Hidaha iyo dhaqanka

; ; ; ; ; ; ; ; ; ; ; ; ; ; ; ; ; ; ; ; ; ; ; ; ; ; ; ; ; ; ; ; ; ; ; ; ; ; ; ; ; ;

Users Online

· Guests Online: 4

· Members Online: 0

· Total Members: 189,964
· Newest Member: evokafr

Welcome

HS:- Qaar ka mid ah beelaha Soomaaliyeed oo talooyin dhaxal gal ah siiyey..

Wararka MaantaHS:-Tan iyo markii uu ku dhawaaqay sanadkii tagay inuu yahay musharax u taagan hogaanka sare ee dalka Professor Ahmed Muumin Warfaa uuna go,aankaasi qaatay kadib soo jeedin ka timid qeybaha kala duwan ee bulshada Soomaaliyeed ayaa waxaa jiray mudadaasi waxii ka danbeeyey xiriiro ay siyaabo kala duwan ula soo sameynayeen qeybaha kala duwan ee bulshada Soomaaliyeed.

Inkasta oo aanu halkan ku soo koobi karin shirarkii ugu danbeeyey iyo talooyinkii ay siinayeen bulshada Soomaaliyeed qeybaheeda kala duwan hadii uu ku guuleyto xilkaan iyo masuuliyadaan cusul sidii uu Soomaalida ugu noqon lahaa amaba ugu horseedi lahaa cadaalada oo ah sheyga kaliya ee ka lumay amaba ka maqan nolosha bulshada Soomaaliyeed, ayaa ah waxa ugu badan oo ay bulshadu u soo jeedinayaan musharaxa amaba madaxweynaha mustaqbalka Soomaaliya.

Warar intooda badan leysku haleyn karo ayaa sheegaya in ay dhawaantan la soo xariireen musharaxa beelo Soomaaliyeed oo u badan beelahii nasiibka u yeeshay iney bulshada Soomaaliyeed hogaamiyaan amaba shaqsiyaad iyaga ka soo jeeda ay horey dalka u soo hogaamiyeen waxgaradkooda ayaa madaxweynaha mustaqbalka Jamhuuriyada federalka Soomaaliya Professor Ahmed Muumin Warfaa kula taliyey qodobo aanu ka xusi karno amaba ay nuxurkooda marka la soo koobo noqonayaan sidan.

1- Waxaa ilaah mahadii ah in uu naga baxay wal wal badan oo aanu ka qabnay mustaqbalka dalka oo waayadii danbe ahaa mid mugdi ku jiray kaasi oo dalka iyo dadka Soomaaliyeed galiyey rajo beel kadib markii ay dalka ka curteen xukumado intooda badan shaqeynayey dhawr bilood oo dhamaantood ahaa kumeel gaar.

2- Waxaan musharaxow kugula dar daarmeynaa inaad cadaalada ku dadaasho dalkana qeyrkii buu ka haree aad hadii ay kuu suuro gasho amaba ku guuleysato hogaanka dalka sanadkani aynu ku jirno in aad ka dhabeyso hamigii ahaa in aad dalka ka hirgalineyso amaba ka bilaabeyso dib u heshiisiin joogta ah qodobkaasi oo ah midka hadaanu nahay waxgaradkii Soomaaliyeed aanu isleenahay waa midka Soomaali ka maqan oo leyska indha tiro had iyo jeer.

3-Soomaali waad walaaleyn kartaa deriskeedana nabad waad uga keeni kartaaye taariikh ka tag hadii aad ku guuleysto xafiiskaas Professor Ahmadow ayaa ka mid aha hadala waxgaradka qaarkood ay aad ugu cel celiyeen iyo talooyinkooda.

Inkasta oo aysan wax micno ah sameyneyn in la sheego beelaha ay ka soo jeedaan waxgaradkani sida guud iyo sida gaar gaarka ah ula soo xariirayo madaxweynaha mustaqbalka Soomaaliya Professor Warfaa hadane waxaa xusid mudan in hada arinta ka gudubtay qabiil oo ay waxgaradku intooda badan xooga sarayaan sidii dowlada aan kumeel gaarka aheyn ee dalka ka curaneysa masuuliyiinta la saadaalinayo iney ku guuleysan doonaan inta aysan xafiiska qaban talo wax ku ool ah loola yeesho si ay berito u noqdaan kuwo lala xisaabtami karo.

Inta badan beelaha maalmahii ugu danbeeyey xiriirada kala duwan ay waxgaradkooda la yeelanayeen sida warar sugan lagu helayo madaxweynaha mustaqbalka Soomaaliya ayaa u badnaa beelahii nasiibka u yeeshey iney dalka horey u soo hogaamiyaan amaba siyaasada Soomaaliya hor boodi jiray tan iyo markii ay xornimada heleen umada Soomaaliyeed oo hada u arka in la joogo xiligii bulshada Soomaaliyeed oo qeyrkeed ka hartay uu dalka iyo dadka u samata bixin lahaa Professorka oo ay sheegen inuu yahay shaqsi leh aqoon maadi ah iyo mid diin intaba.

Marka laga soo tago xiriirada iyo kulamada uu maalmahan siyaabo kala duwan ula yeelanayey madaxweynaha mustaqbalka Soomaaliya Professor Warfaa waxgaradka Soomaaliyeed iyo sida loo xadiday wararka iyo ololaha uu musharaxu ku jiro in la maqlo waqti hore,hadana wararkii ugu danbeyey ee inaga soo gaaraya dhaqdhaqaaqiisa arimaha siyaasada waxaa lagu soo waramayaa inuu dhawaantan safaro aan la shaacin halka ay ku beegan yahiin loona maleynayo dhawr wadan oo bariga dhexe ku yaala uu u amba bixi doono walow aan la sheegin inuu Africana u sii gudbi doono.

Bulshada Soomaaliyeed ayaa lagu tiriyaa in dhibaatada badankeed dalkooda iyo dadkooda ku dhaca ay ku timid iska warqab lahaan baahsan oo ka dhax jirta beelaha Soomaliyeed iyo go,aano aysan inta badan wax ka ogeyn waxgaradka Soomaaliyeed oo ay iska gaaraan shaqsiyaad bulshada ka mid ah iyagoo hadba markaasi ku hadla magacyo degaan, qabiil amaba urur kadibna sidaasi dalka iyo dadka Soomaaliyeed ay dhibta ku soo gaarto.

La soco wararkeena danbe iyo madaxweynaha mustaqbalka arimahiisa siyaasada.

Isha warka Hiiraan State
webmaster@hiranstate.com
admin@hiranstate.net

Comments

No Comments have been Posted.

Post Comment

Please Login to Post a Comment.

Ratings

Rating is available to Members only.

Please login or register to vote.

No Ratings have been Posted.
Render time: 0.28 seconds
14,585,654 unique visits