Hidaha iyo dhaqanka

; ; ; ; ; ; ; ; ; ; ; ; ; ; ; ; ; ; ; ; ; ; ; ; ; ; ; ; ; ; ; ; ; ; ; ; ; ; ; ; ; ; ; ;

Users Online

· Guests Online: 3

· Members Online: 0

· Total Members: 189,964
· Newest Member: evokafr

Welcome

HS:- Kadib 52 sano oo markii labaad uu dalka Soomaaliya hogaaminayo shaqsi ka

Wararka MaantaHS:- Marka dib loogu laabto taariikhda Soomaaliya waxaa madaxweynahii ugu horey ka noqday muwaadin Soomaaliyeed oo ka soo jeeda Hiiraan, marna noqday madaxweynahii ugu horeyey ee African ah ee xukunka uga dega muran la,aan Ala ha u naxariistee madaxweyne Aden Cabdulle Cismaan.



Mudadaasi waxii ka danbeyey dalka Soomaaliya waxaa soo maray madaxweynayaal badan marka laga reebo dowladii kacaanka oo iyadu dalka ka talineysay mudo 21 sano ah waxii ay dhiseena dib u dumiyeen hadane waxa la dhihi karaa Soomaaliya waxaa ka dhashay dowlado intooda badan yimid xiligii fowdada oo dhamaanmtoodba ahaa kumeel gaar aan heshiisyo caalami ah la gali karin shirkadaha aduunka.

Hadaba markii la xaqiijiyey sanad ka hor in dalka Soomaaliya uu ka baxayo xiliga kumeel gaarka ah waxaa hogaanka sare amaba xilka madaxweynaha Soomaaliya isku soo taagay muwaadin Soomaaliyeed marna ah Seynisyahan Afican ah sida loogu yeero wadamada reer Galbeedka kaasi oo bare jamacadeed ka noqday dal iyo dibadba, ayaa laku wadaa inuu sida la saadaalinayo noqdo siyaasigii labad ee ka soo jeeda Hiiraan ee hogaamiya dalka marka la gaaro xiliga doorshada oo ay ka harsan tahay wax ka yar 4 bilood.

Marka laga soo tago baaxada ololaha musharaxaasi hadane bulshada Soomaaliyeed qeybaheeda kala duwan oo aanu siyaabo kala duwan ula xariirnay ayaa intooda badan inoo xaqiijiyey in uu hogaanka dalka doorashada soo socota ku guuleysan doono Professor Ahemd Muumin Warfaa oo ay sheegeen in xiliga u doorashadan usoo istaagay ay tahay waqti ku haboon iyadoona sida lagu soo waramayo ay siyaabo kala duwan durbaba ula soo xariireen inta badan beelaha Soomaaliyeed oo qaarkood talooyin wax ku ool ah u sii hor mariyey maadama ay sida ay shegeen jaaniskiisa yahay mid leysku laheyn karo haduu ka bad baado wad amaba geeri oon wax laga qaban karin.

Professor Warfaa ayaa la sheegaa inuusan la gaban fikirkiisa amaba waxa uu markaasi aaminsan yahay ka sokow marka laga soo tago inuu yahay seynisyahan hadane waa shaqsi diinta si wanaagsan u yaqaana ahna qof iskiis u sharaxan(independent candidate 2012) doorashada soo socota.

Sikastaba colaadahii faraha badnaa ee dalka ka dhacay 21kii sano ee inadhaaftay iyo dowladahii faraha badnaa ee dalka ka jiray mudada 10 sano ka badana ahaa kumeel gaarka, ugu danbeyn dalka Soomaaliya waxuu u muuqdaa dal ka baxaya xiliga kumeel gaarka ah.

ISha warka Hiiraan State
webmaster@hiranstate.com
admin@hiranstate.net

Comments

No Comments have been Posted.

Post Comment

Please Login to Post a Comment.

Ratings

Rating is available to Members only.

Please login or register to vote.

No Ratings have been Posted.
Render time: 0.22 seconds
14,612,750 unique visits