Hidaha iyo dhaqanka

; ; ; ; ; ; ; ; ; ; ; ; ; ; ; ; ; ; ; ; ; ; ; ; ; ; ; ; ; ; ; ; ; ; ; ; ; ; ; ; ; ;

Users Online

· Guests Online: 7

· Members Online: 0

· Total Members: 189,964
· Newest Member: evokafr

Welcome

HS:- Ciidamada Hiiraan oo jabweyn u geystay kooxo Al qacida ka tiran oo weerer ku soo qaday magaalada .

Wararka MaantaHS:- Dagaal ay soo qaadeen kooxo nafla caari ah oo dhulka miyiga ah ee magaalada Belet weyne ugu noolaan waayey gaajo kana tirsanaa ururuka Al qaacida ayey fooda is dareen ciidamada Hiiraan ee gacanta ku haya magaalada Belet Weyne iyo nawaaxigeeda.

Dagaalka oo bilaawday xili saq dhexe ah ayaa ugu danbeyn kooxahii dagaalka soo qaaday laga
dhigay wax dhintay iyo wax la qabtay iyo tiro dhaawac ah kadib markii ay la kulmeen quwad ka xoog badan.magaalada Belet Weyne oo ah caasimada Hiiraan ayna ku nool yahiin shacabka ugu badan gobolada dhexe ee Soomaaliya waa magaalo ka caagan argagixisada Al qaacida waxaana maalmahii la soo dhaafay ka socday tartan kubada cagta ah oo ay iskaka hor imaanayeen kooxaha ka dhisan xaafadaha ay ka kooban tahay magaalada Belet Weyne.

Waxaa magalada dhawantan gaaray wafti ka socday dowlada kumeel gaarka oo iskugu jiray wasiiro iyo xildhibaano kuwaasi oo markii ay halkaasi gaareen isku keenay qeybaha kala duwan ee bulshada Hiiraan iyadoona aaqirkii leysla meel dhigay in Hiiraan loo sameeyo maamul xiriir wanaagsan la leh dowlada kumeel gaarka ah iyadoona ay ciidamadii magacyada faraha badan watay sida Ahalusuna, Dooxada iyo waxii la mid ah lagu mideeyey magaca ciidamada Hiiraan oo ay kaliya sugayaan maamulka cusub ee lagu wado iney la wareegaan dhawaantan Hiiraan.

Sikastaba waxaan la dafari karin sida ay u wiiqantay awoodii guud ee Al qacidada Soomaaliya kadib markii uu soo gaaray amaba ay ku jabeen dagaalo badan oo ka dhacay Hiiraan, Gedo, Bay Bakool iyo Jubooyinka halka dharaar cad laga saray magaalada Mogdisho oo ah caasimadii Soomaaliya.

La soco wararkeena danbe

Isha warka Hiiraan State
webmaster@hiranstate.com
admin@hiranstate.net

Comments

No Comments have been Posted.

Post Comment

Please Login to Post a Comment.

Ratings

Rating is available to Members only.

Please login or register to vote.

No Ratings have been Posted.
Render time: 0.16 seconds
14,599,798 unique visits