Hidaha iyo dhaqanka

; ; ; ; ; ; ; ; ; ; ; ; ; ; ; ; ; ; ; ; ; ; ; ; ; ; ; ; ; ; ; ; ; ; ; ; ; ; ; ;

Users Online

· Guests Online: 2

· Members Online: 0

· Total Members: 189,964
· Newest Member: evokafr

Welcome

HS:- Gudoomiyahii hore ee baarlamaanka Shariif Sakiin oo ka tanaasulayo

Wararka MaantaHS:- Kdib markii sida muuqata ay bur bureen go,aanadii ka soo baxay shirkii Garoowe ayaa waxaa soo baxaya in ay hada siyaasiyiintii ku fikirka ahaa Mahiga ka tanaasulayaan xilalkooda iyadoona wararkii ugu danbeeyey ee naga soo gaaray magaalada Dubai ay sheegayaan in gudoomiyahii hore ee baarlamanka ee xilkiisa laga qaaday Shariif Hasan uu doonayo ka hor inta uusan baarlamaanka Soomaaliya iclaamin doorashada madaxweynaha Soomaaliya oo dhaceysa bisha April inuu gobolada Bay iyo Bakool iska soo sharaxo halkaasina u sameeyo maamul goboleed ay hogaaminayaan rag uu isagu wato si uu kaalin muuqata ugu yeesheeyo siyaasada beelaha Digil iy Mirfle oou waaayadan ka dhax muuqan waayey.

Shariiif Sakiin ayaa la sheegaa in uu beelaha Digil iyo Mirifle jahwareer siyaasadeed ku hayey mudo fog taasi oo aaqirkii sida warar sugan lagu helayo ay beeshu hada kalsoonidii kala laabteen yahayna nin meel cidlo ah taagan hadey noqon laheyd siyaasada federalka iyo mida degaanka ay degaan beelaha Digil iyo Mirifle inkasta oo sida la sheego Shariif Hasan aheyn amaba ka soo jeedin beelahaas hadane iyagaas ayuu isku isticmaali jiray si uu dantiisa uga dhax helo.

Warku waxuu intaasi ku darayaa in Shariifka laga soo xigtay isagoo leh waxii Garoowe lagu dhoodhoobay ma muuqato iney shaqeynayaan weyna adag tahay si loo baajiyo doorashada ay iclaamiyeen baarlamaanka Soomaaliya ayuu yiri xili uu rag ay saaxibo hoose yahiin ku sir qarsanayey magaalada Dubai kadib markii uu cadaadis siyaasadeed oo xoogan kala kulmay beesha caalamka.

Ugu danbeyn ragii dhawr isbuuc ka hor shirarka ku qabtay Garoowe ee is lahaa baarlamaan cusub ayaad gacantiina ku soo xulaneysaan hamigaas hada ma jiro sida axdi qarameedka ku qorana baarlamaanka hada jira ee uu hogaaminayo gudoomiyaha cusub ee baarlamanka Madoobe Nuunoow Mohamed waxaa bedeli kara baarlamaan la soo doortay oo kaliya waana mida hada caqabad weyn ku ah madaxweyne Shariif, Mahiga, Faroole, Cabdiwali Gaas iyo gudoomiyaha hada quustay Shariif Hasan.

Marka laga soo tago damaca Shariif Hasan uu ku doonayo inuu maamul goboleed uu ama isaga hogaaminayo ama rag u isagu wato hogaaminayaan ka sameeyo Bay iyo Bakool,hadane marka xaalada dhinackasta laga eego waxaad moodaa in awooda siyaasadeed ee uu ku dhax leeyahay beelaha Digil iyo Mirifle ay aad u yar tahay xiliga maanta ah walow ay isaga iyo madaxweyne Shariif ku jiraan wax u muuqaal eg riyo oo midba midka kale kula balamay hadii ay socon weyso siyaasada dowlada dhexe in midkasta isku diyaariyo sidii uu u noqon lahaa madaxweyne maamul goboleed hadii shacabka degaanada ay doonayaan iney wax ka noqdaan la marsiiyn karo fikirkaas.

Laakinse marka la eego awooda siyaasadeed ee ay ku leeyahiin siyaasiyiinta ka soo jeeda beelaha Digil iyo Mirifle ee ku fikirka ah gudoomiyaha baarlamaanka Madoobe Nuunoow Mohamed wey adag tahy in ay shaqeeyso riyada ay ku jiraan labada Shariif oo u muuqda kuwo aad looga faa'ideystay intii ay ku mashquulsanaayeen diyaaradaha dibada loo raaco iyo safarada.

Dhinaca kale magaalada Mogdisho waxa ka jiro dhaqdhaqaaq siyaasadeed kii ugu weynaa inta la xasuusto 10kii sano ee ay Soomaalida ku jirtay xiliga kumeel gaarka ah iyadoona leysku diyaarinayo doorashada madaxweynaha Soomaaliya oo lagu wado iney ka dhacdo magaalada Mogdisho bisha April sida ay shegeen baarlamaanka sharciga ah ee hada jira maalinkastana ku mashquulsan shirarka, halka xiligii uu joogay Shariif Sakiin iska xirnaan jiray taasi oo hada indhaha beesha caalamka soo jiitatay.

Aad ayey u wanaagsanaan laheyd in aanu bulshada Soomaaliyeed u soo bandhigno waxii ka soo baxay shirkii Garoowe iyo sida ay u noqon karto meel mar maadama aanba la soo marsiin amaba leyskuba dayin inba laga ansaxiyo baarlamaanka Soomaaliya go,aanadaasi halkii lagu saxiixay ayey ku bur bureen waana fikir ku soo haray saxiixayaashii shirkii Garoowe 1 iyo 2 ayaa ka mid ahaa hadalo gaaban oo laga soo xigtay gudoomiyahii siyaasada ku fashilmay ee ay Soomaalidu u taqiinay Shariif Sakiin

Waxaa kale oo jira in gudigii dastuurka ee magaalada Mogdisho gaaray ay iyaguna xusul duub ugu jiraan sidii ay ula kulmi lahaayeen gudoomiyaha baarlamaanka Madoobe Nuunoow Mohamed maadaama hadii baarlamaanka Soomaliya ku dhawaaqo xiliga ay rasmiyan dhaceyso doorashada uu meesha ka baxayo dastuurkaan hada lagu soo dhoohdoobay dalka dibadiisa iyadoo ragii bilaabay dastuur u sameynta dalka uu ka mid ahaa wasiirkii hore ee dastuurka oo haatana ah gudoomiyaha baarlamaanka Soomaaliya.

Isha warka Hiiraan State
webmaster@hiranstate.com
admin@hiranstate.net



Comments

No Comments have been Posted.

Post Comment

Please Login to Post a Comment.

Ratings

Rating is available to Members only.

Please login or register to vote.

No Ratings have been Posted.
Render time: 0.16 seconds
14,579,374 unique visits