Hidaha iyo dhaqanka

; ; ; ; ; ; ; ; ; ; ; ; ; ; ; ; ; ; ; ; ; ; ; ; ; ; ; ; ; ; ; ; ; ; ; ; ; ; ; ; ; ;

Users Online

· Guests Online: 2

· Members Online: 0

· Total Members: 189,964
· Newest Member: evokafr

Welcome

HS:-Magaalada Halkan ee gobolka Hiiraan oo mar kale

Wararka MaantaHS:- Magaalada Halgan oo ka mid ah magaalooyinka ugu faca iyo taariikhda dheer Hiiraan ahna magaalada 5aad ee ugu weyn Hiiraan marka la eego baaxada iyo shacabka ku nool magaalada.

Halkan oo ay dad badan u yaqaanaan koronto Uno waa magaalo qiyaastii 41KM dhinaca waqooyi kaka beegan magaalada Bulo Burde. inkasta oo ay dagaaladii sokeeye guud ahaan marka dalka la eego ay galaafteen magaalooyin fara badan Halgan waa magaalo 10kii sano ee ugu danbeysay dhinackasta ka hor martay.

Magaalada oo aanu sanadkii tagay sidan oo kale qoraal dheer ugu sameynay waxaa dhawrkii bilood ee ugu danbeyey ka muuqda horumar weyn oo dhinaca waxbarashada, ganacsiga, dhismayaasha iyo waliba iibka dhulka oo gaaray heer uusan waligii gaarin inta la xasuusto taariikhda Hiiraan.

Baaritaano badan oo wali intooda badan qabyo ah ayaan ku ogaanay in sababta keentay inuu aad u sara kaco qiimaha la kala siisto dhulka ayaa waxaa ugu weyn in magaalada laga hirgaliyey dhawr school oo ay caruurta wax ku bartaan halka ay xaafad kasta leetahay masjid u gaar ah. sidoo kale waxaa qiimaha saro u qaaday qurba joogta ka soo jeeda Hiiraan oo intooda badan degan ka sameysameysanaya magaalada iyagoo ka fogaanaya magaalooyinka waaweyn sida Bulo Burde iyo B/weyne oo ay sheegeen iney kaliya ku wanaagsan yahiin ganacsiga laakinse nolosha qoyasska iyo caruurta ay ku wanaagsan yahiin magaalooyinka kale ee dibada ka ah caasimada Hiiraan.

Marka laga soo tago iibka dhulka oo sare u kac ku yimid hadane magaalada waxaa ka jiro fursado badan oo uu qofku ku abuuran karo ganacsi maadaama ay magaalada ku teedsan yahiin beero iyo Wabiga Shabelle oo hada sida muuqata aad looga faa'ideysto biyahiisa delega ka soo go'ane loo iibkeeyo magaalada waxii ka badan magaaladana loo diro degaano aad uga fog Hiiraan.

Magaalada Halgan waxey caan ku noqotay waayadii danbe waxaa loo iibkeenaa Malabka ugu badan ee Hiiraan laga soo saaro. sidoo kale waxaa dhismooyin casri ah ka sameystay magaalada shaqsiyaad Hiiraan caan ka ah oo horey ugu soo barbaaray magaalada oo doonaya iney dib ugu laabtaan waqtiga noloshooda ka hartayna halkaasi ku qaataan.

Marka la eego horumarka dhinaca dhismaha iyo baaxada magaalada waxaa la dhihi karaa waxey ka horumarsan tahay magaalooyin waaweyn oo Hiiraan ku yaala oo loogu yeero degmo halka iyada loogu yeeri jiray Tuulo.

La soco magaalooyinka Hiiraan ee horumarka la taaban karo sameeyey wayadii danbe.

Isha warka Hiiraan State

Comments

#1 | discount christian louboutin on May 17 2012 05:45:39
em frequently. jordan xi concord I think you need to be very jordan concord 11 sparing." He jordan concord xi adds that photography http://www.jordans11concord.com/ is the opposite of painting. "When youre painting youre building a canvas jordan 11 jordan xi jordan xi concord that starts with nothing. Photography is all ...

Post Comment

Please Login to Post a Comment.

Ratings

Rating is available to Members only.

Please login or register to vote.

No Ratings have been Posted.
Render time: 0.18 seconds
14,585,581 unique visits