Hidaha iyo dhaqanka

; ; ; ; ; ; ; ; ; ; ; ; ; ; ; ; ; ; ; ; ; ; ; ; ; ; ; ; ; ; ; ; ; ; ; ; ; ; ; ; ; ; ;

Users Online

· Guests Online: 7

· Members Online: 0

· Total Members: 189,964
· Newest Member: evokafr

Welcome

HS:-HS:- Maxaad kala socotaa hagardaamada ay bulshada Hiiraan ku hayaan madaxweyne Shariif iyo

Wararka MaantaHS:-Inkasta oo aanu dooneyn in aanu ku dheeraano hagar daamada joogtada ah ee lagu hayo bulshada Hiiraan inteeda badana ka timaada madaxweyne Shariif amaba beesha Hiraab ee uu ka dhashay hadane waxaan leyska indho tiri karin siyasadaha guracan iyo dhaqankaan aan horey looga baran hogaamiye Soomaaliyeed oo u dhaqmaya kaabo qabiil oo kale.

Marka laga soo tago gulufka colaadeed iyo hub aruursiga ay wadaan kooxda Allaa Sheekh ee wadaadada u badan hadane Madaxweyne Shariif ayaa xukunka ka tagayo 3 sano kadib isagoo leh Sool iyo Sanaag waa maamul goboleed Hiiraana waxbo ma ahan waxaa heysta cadaadis siyaasadeed kii ugu xumaa waxuuna gursiga uu ku fadhiyo ka tagayaa isagoo beeshiisa u abuuray colaad dheer oo ay wada galaan beesha iyo reer Hiiraan kaasi oo iskugu jiri doono mid siyaasadeed iyo dhaqaalo intuba marka laga baxo riyada ay Shariifka iyo qoyskiisa ku jiraan hada bilaha xukunkiisa ka dhiman.

Marka taariikhda siyaasada Soomaaliya dib loo eego ma jirto wax la taaban karo oo ay reer Hiiraan ka haleeyeen madaxweyne Shariif iyo beesha uu ka dhashay ee Hiraab amaba Mudulood. horaantii sagaashameeyadii waxaa si sharaf leh Hiiraan loogu soo dhaweeyey Cali Mahdi Mohamed. iyadoo xiligaas loo diiday inuu yimaado Ceydiid Hiiraan kadibna dagaal ay dad badan ku dhinteen halkaasi ka dhacay. sidoo kale aduunyada oo dooneysa iney aragto goobaha uu ka taliyo Shariifka waxa si sharaf leh loogu soo dhaweeyey Hiiraan isaga iyo wafti uu hogaminayey ka hor intii uusan noqon madaxweyne Soomaaliyeed.



Halkii laga sugayey inuu ugu yaraan bulshada Hiiraan waad mahadsan tahiin dhaho waxuu abaal marin ugu dhigay inuu dhamaanba jagooyinkii ay horey u heysteen ka qaado dhamaan saraakiishii iyo siyaasiyiintii reer Hiiraan ugu jirtay dowladii Cabdullaahi Yusuf. waxaa sidoo kale taas ka sii daran waxkasta bilaw iyo dhamaad ayey leeyahiin dadaalo badan oo ay sameeyeen qaar ka mid ah bulshada Hiiraan oo ku dhawaaqay maamul goboleed sida Hiiraan State,Hiiraan and Midland iyo waliba Dooxada Shabelle dhamaantood wuu diiday waxaa sidoo kale maanta mudo 120 cisho ku dhawaad uu hor taagan yahay xitaa in Hiiraan loo helo maamul ilaa heer gobol ah inta ay bulshada iska wareysanayaan mustaqbalka si ay Hiiraan u noqon degaan leh maamul ugu yaraan xiriir wanaagsan la leh dowlada uu garwadeenka ka yahay.

