Hidaha iyo dhaqanka

; ; ; ; ; ; ; ; ; ; ; ; ; ; ; ; ; ; ; ; ; ; ; ; ; ; ; ; ; ; ; ; ; ; ; ; ; ; ; ; ; ; ; ; ; ; ; ; ; ; ; ; ; ; ; ; ; ;

Users Online

· Guests Online: 3

· Members Online: 1
adamss69

· Total Members: 189,964
· Newest Member: evokafr

Welcome

HS:-Waxgaradka, siyaasiyiinta iyo qurba joogta Hiiraan oo sheegay iney bari ka yahiin waxii ka soo baxay Garoowee

Wararka MaantaHS:— Kulan aan loo kala kicin oo socday dhawr saacadood kana soo qeyb-galeen Odayaasha, siyasiyiinta,Waxgarad iyo Aqoonyahanada ku dhaqan Hiiraan oo ka dhacay magaalada Belet Weyne ayaa siweyn looga soo horjeestay shirkii dhawaan lagu soo gabagabeeyay magaalada Garoowe ee caasimada Puntland.

Waxgaradka ayaa ku nuux nuuxsaday in shirkaasi ahaa mid u dhaxeeyay kooxo gaar ah, laakiin aan lagu tilmaami karin shir looga hadlayey masiirka iyo aayaha umada Soomaaliyeed iyagoona sheegay in laga been abuurtay magaca shirka oo ahaa wadatashi Soomaaliyeed, isagoo carabka ku adeeyay in shirkaasi uusan ahayn mid Soomaali isugu tagtay.

"Anagga shirkaa waxaa u aragnaa inuu ahaa shir lagu shir-qoolayay maslaxada iyo danaha ummada Soomaaliyeed, waana ka xunahay in shir noocaas oo kale ah lagu sheego in uu ahaa shirka wadatashiga umada Soomaaliyeed," ayaa ka mid ahaa inta badan fikradahii ka imaanayey waxgaradka reer Hiiraan


"Runta marka aan idin sheegno shirkaas Garoowe waxaa isugu tagay kooxo gaar ah, hay’addo Ajnabi ah oo la shaqeysta kooxahaas, marka anaga ka Hiiraan ahaan wax naga quseeyo shirkaasi ma jiro,".

Sikastaba reer Hiiraan ayaa iska bari yeelay waxkasta oo ka soo baxay shirkaas hadii uu taariikh xun oo mugdi ah ku reebo umada Soomaaliyeed iyo hadii kaleba uuna quseeyo cawaaqibka ka dhalan doonana ay masuuliyadiisa qaadan doonaan intii saxiixday heshiiskaas hadii si sahlan dalka loo galiyo maxmiyad.

Ugu danbeyn dalka Soomaaliya ayaa lagu wadaa in waxii ka danbeeya bisha 8aad ee sanadkan la galin doono gumeysi mudo aan hada si rasmi ah afka loogu dhufan loosa maleynayo dhawr sano iyadoona la bedlayo ninka hada shirka Garoowe qaar Soomaalida ka mid ah iskugu geeyey ee waxii uu doono ka saxiixday Amb Mahiga.

Isha warka Hiiraan State
webmaster@hiranstate.com
admin@hiranstate.net

Comments

No Comments have been Posted.

Post Comment

Please Login to Post a Comment.

Ratings

Rating is available to Members only.

Please login or register to vote.

No Ratings have been Posted.
Render time: 0.16 seconds
14,638,062 unique visits