Hidaha iyo dhaqanka

; ; ; ; ; ; ; ; ; ; ; ; ; ; ; ; ; ; ; ; ; ; ; ; ; ; ; ; ; ; ; ; ; ; ; ; ; ; ; ;

Users Online

· Guests Online: 4

· Members Online: 0

· Total Members: 189,964
· Newest Member: evokafr

Welcome

HS:- Kulan balaaran oo ay mudanayaasha baarlamanka ku yeesheen Mogdishu.

Wararka MaantaHS:-Muqdisho: Xildhibaano ka tirsan barlamanka Soomaaliya oo maanta kulan ku yeeshay Xaruntooda golaha shacabka ee Magaalada Muqdisho ayaa waxa ay eedeeyn u soo jeediyeen madaxweynaha iyo xukumada uu garwadeenka ka yahay r/wasaare Gaas, iyagoo sheegay in ay caadeysteen ku tumashada sharciyada u degsan dalka.

Waxaana ugu hoyentii ka hadlay Xildhibaan C/raxmaan Jimcaale Axmed oo ka mid ahaa Xildhibaanadii madasha shirka ka hadlay ayaa waxaa uu ku nuux nuuxsaday in xilligaani ay banaan yihiin xilalka Madaxweynaha DKMG ah iyo kan R/wasaaraha Soomaaliya maadaama sida uu sheegay ay ku mashquuleen dano iyaga u gaar ah, waxaana uu intaasi ku daray in Xildhibaanada barlamaanka ay sharci u leeyihiin mar haddii Madaxda DKMG ay gudan waayeen waajibaadkii loo igmaday inay qabtaan doorasho madaxtinimo oo lagu soo dooranayo Madax kale sida uu axdiga kumeel gaarku qabo ayaa hadaladiisii ka mid ahaa.

Sidoo kale Xildhibaanada ayaa dhamantood isku raacay in lagu tuntay axdigii lana hareer maray sida uu ka dhawaajiyey xildhibaan Mohamed Dhaqane Cilmi oo isna kulankaasi ka hadlay ayaa waxa uu sheegay in wax kaleba iska daaye ay Wasaaradaha Xukuumadda KMG ah ay awoodi la yihiin inay degaan Xarumihii loogu talagalay amaba wasaaradahii ay ku magacaawnaayeen iyadoo Muqdisho dhan ay tahay mid ay gacanta ku hayso DKMG ah, taasina ay muujinayso fashilka ku yimid DKMG.

Sida muuqata kulanka maanta ay iskugu yimaadeen xildhibaanada ayaa diirada lagu saaray sida laga yeelayo hogaanka sare waxaana ugu danbeyn laga cadeeyey goobta shirka in ay fashilantay dowladii kumeel gaarka aheyd ee lagu soo dhisay Jabouti dhawr sano ka hor haatana la sugayo kaliya sidii ay mudanayashu u dooran lahaayeen hogaan cusub marka la gaaro waqtiga balansan yahay oo ah sida ay horey u sheegen mudayaashu bisha April amaba sdii caadiga aheyd bisha 8aad ee fooda inagu soo heysa.

Isha warka Hiiraan State

Comments

No Comments have been Posted.

Post Comment

Please Login to Post a Comment.

Ratings

Rating is available to Members only.

Please login or register to vote.

No Ratings have been Posted.
Render time: 0.15 seconds
14,579,572 unique visits