Waxaa taasi ka sii daran masuuliyiinta dowlada midba mar ayuu leeyahay si aysan howsha Hiiraan u fududaan dibada aad mar waxuu dibada u dirayaa wasiirka arimaha gudaha, mar R/wasaraha mar isagaa maqan.arimahaasi oo dhan markii ay dhaceen oo xitaa xariiro kala duwan oo ay jaaliyadaha reer Hiiraan la sameyeen ardeyda hela deeqaha waxbarashada ee loo qaaday Turkiga waxaa la soo ogaaday in aysan reer Hiiraan ugu jirin wax ardey ah marka laga reebo ardey ay reer abti u yahiin beesha u ka dhashay Shariifka.

The real question is for how long
ayuu Shariifka sii wadi karaa colaadaan uu u qabo reer Hiiraan? dadka Soomaaliyeed wax ka qarsoon ma lahan reer Hiiraana dadaalo hada socda hadii lagu guuleysto ma dhici doonto mar danbe in iyaga leysku isticmaalo oo leys nacsiiyo gursigaasne qofkii uu ilaah u qoro ayaa ku fadhiisan doono doorashada soosocota oo ay reer Hiiraan qeyb ka yahiin ,hayeeshee Xukunka ay hayaan beesha Hiiraab oo ay 21 sano ee ugu daneysay isku bed bedelayeen reer Hiiraan si wanaagsan ayey u arkeen midabkiisa rasmiga ah, siiba sanadkii la soo dhaafay oo aheyd midka ay reer Hiiraan wax badan u guur galeen.

Inkasta oo aanu dooneyn in aanu ku xad gudubno madaxweyne Soomaaliyeed oo bulshada u ah sida astaanka calanka oo kale in aan xuman uusan laheyn ka sheegno hadane bal filo maalmaha soo socda codad shaqsiyaad reer Hiiraan ah aanu ka qabanay,siduu hadalo is burinayo ugu sheegay mudadii uu xafiiska joogay iyo shaqsiyaad uu dibada ugu yeray oo sraakiil ah sida uu markii ay Mogdisho yimaaadeen ula dhaqmay kadib markii uu waqti badan ka lumiyey dhawr bilood oo ay halkaasi jogeen, kadibna isweydii meesha lagu gali doono garta Shariif iyo reer Hiiraan.



Waxaa ayaan daro ah in 21kii sano ee ina dhaaftay reer Hiiraan maalinkasta u sacbinayeen hogaamiye kasta oo yimaada amaba madaxweyne kasta oo dalka hogaankiisa qabta si mar uun qaranimo loo helo, taasi bedelkeedii waxey noqotay in waxkasta qaar bulshada ka mid ah laga cuuriyaamiyo oo iyadoo la ogyahay magaalada Belet Weyne siyaasad ahaan hadii ay nabad noqoto in ay dan u tahay cidkasta taasi bedelkeedana Shariifka Garoowe naf ka raadiyo oo waliba dhul aan ognahay in xiligii Kacaanka loogu daneynayey beelo gaar ah maanta leh waa maamul goboleed iyo wax la mid ah Hiiraana laba diidan yahay xitaa in loo helo maamul gobol oo caadi ah.

Fadlan la soco qoraladeena danbe hadii aad tahay muwaadin Soomaaliyeed oo ka soo jeeda Hiiraan si aad u ogaato meesha rasmiyan reer Hiiraan lagala dagaalsan yahay inkasta oo madaxweyne Shariif yahay nin rag ah oo reer Hiiraan hurdadii ay mudada ku jiren ka toosiyey tusiyeyna in aysan meeshu dowladnimo oolin ee ay joogaan qabiilo isku ujeedo ah oo hantida qaranka iyodeeqaha bulshada Soomaaliyeed loogu deeqo sidey doonan ka yelan beelaha kalena lagu caburiyo siyasado aan la ogeyn in lagu najaxayo iyo in kale .

Isha warka Hiiraan State
webmaster@hiranstate.com
admin@hiranstate.net


Comments

No Comments have been Posted.

Post Comment

Please Login to Post a Comment.

Ratings

Rating is available to Members only.

Please login or register to vote.

No Ratings have been Posted.
Render time: 0.16 seconds
14,605,688 unique visits