Hidaha iyo dhaqanka

; ; ; ; ; ; ; ; ; ; ; ; ; ; ; ; ; ; ; ; ; ; ; ; ; ; ; ; ; ; ; ; ; ; ; ; ; ; ; ; ; ; ; ; ; ; ;

Users Online

· Guests Online: 7

· Members Online: 0

· Total Members: 189,964
· Newest Member: evokafr

Welcome

HS:- Shir lagu soo dhaweynayey wasiirka qorsheynta iy xiriirka caalamiga oo ka dhacay Kenya

Wararka MaantaHS:- Shirweyne ay ka soo qeyb galeen qeybaha kala duwan ee bulshada Hiiraan ayna soo qaban qaabiyeen jaaliyada reer Hiiraan ee dalka Kenya ayaa lagu qabtay caawa magaalada Niarobi ee dalka Kenya.

Shirka oo ujeedadiisu aheyd soo dhaweyn loo sameynayey wasiirka qorsheynta iyo xiriirka caalamiga ayaa warbixin dheer looga dhageystay wasiirka isagoona faah fahin ka bixiyey xaalada guud ee Hiiraan kadib safar uu dhawantan ku tagay isaga iyo wasiiro iyo xildhibano ka soo jeeda Hiiraan oo halkaasi ku sugnaa mudo dhawr iyo toban maalmood ah.

Wasiirka oo qudbadiisu ay tabaneysay qeybo kala duwan ayaa ugu danbeyn jaaliyada Hiiraan ee ku nool dalkaasi ku dhiiragaliyey iney kaalinta kaka aadan xasilinta dalka iyo degaanka ay ka soo jeedaan ka soo dhalaalaan si ay bulshada Soomaaliyeed uga baxan fowdada iyo qalalaasaha la haray dalkooda iyo dadkooda.

Intaasi ka dib waxaa hadalka qaatay waxgaradkii ka soo qeyb galay madasha shirka oo runtii aad ugu riyaaqay warbixinta iyo sida uu wasiirku u deeqsiiyey hadalka waxgaradka iyo intii ka soo qeybgashay shirka. dood dheer iyo wada hadal kadib waxaa halkaasi uga mahadceliyey dadweynahii ka soo qeybgalay shirka wasiirka qorsheynta iyo xiriirka caalamiga ah Dr Abdullaahi Godax Bare.

Marka laga soo tago kulanka dhax maray wasiirka iyo waxgaradka jaaliyada reer Hiiraan ee Kenya hadane waxaa dhawaantan lagu wadaa in Hiiraan ay yeelato maamul ay ka soo shaqeeyeen wasiirada iyo xildhibanada reer Hiiraan ugu jirta dowlada kumeel gaarka kadib kulamo kala duwan oo ay la soo qaateen waxgaradka, siyaasiyiinta, aqoonyahanada iyo waliba culimada reer Hiiraan xili ay dhawaantan gaareen gudaha Hiiraan.

Masuuliyiintan reer Hiiraan ugu jirto dowlada kumeel gaarka ah oo mudo hada laga joogo bil iyo bar ka soo shaqeeyey maamulkani ay raaliga ka yahiin waxgaradka Hiiraan shaqo adagna ka soo qabtay Hiiraan nasiib wanaag waxaa meer meerinayey mid ka mid ah masuuliyiinta TFGda oo isagu u arka dowlada uu hogaankeeda hayo oo dalka ku faafta ineysan dan ugu jirin maadaama uu isagu ku yimid fowdo iyo qaab aan dowladnimo lagu gaareyn isagoo ay waliba hada u hartay waqti cayiman.

Laakinse markaad xaalada dhinaca kale ka eegto waxgaradka Hiiraan ma doonayaan in dadaalada ay wadaan masuuliyiinta TFGda ugu jirto reer Hiiraan ka hor dhacaan. ugu danbeyn shirarka uu wado wasiirka qorsheynta iyo xiriirka caalamiga amaba kula kulmayo jaaliyada reer Hiiraan ee qurbaha ayaan aheyn markii ugu horeysay dhawaantan ayey aheyd markii uu qurba joogta aduunka kula hadlay dhinaca isgaarsiinta kadib markii ay ka soo qeyb galeen ku dhawaad 4000 kun oo ka mid ah qurba joogta oo shirka kala socday teleconfrance iyo aalada Facebooka.


Isha warka Hiiraan State
Webmaster@hiranstate.com
admin@hiranstate.net

Comments

No Comments have been Posted.

Post Comment

Please Login to Post a Comment.

Ratings

Rating is available to Members only.

Please login or register to vote.

No Ratings have been Posted.
Render time: 0.17 seconds
14,614,243 unique visits