga yabaa inba baarlamaanka ay Shariifka Moshin ka keenaan maadama ay hada isku xiran yahiin inta badan mudanayaasha tan iyo markii ay doorteen gudoomiyaha cusub ee baarlamanka Madoobe Nuunoow Mohamed.

Sida muuqata siyaasada madaxweyne Shariif waa mid gabi ka laalaada waxeyna u badan tahay in ay bulshada Soomaaliyeed intii diyaar u ah iney helaan nidaam iyo kala danbeyn ay isla jaan qaadi doonaan.

La soco wararkeena danbe iyo Soomaaliya.

Isha warka Hiiraan State
webmaster@hiranstate.com
admin@hiranstate.net

Comments

No Comments have been Posted.

Post Comment

Please Login to Post a Comment.

Ratings

Rating is available to Members only.

Please login or register to vote.

No Ratings have been Posted.
Render time: 0.71 seconds
14,600,050 unique visits