Hidaha iyo dhaqanka

; ; ; ; ; ; ; ; ; ; ; ; ; ; ; ; ; ; ; ; ; ; ; ; ; ; ; ; ; ; ; ; ; ; ; ; ; ; ; ; ; ; ; ; ; ; ;

Users Online

· Guests Online: 2

· Members Online: 0

· Total Members: 189,964
· Newest Member: evokafr

Welcome

HS:- Ciidamo ka socda dowlada Jabouti

Wararka MaantaHS:- Dowlada Jabouti oo ka mid ah dowladaha ay ciidamadooda joogaan dalka Soomaaliya ayaa 1000 ka mid ah ciidankeeda u direysa Hiiraan.

Bulshada Hiiraan oo looga bartay iney yahiin dad nabadeed ayaa lagu wadaa iney siweyn u soo dhaweyn doonaan ciidamadan ka socda dowlada Jabouti. jiritaanka arintan oo aanu ka soo xiganay xubno sar sare oo ka tirsan dowlada kumeel gaarka iyo maamulka cusub ee Hiiraan ayaa inoo xaqiijiyey iney bisha April ciidamo ka socda Amisom gaarayaan Bay iyo Hiiraan.



Sikastaba waa markii ugu horeysay ee ay ciidamo ka socda dowlada Jabouti ay tagaan Hiiraan halka magaalada Beydhabo oo ka tirsan gobolka Bay ay u baxayaan ciidamo ka socda dalalka Ugandha iyo Burundi.

Marka laga soo tago ciidamada Amisom ka jooga Soomaaliya hadane ciidamada Jabouti waa kuwo marka magaca Jabouti meel leyska dhigo ah Soomaali marka laga reebo dhinaca dhaqanka oo lagu kala duwanaan karo, hadane soo dhaweyn aan caadi aheyn ayey kala kulmi doonaan Hiiraan.

Mar aanu xiriiro kala duwan la yeelanay qaar ka mid ah bulshada Hiiraan ayey dhamaantood siweyn u soo dhaweeyeen waxana ka mid ahaa nuxurka fikradahii aanu ka soo aruurinay iney diyaar u yahiin iney gacmo furan ku soo dhaweeyaan ciidamada Jabouti oo ay sheegeen iney walaalo yahiin, waa sidey hadalka u dhigeene.

La soco wararkeena danbe iyo ciidamada Amisom ee ku sii jeeda Hiiraan bisha April ee bedeli doono kuwa dowlada Ethiopia.

Isha warka Hiiraan State

Comments

No Comments have been Posted.

Post Comment

Please Login to Post a Comment.

Ratings

Rating is available to Members only.

Please login or register to vote.

No Ratings have been Posted.
Render time: 0.14 seconds
14,614,696 unique visits