Hidaha iyo dhaqanka

; ; ; ; ; ; ; ; ; ; ; ; ; ; ; ; ; ; ; ; ; ; ; ; ; ; ; ; ; ; ; ; ; ; ; ; ; ; ; ; ; ;

Users Online

· Guests Online: 1

· Members Online: 0

· Total Members: 189,964
· Newest Member: evokafr

Welcome

HS:- Gudoomiyaha baarlamaanka Soomaaliya

Wararka MaantaHS:-Kulan ay maanta ku yeehseen golaha shacabka mudayaasha baarlamanka uuna shir gudoominayey gudoomiyaha baarlamanka soomaaliya Madoobe Nuunoow Mohamed ayaa laga soo saaray xiliga ay doorashadu dhaceyso


Mudanayaasha Baarlamaanka oo horey xilka uga qaadeen gudoomiyahii baarlamaanka Shariif Xasan, islamarkaana Madoobe Nuunow u doorteen gudoomiyaha cusub ayaa maanta kulan ay ku yeesheen xarunta baarlamaanka ka sheegay in doorashada madaxtinimada dalka Soomaaliya laga soo hormarinayo waqtigii loo qabtay ee ahaa bisha August.

Mudanayaashan oo madaxweyne Shariif ku eedeeyay xil gudasho la’aan ayaa u codeeyeen in doorashada madaxweynaha laga soo hormayo waqtigii hore loo qorsheeyay, islamarkaana arrintaas cod aqlabaiyad leh ku mariyeen.

Gudoomiyaha baarlamaanka Madoobe Nuunow oo kulankaas shir guddominayay ayaa sheegay in kulanka ay ka qeybgaleen 278 mudane, islamarkaana go’aamiyeen in 30-ka bisha afaraada ee April la qabto doorashada madaxtinimada dalka Soomaaliya.

Xildhibaanadan ayaa sheegay in uu sharciga ku tuntay madaxweyne Shariif sidaasi daraadeed loo baahan yahay in dalka laga hirgaliyo doorasho bisha April. sida warar sugan lagu helayo mudayaashani waxaa siweyn ula shaqeynayo beesha caalamka oo iyadu ruwaayad u dhigeysa labada Shariif oo sida muuqata gabalkoodii dhacay marka laga hadlayo arimaha Soomaaliya.

Tartanka soo socda ayaa waxaa u taagan ku dhawaad 20 musharax oo ay ku jiraan rag rug cadaay ah oo u badan aqoonahano wax ku soo bartay canshuurtii uu dalku lahaa loona saadalinayo hadii doorasho la qabto in uu ku soo bixi doono shaqsi aad aad loo hadla hayo,oo waliba iyadoo shir ka socdo dalka Ingiriiska ay beesha caalamka si is daba joog ah ula soo xariireyso isbuucyadii la soo dhaafay kaasi oo ay sheegeen inta badan dowladaha aduunka inuu yahay shaqsi dalkiisa iyo dadkiisa samata bixin kara.

Isha warka Hiiraan State
webmaster@hiranstate.com
admin@hiranstate.net



Comments

No Comments have been Posted.

Post Comment

Please Login to Post a Comment.

Ratings

Rating is available to Members only.

Please login or register to vote.

No Ratings have been Posted.
Render time: 0.87 seconds
14,584,682 unique visits