Hidaha iyo dhaqanka

; ; ; ; ; ; ; ; ; ; ; ; ; ; ; ; ; ; ; ; ; ; ; ; ; ; ; ; ; ; ; ; ; ; ; ; ; ; ; ; ; ;

Users Online

· Guests Online: 1

· Members Online: 0

· Total Members: 189,964
· Newest Member: evokafr

Welcome

HS:- War deg deg ah: Beesha caalamka oo ka soo horjeesatay qodobadii lagu gaaray Galkacyo

Wararka MaantaHS:- Kadib kulan la doonayey in looga faa'ideysto aaskii madaxweynahii hore ee Soomaaliya Abdullaahi Yusuf Ahmed ayaa ugu danbeyn qodobo ka soo baxay waxaa ku gacan seyray beesha caalamka siiba dowladaha yurub oo sheegeen in aysan aqbaleyn wax aan la soo marsiin baarlamaanka Soomaaliya ee hada shaqeeya gudoomiyahana u yahay Madoobe Nuunoow.

Xili uu shirku ka socday magaalada Gaalkacyo ayaa waxaa si toos ah loola soo xariiray Mahiga waxana sida warar xaqiiqda u dhaw lagu helayo siweyn loogu canaantay shirarkaan joogtada ah oo ay markasta iskugu tagaan koox isku ujeedo ah in an la aqbaleyn hadii aan la soo marsiin baarlamaanka Soomaaliya, kadibna waxuu caawa fariintii gaarsiiyey masuuliyintii shirka ku jirtay waxaana lagu soo waramaya in meesha lagu kala cararay.

Sidoo kale warar isa soo tarayo ayaa sheegayo in ay maalinta barito ah shir jaraa'id qabanayaan mudanayaasha barlamaanka Soomaaliya oo wada jira waxeyna u badan tahay in ay aduunyada u sheegi doonaan in aysan iyagu wax shaqo ah ku laheyn shirarka lagu qabanayo Puntland ee aan intooda badan la soo marsiin baarlamanka.

Dadka siyaasada odorosa amaba siweyn ugu dhex jira sida ay wax u wado beesha caalamka ayaa qirsan in masuuliyiinta dowlada ay meel cidlo ah taagan yahiin iyagoona shirkoodii maanta ujeedadiisu aheyd sidii loo jahwareerin lahaa umada Soomaaliyeed iyo beesha caalamka, maadaama ay intooda badan hada dareensan yahiin inuu jaaniskooda siyaasadeed aad u yar yahay.

Hadaba la soco wararkii ugu danbeeyey ee shirarka joogtada ah ee masuuliyiinta loogu yeero Roadmap Group oo maalinba inta qodob soo sara mudo kadib bedela maadama ay garab maraan baarlamaankii iyaga soo doortay ee sharciga ka dhigay iyo dastuurkii lagu dhaqmi lahaa.

Isha warka Hiiraan State

Comments

No Comments have been Posted.

Post Comment

Please Login to Post a Comment.

Ratings

Rating is available to Members only.

Please login or register to vote.

No Ratings have been Posted.
Render time: 0.65 seconds
14,584,639 unique visits