Hidaha iyo dhaqanka

; ; ; ; ; ; ; ; ; ; ; ; ; ; ; ; ; ; ; ; ; ; ; ; ; ; ; ; ; ; ; ; ; ; ; ; ; ; ; ; ; ; ; ; ; ; ; ; ; ; ; ; ; ; ; ; ;

Users Online

· Guests Online: 5

· Members Online: 0

· Total Members: 189,964
· Newest Member: evokafr

Welcome

HS:- Shirar hoose oo u socda baarlamaanka, beesha caalamka iyo QM

Wararka MaantaHS:- Marka la eego jahwareerka siyaasadeed ee dhinackasta ka heysta madaxweyne Shariif iyo r/wasarahiisa waxaa socda dadaalo xoogan oo ay iska kaashanayaan baarlamaanka Soomaaliya, beesha caalamka, iyo Qaramada Modoobay.

Wararkii ugu danbeyey ee naga soo gaaray Soomaaliya ayaa sheegayo in ay dowladii kumeel gaarka aheyd gabi ahaanba bur burtay si dalka loo bad badiyana waxey hada howshii oo dhan iskugu timid baarlamaanka Soomaaliya iyadoo ay beesha caalamka hada si toos ah ukala hadlayaan arimaha Soomaaliya gudoomiyaha baarlamaanka Madoobe Nuunoow Mohamed iyo gudiyada baarlamanka.

Inta badan qodobo horey xasaasi u ahaa ayaa hada u muuqda iney isku fahmeen baarlamaanka iyo beesha caalamka kadib markii ay xaqiiqsadeen in gudoomiyahii hore ee baarlamanka uusan wax awood ah ku laheyn siyaasada Soomaaliya taasi oo markii danbe sababtay in warqado dacwad ah oo uu Shariif Hasan ka qoray dowladaha ay ciidamadooda ka joogaan Soomaaliya dib loogu soo celiyey gudoomiyaha baarlamaanka Madoobe Nuunoow Mohamed, taasi oo muujineyso in ay gabi ahaanba uu meesha ka baxay gudoomiyahii hore ee barlamaanka.

Xil ka qadistii wasiirka beeraha iyo banaanbaxa looga soo horjeedo Mahiga waxey qeyb ka tahay siyaasadaha dibada laga kar karinayo oo ay hada uun ku baraarugeen madaxweynaha iyo r/wasaaraha.Sidoo kale shirar intooda badan si hoose u socda ayaa u muuqda in dhawaan ay mudanayaashu iclaamin doonaan doorashadii madaxweynaha Soomaaliya xiliga ay dhaceyso oo ah waxa kaliya ee hada aduunyadu ka sugeyso baarlamaanka Soomaaliya.

Madaxweyne Shariif oo is lahaa bisha 8aad adigoo malaayiin dolar lacag ah wata oo iibsan kara baarlamaanka amaba mudanayasha hada xaaladiisa waxey u muuqataa inuu meesha baneyn doono ka hor bisha 8aad ee inagu soo aadan, sidii hore loogu sameyey madaxweyne Cabdiqaasim oo kale oo isagoo ay mudadii waqtigiisa ka harsan tahay dhawr bil lagu kor dhisay madaxweyne cusub shirkii lagu qabtay Kenya 2004kii.

Sikastaba dhawrka bilood ee inagu soo aadan waxaa macquul ah baa la leeyahay inuu dalka Soomaaliya hogaamin doono madaxweyne cusub oo aan aheyn midka hada jira iyo xukumad cusub oo tayo leh.waxaa gabi ahaan bur buray qodobadii ka soo baxay Kampala Acord iyo labadii shir ee Garoowe lagu qabtay.

Warar sugan oo aanu helnay dhawr saac ka horna waxey sheegayaan in marka uu soo gabo gaboobo shirarkaan ay hada ku jiraan gudoomiyaha baarlamaanka Soomaaliya Madoobe Nuunoow Mohamed iyo mudanayaashu in si rasmi ah looga joojinayo dhaqaalahii dowlada kumeel gaarka ah la siin jiray inta hogaamineysana loo sheegi doono iney doorasho galaan amaba kala tagaan.

Isku soo duuboo waxaa doorashada soo socota madaxweyne cusub dooran doona baarlamanka hada jira oo tiro yar laga soo reebi doono ugu badnaa 275 sida warar isa soo tarayo sheegayaan.marka la eego siyaasada xoogooda laga hagayo dalka dibadiisa waxey u muuqataa in ay wasiiro badan oo ka mid ah xukumada Cabdiwali Gaas is casili doonaan dhawaan marka ay baarlamaanka Soomaaliya iclaamiyaan doorashada soo socota mudada ay dhaceyso, maadama ay wasiirada qaarkood doonayaan iney siyaasada kusii jiraan oo aysan rabin iney qeyb ka ahaadaan siyaasadaha qar iska tuurka ah ee ay wadaan madaxweyne Shariif iyo r/wasaarahiisa.

Isku day badan oo aanu ku dooneynay waxa xiligaan keenay in xilkiisa laga qaado wasiirka beeraha ahana r/wasaare kuxigeen ayaa waxey jawaabtii noqotay sidan. marka la eego xafiiska madaxweyne Shariif waxey ku leeyahiin waxaa xil ka qadistiisa ka danbeyey wasiirkii hore ee boostada iyo Isgaarsiinta oo ka xanaaqay warqadii ka soo baxday xafiiska r/wasaaraha ee lagu sheegay in laga noqday aqoonsigii Khaatumo State, halka markaad la xiriirto xafiiska r/wasaaraha wararka ugu badan ee leysla dhax marayo ay noqonayaan inuu wasiirka beeraha ku xirnaa gudoomiyaha baarlamanka Madoobe Nuunoow amaba ay qaraabo yahiin sidaasi daraadeedna arintaan tahay mid si toos ah ugu timid r/wasaare Cabdiwali oo markii uu warqadii qorey u dhoofay dalka Kenya.

Waa dal kuwii hogaaminayey ay caruutiisa mustaqbalkooda ku tumanayan oo markasta abuuraya qilaaf joogto ah si ay meesha uga baxdo in lala xisaabtamo musuq maasuqa iyo siyaasad xumida ay dalka iyo dadka Soomaaliyeed ku hayaan ayuu yiri shaqsi naga codsaday in aanu magaciisa xusno oo ka mid ah shaqaalaha Villa Soomaaliya.

Isha warka Hiiraan State

Comments

No Comments have been Posted.

Post Comment

Please Login to Post a Comment.

Ratings

Rating is available to Members only.

Please login or register to vote.

No Ratings have been Posted.
Render time: 0.17 seconds
14,633,798 unique visits