Hidaha iyo dhaqanka

; ; ; ; ; ; ; ; ; ; ; ; ; ; ; ; ; ; ; ; ; ; ; ; ; ; ; ; ; ; ; ; ; ; ; ; ; ; ; ;

Users Online

· Guests Online: 4

· Members Online: 0

· Total Members: 189,964
· Newest Member: evokafr

Welcome

HS:- Isbedel weyn oo laga dareemayo Hiiraan

Wararka MaantaHS:-Bulshada Hiiraan ayaa u muuqda kuwo ka soo gabmayo dagaaladii faraha badnaa ee sanadahii ugu danbeeyey ka taagnaa halkaasi. marka xaalada laga eego dhinaca horumarka waxaa ka socda Hiiraan ganacsi xooli ku socda iyadoona ay dadku aad uga faa'ideysanayaan wax soo saarka beeraha.

Hadaan dib u eegno magaalada Belet Weyne oo kaliya waxaa ka socda ganacsi aad looga
dareemayo iyadoona gawaarida xamuulka qada ay magaalada soo galan subax iyo habeen iyagoona tiro kalena ay ka baxaan saacadahaasi oo kale.

Ganacsiga ugu badan ee ka jira Hiiraan waa mid isku xira dalka oo dhan waxaana melaha aad ka log adaremayo ganacsiga ka mid ah dhulka ismaamulka Soomaalida Ethiopia iyadoona aad arkeyso gawaari fara badan oo ka imanaya iyokuwo u socda halkaasi siiba magalda Qalaafe oo ah saldhiga ugu weyn ee ganacsiga aadna ugu xiran magaalada Belet weyne iyadoona ya labada magaloka shaqeeyaan gawaarida xamuulka qada iyo kuwa dheereeya sida caasiyada loo yaqaano Homeyda.

Sidoo kale ganacsiga labaad ee ugu weyn waa midka isku xira Hiiraan,gobolada dhexe,Puntland, Somaliland iyo waliba dalka Jabouti oo mararka qaarkood la geeyo qudaarta ka soo goda Hiiraan.xoolaha ayaa ug abdna waxa loo iibkeeno Hiiraan kuwaasi oo intooda badan ka yimaada Bay iyo Bakool kadibna loo sii gudbiyaa degaanokale oo ka fog Hiiraan.

Ganacsiga Hiiraan kala dhaxeeya Mogdishu ma caga badna marka laga reebo magaalooyinka kale ee Hiiraan sida jalalaqsi iyo Bulo Burde ooiyagu waxoogaa badeeco ah kala yimaadaa Mogdishu maadama uu aad u burbursan yahay jidka isku xira Hiiraan iyo Banaadir.

Dhinacaas iyo siyaasada Hiiraan.

Shacabka Hiiraan oo meel iska dhigay siyaasada hadane marka loo eego xiliyadii hore waxey aad u soo dhaweeyeen mamulka cusub ee dhawaantan dowlada u magacaawday Hiiraan ee kumeel gaarka ah oo shaqeyn doono 90 maalmood oo ay hada ka baxday 10 maalmood.maamulkan ayaa wali kusun meshii lagu magacaabay maadaama sida laga wada dheregsan yahay magaalada Mogdishu laga dhamaaneyn siyaasadeeda.

Hadaba filo goor dhaw waxa maamulka ku haya Mogdishu ee uu u xayiran yahay gudoomiyahii gobolka Hiiraan ee dhawaantan la magacaabay walow wararka qaarkood sheegayaan in dhawaan xaflad weyn oo ay soo qaban qaabiyeen jaaliyada Hiiraan ee Mogdishu laguna sagootin doono waftiga u amaba baxayo Hiiraan ay dhici doonto maalmaha inagu soo aadan kadibna ay waftigu bixi doonaan.

Waftigan ayaa siwqeyn looga sugayaa Hiiraan marka la eego qaban qaabada loogu jiro soo dhaweynta waftiga si loo dhameystiro howlaha inta ka dhiman.dowlada kumeel gaarka oo dhawr jeer oo hore ku celceliyeen iney maamul u sameyndoonaan degaanada laga saaray Shabaab oo ay Hiiraan ugu horeysay waxey ku qaatatay 3 bilood iney Hiiraan maamul u sameeyaan iskaba daa gobolada kalee halka iney waftigaan amba bixiyaane ay ku qaadan doonto waqti intaas la eg si uu waqtiga ugu dhamaado maamulkan isagoon haba yaraatee wax la taaban karo qaban waana mida ay doonayaan qaar ka mid ah masuuliyiinta reer Hiiraan ugu jirta dowlada.

Dhinaca ciidamada Hiiraan ayaad moodaa in la laba jibaaray awoodooda ciidan amaba tababarkooda, iyadoona dhawaantan ay magaalooyinka waaweeyn ka howl gali doonaan ciidamo boolis ah halka ay ciidamada xoogooda ku sugnaan doonaan meelo cayiman maadaama ay aad u fara badan yahiin.inkasta oo ay magaalada belet Weyne ku sugan yahiin ciidamo aan badneyn marka la eego gawaarida dhulka buuraleyda ah ku sugan ee aan wali soo cagadhiganin gudaha magaalada hadane Shabaab Hiiraan iney kusii nagadaan wey adag tahay mark axaalada dhinackasta laga eego.

Sidoo kale maamulkan cusub ayaa lagu wadaa inuu diiwaan galin doono hubka gacanta ganacsatada kujira maadama ay hada Hiiraan ka jirto hal maamul oo kumeel gaar ah soona diyaariya maamul ku yimada doorasho hadii ay bulshada kasbadan oo ay doorashadaasi ku guuleystaane talada sii hayaan hadii laga guuleystana ay meesha baneeyaan.

Isha warka Hiiraan State

Comments

No Comments have been Posted.

Post Comment

Please Login to Post a Comment.

Ratings

Rating is available to Members only.

Please login or register to vote.

No Ratings have been Posted.
Render time: 0.22 seconds
14,569,269 unique visits