Hidaha iyo dhaqanka

; ; ; ; ; ; ; ; ; ; ; ; ; ; ; ; ; ; ; ; ; ; ; ; ; ; ; ; ; ; ; ; ; ; ; ; ; ; ; ;

Users Online

· Guests Online: 5

· Members Online: 0

· Total Members: 189,964
· Newest Member: evokafr

Welcome

HS:- Madaxweyne Shariif oo waji gabax kala kulmay jaaliyada Soomaalida ee UK kadib markii

Wararka MaantaHS:- Marka la eego shirarkii ay horey u qaban jireen masuuliyiinta dowlada iyo sida ay jaaliyada UK u soo buuxin jirtay hadane habeenkii xaleyto ahaa markii ay arkeen qabana qabiyaashii shirka Hoolkii loogu talo galay kumanaan ruux oo cidlo ah ayey dadka ka codsadaan iney iskugu yimaadaan hal meel soona fadhiistaan masuuliyiinta qudbeyneysa hortooda.




Warar sugan ayaa shegaya in aysan shirkii xaleyto ka soo qeyb galin jaaliyadaha ka soo jeeda Hiiraan,Gedo Puntland iyo Galmudug inkasta oo aan la garaneyn ujeedada ka danbeysa ka baaqashada ay ka baaqdeen iney ka qeyb galaan shirka uu madaxweynaha Soomaaliya kula kulmayey jaaliyada Soomaaliyeed ee qurbaha kuwooda ku nool UK.



Dowlada Ingriiska oo aaminsaneyd in maadaama shirkani yahay shirkii ugu danbeyey ee uu qabto Shiikh Shariif maadama uu waqtigiisa dhamaanayo yahayne markii ugu danbeysay ee uu shir qabto isagoo m,adaxweyne Soomaaliyeed ah waxey u qabteen hool qaada kumanaan kun waxaana soo xaadiray boqolaal kaliya taasi oo dowlada Ingiriiska tusineysa inuusan Shariifka taageero shacab heysan.



Laakinse warar kale waxey shegayaan maadama ay jaaliyada Soomaalida shirar sidan oo kale u qabanayaan madaxweyneyaasha Galmudug iyo midka Puntland caawa iyo habeen danbe waxaa la leeyahay wey ugu talo galeen in aysan soo xaadirin shacabkooda. shirarka ay iyagu qaban doonaan wey ka dad badnaan doonaan midka uu qabtay Shariifka ayaa la leeyahay.

Sidoo kale waxaan habeenkii xaleyto ahaa iyaguna madasha shirka imaan jaaliyada ka soo jeeda Soomaaliland oo iyaguna madaxweynahooda gooyni ula kulmayey maadama waqtiyadii hore shirarka noocaan ah ay Soomaalidu isku camiri jireen soona buuxin jireen.

Qaar ka mid ah dadkii ka qeyb galay shirka oo aanu siyaabo kala duwan ula xariirnay ayaa inoo xaqiijiyey in uusan shirku aheyn sidey moodayeen dadkuna aad u yaraa lana soo gaabiyey mudadii loogu tago galay inuu shirka socdo.



Madaxweyne Shariif oo ay magaalada Mogdisho ku sugayaan mudayasha baarlamanka oo ku kor dooranaya madaxweyne cusub 60 cisho gudaheed waxuu siyaasada Soomaaliya ka tagayaa isagoo dhaleyceysan dhinackasta marka dib loo eego heerka uu dalka iyo dadka Soomaaliyeed gaarsiiyey.

Arinta kale ee hada soo shaac baxday ayaa ah in Soomaaliland la aqoonsanayo bisha 8aad waxii ka danbeeya dhawaana aad loo maqli doono qeylo ka soo yeereyso dowlada kumeel gaarka ah iyo maamulka Puntland oo intii uu shirka socday loo seex seexday hadase uu xaalka ku xu yahay.

Isha warka Hiiraan State
webmaster@hiranstate.com
admin@hiranstate.net

Comments

No Comments have been Posted.

Post Comment

Please Login to Post a Comment.

Ratings

Rating is available to Members only.

Please login or register to vote.

No Ratings have been Posted.
Render time: 0.15 seconds
14,569,634 unique visits