Hidaha iyo dhaqanka

; ; ; ; ; ; ; ; ; ; ; ; ; ; ; ; ; ; ; ; ; ; ; ; ; ; ; ; ; ; ; ; ; ; ; ; ; ; ; ; ; ; ; ;

Users Online

· Guests Online: 4

· Members Online: 0

· Total Members: 189,964
· Newest Member: evokafr

Welcome

HS:- Gobolka Sh/dhexe oo ay isku aruursanayan..

Wararka MaantaHS:- Gobolka Sh/dhexe oo ah gobolka kaliya ee aysan ka socon dagaal looga soo horjeedo Shabaab iyo Al qacida waxaa ka socda hub aruursi aan caadi aheyn kadib markii madaxweynaha Soomaaliya wacad ku maray dhawantan in uu dib u soo celin doono maxkamadahii Islaamiga ka hor inta uusan ka tagin xafiiska amaba waqtigiisa dhamaan dhawrka bilood ee inagu oo aadan.

Wararka aanu ka heyleyno Sh/dhexe ayaa tilaamaya in uu halkaasi ka socdo dhaqdhaqaaq ay dib ugu soo nooleynayaan awoodii maxkamadaha kadib markii la xaqiijiyey in ciidamada dowlada 50% yahiin amaba ku fikir yahiin kooxaha Islaamiyiinta ee ka dagaalamayey ilaa 2006kii dalka Soomaaliya.

Koox u badan aqoonyahano ka tirsan garab ka mid ah maxkamadahii bur buray xiriir wanaagsana la leh Shiikh Shariif ayaa si rasmi ah ula wareegay idaacada Radio Mogdisho, ilahii dhaqaalaha, ganacsiga, halka ay hada ku talo jiraan madaxweyne Shariif iyo xulufadiisa sidii ay r/wasaaraha Soomaaliya ugu qasbi lahaayene in gobolada laga saaro Shabaab ugu magacaabi lahaayeen rag horey ugu tirsanaa ururka Itixaad amaba maxkamadahii Islaamiga ee bur buray maadaama ay ku guuleysteen Sh/dhexe iney u helaanmaamul ku fikir ah kooxdan, iyadoona degaanada lagu tijaabinayo mamuladaasi ay kala yahiin Hiiraan, Gedo, Bay iyo bakool iyo Jubooyinka oo ay Shariifka iyo kooxdiisa wacad ku mareen iney diidi doonaan maamul kasta oo ay soo jeediyaan siyaasiyiinta ka soo jeeda degaanadaasi oo iyagu doonaya in gobolada dalka loo helo nidaam iyo maamul ku yimid wadatashi.

Siyaasadaha iyo shirarka inta badan ka socda Villada oo intooda badan dhaca waqti danbe oo habeenkii ah waxey aad u xogeysteen tan iyo markii uu dalka dib ugu soo laabtay madaxweyne Shariif oo fashil siyaasadeed oo aan caadi aheyn kala soo kulmay shirkii ka dhacay 23kii magaalada London. magaalada Mogdisho waxaa ka socda dhaqdhaqaaq hub iyo saanad militari loogu rarayo Sh/dhexe iyadoo ay hada socdaan heshiisyo hoose oo lala galayo ciidamada Shabaab ee ku sugan halkaasi oo lagu dhiiralinayo iney sidooda ahaadaan inta ay ka soo gaarayaan ciidamo iyo rag Mogdisho laga dirayo oo ay hor kacayaan maamulkii uu dhawaantan u dhisay madaxweyne Shariif gobolka Sh/dhexe oo dhamantood ka soo jeeda beeshiisa halka ay Sh/dhexe degan yahiin beelo badan oo Soomaaliyeed.

Wararka qaarkood ayaa sheegaya in madaxweyne Shariif uu ka dhiganayo saldhigiisa ugu weyn magaalada Mahadaay halkaasina ka soo jabhadeeyo si uu u galo dagaal dheer hadii doorashada looga guuleysto midawga maxkamadaha Islaamiga oo dhawantan si rasmi ah magaca looga bedeli doono kaasi oo ay ku mideysan yahiin dhamaan hogaamiyaashii maxkamadaha hogaamin jirtay intiiba ka nool oo qaarkood ay hada ku biireen al qacida.

Sidoo kale madaxweyne Shariif iyo xulufadiisa ayaa saldhigyo waaweyn oo ciidan doonaya iney ka sameystaan goobo aan si rasmi ah loo shaacin laakinse ka mid ah dhulka ay degaan wasiirkii hore ee boostada iyo isgaarsiinta xukumadii Farmaajo marne u ahaan jiray turjubaan madaxweyne Shariif.

Marka laga soo tago siyaasadaha cusub ee ay wadaan madaxweyne Shariif iyo koox xag jir ah oo isaga ku fikir ah hadane waxaa la xaqiijiyey in hubka ugu cul culus ee ku jira gacanta ciidamada dowlada ay hayaan rag ku fikir ah kooxda aanu kor ku soo sheegnay.

Qorshaha kale ee miiska u saaran kooxda ayaa ah iney sameeyeen koox dhalinyaro ah oo loo xil saaray dilalka qorsheysan xiliga ay socoto doorashada madaxweynaha si loo qaarajiyo hadba ruuxii loo maleynayo inuu ku guuleysanayo doorashada marba haduusan aheyn shaqsi aaminsan fikirka kooxo diimeedyada dalka ka jira ee magacyada badan.

Beesha caalamka oo siweyn ugu shakisneyd Shariifka dhawrkii sano ee ina dhaafay waxey hada kor kala socdaan dhaqdhaqaaqiisa warbixinadaan aanu qoreyno oo aan intooda badan ku cusbeyn dhegaha bulshada Soomaaliyeed hadane Shariifka iyo kooxdiisa ayaa geed dheer iyo mid gaaban u fuulayo sidii looga hor tagi lahaa heshiiskii Garoowe 1 iyo 2 oo uu wax ka soo saxiixay kadib markii ay hada kooxda Islaamiyiinta ah ee u hogaaminayo madaxweyne Shariif danahooda ka dhax waayeen taasi oo ahda ku qasabtay in ay ka hor yimaadan arimaha Road Mapka.

Isha warka Hiiraan State
Webmaster@hiranstate.com
admin@hiranstate.net

Comments

No Comments have been Posted.

Post Comment

Please Login to Post a Comment.

Ratings

Rating is available to Members only.

Please login or register to vote.

No Ratings have been Posted.
Render time: 0.17 seconds
14,612,202 unique visits