Hidaha iyo dhaqanka

; ; ; ; ; ; ; ; ; ; ; ; ; ; ; ; ; ; ; ; ; ; ; ; ; ; ; ; ; ; ; ; ; ; ; ; ; ; ; ;

Users Online

· Guests Online: 2

· Members Online: 0

· Total Members: 189,964
· Newest Member: evokafr

Welcome

HS:- Shirweyne laga soo shaqeeyey oo ay iskugu yimaadeen qeybaha kala duwan ee beesha Xawaadle

Wararka MaantaHS:- Beesha Xawaadle oo ka mid ah beelaha ugu taariikhda iyo facaweyn bulshada Soomaaliyeed waxii ka danbeyey 1990kiina faraha kala baxay dagaaladii sokeeye, 21kii sano ee ugu danbeysana si Soomalinimo leh u taageeri jiray hadba hogaamiyahii talada dalka la wareega, ayaa ugu danbeyn dal iyo dibad ka wada kulamo ay beeshu kaka arinsaneyso aayaheeda dhawrka bilood ee inagu soo aadan iyagoona maanta magaalada Mogdisho kaka dhawaaqay gole ay ku mideysan yahiin qeybaha kala duwan ee jaaliyada beesha Xawaadle ee Mogdisho



Shirka oo uu goob joog ka ahaa wasiirka qorsheynta iyo xiriirka caalamiga ah Dr Cabdullaahi Godax Bare, xildhibaano, aqoonyahano, culimo, waxgarad iyo waliba dumarka beesha ayaa ugu danbeyn looga dhawaaqay Golaha Beelweynta Xawaadle (GBX).

Shirar noocaani oo kale ah ayaa ka socda qurbaha kadib markii dhawantaan ku dhawaad 6 shir oo ay jaaliyada beesha Xawaadle ee qurbaha la yeesheen bulshoweynta beesha ee kunool dalka bal si loo ogaado heerka ay beeshu ka joogyo degaanada ay ka degan dalka oo dhan iyo hadba xiriirka ka dhaxeya qurba joogta iyo kuwa gudaha.



Qurba joogta oo shirarka qarkood ku soo galayey kumanaan qof iyadoo la isticmaalayo aalad casri ah ayaa la siiyey warbixino dhinackasta leh iyo sida ay beeshu ugu maqan tahay siyaasada guud ee dalka 100%.Ugu danbeyn shirkii maanta ayaa waxaa markii uu soo gabo gaboobay laga soo saaray war murtiyeed sidan u qornaa.


Muqdisho Khamiis: 08 Marso, 2012.

Markii odayaasha Dhaqanka, Culimada, Aqoonyahanka, Saraakiisha, Ganacsatada, Haweenka, iyo Dhalinyarada Beelweynta Xawaadle qiimeyeen, xaalladda dalka guud ahaan gaar ahaanna xaalladda deeganada Beelweyntu degto.

Markii si qoto dheer loogga wada dooday gaabiska ku yimid dowrkii hoggaamineed ee ay beeshu ka ciyaari jirtay deegannada ay degto iyo guud ahaan dalka soomaaliya.

Markii la garwaaqsaday in ay laga maarmaan tahay in talada Beelweynta Xawaadle la uruurriyo, loona diyaariyo horumar dhan walba ah, lagga shaqeeyo deris-wanaag kulla noollaanshaha dhamaan Beelaha waalalaha aynu nahay ee aan wada degno.

Beelweynta Xawaadle Waxay sameysatay maanta oo ah Khamiis, 08-03-2012, “Golaha Beelweynta Xawaadle-GBX-” oo u noqon doona xudun dhaqanka, siyaasadda, & horrumarka Beelweynta Xawaadle, iyadoo u dooratay:-

1- Generaal C/laahi Macalin Cali Gudoomiyaha Golaha Belweynta Xawaadle.

2- Xildhibaan Xasan Cali Cabdi (Dhuxul) Gudoomiye ku xigeenka kowaad

3- Marwo Nadar Tabaax Maalin. Gudoomiye ku xigeenka labaad

4- Mudane Saacid Maxamed Xassan (Bariyoow), Xoghayaha Guud

5- Mudane Maxamed Cadbi Ciyow. Kaaliyaha Xoghayaha Guud.

Beelweynta Xawaadle waxay falanqeyn dheer ka dib isla garatay:-

1- Dhaqanka

- In la xoojiyo dhaqanka Beelweynta Xawaadle, iyadoo loo marayo, Golo dhaqan oo tayo leh, kuna xiran oo hoos taga ugaaska Beelweynta Xawaadle Ugaas C/raxmaan Ugaas Khaliif.

- in ay nabad, deris-wanaag, walaaltinnimo, kula noollaato dhamaan beelaha ay degaan wadaagaan.

- In la xoojiyo, lana horumarriyo xirriirka dhaqan iyo siyaassadeed ee ay la leedahay dhammaan Beelaha Soomaaliyeed

2- Siyaasadda

- Beelweynta Xawaadle waxay bogaadin xurreyntii qeybo ka mid ah gobbolka Hiirraan laga xurreeyay Alshabaab, iyadoo ku baaqaysa in la xurreeyo degaanada haray.

- Beelweyntu waxay walaac ka muujinysaa dhibaatada soo gaartay Shacabka B/weyne, iyo cirriiriga galay ganacsigii iyo horrummarkii shacabku waday, waxayna ku baaqaysaa in Magaaladda B/weyne laga qaado bandowga, sida ugu dhowna loogu dhiso lahaa maamul ay raalli ka yihiin shacabk oo aan ahayn mid lagu qasbay.

- Beelweynta Xawaadle, waxay soo dhaweyn geeddi socodka nabbadeed ee dalka ka jiro, diyaarinta dustuur dalku yeesho, iyo in xilliga kala guurka loogga gudbo shirweyne, lagu ansixiyo dustuur, laguna doorto baarlamaan, iyadoo lagu dooranayo hoggaankii dowladda dhexe.

- Beelweynta Xawaadle waxay u soo jeedinaysaa, Shacabka Soomaaliyeed, Beesha Caalamka, in xullida kun-ka qof ee ansixinaya Dustuurka ay xullitaankooda yeeshaan odayaasha dhaqanka ee Beelaha soomaaliyeed ee la aqoonsan yahay, lagana fogaado in masiirka ummadda iyo mustaqbalkeeda la geliyo gacanta shaqsiyaad gacan ku tiris ah.

3- Horumarka:

- Beelweynta Xawaadle waxay ka codsanayaan dhamaan Hay’addaha gargaarka, in ay gargaar la soo gaaraan Gobolka Hiirraan iyo degaannada laga xurreeyay Alshabab.

- Waxay ugu baaqayaan dalalka deeqaha waxbarashada bixiya in ay gobolka Hiirraan gaarsiiyaan deeqaha waxbarashada .


Isha warka Hiiraan State
webmaster@hiranstate.com
admin@hiranstate.net

Comments

No Comments have been Posted.

Post Comment

Please Login to Post a Comment.

Ratings

Rating is available to Members only.

Please login or register to vote.

No Ratings have been Posted.
Render time: 0.18 seconds
14,580,795 unique visits