Hidaha iyo dhaqanka

; ; ; ; ; ; ; ; ; ; ; ; ; ; ; ; ; ; ; ; ; ; ; ; ; ; ; ; ; ; ; ; ; ; ; ; ; ; ; ; ; ; ; ; ; ; ; ; ; ; ; ; ; ; ; ; ;

Users Online

· Guests Online: 6

· Members Online: 0

· Total Members: 189,964
· Newest Member: evokafr

Welcome

HS:- Qorshahii Roadmapka iyo dastuur u sameynta dalka oo laga hor yimid

Wararka MaantaHS:- Gudi doonayey iney ka iibiyaan qurba joogta Soomaaliyeed dastuurka cusub iyo qorsha howleedka oo maalmahii tagay ku wareegayey wadamo ka tirsan Yurub ayaa waji gabax kala kulmay inta badan bulshada Soomaaliyeed ee ku dhaqan dalka dibadiisa oo iyagu waxna qora waxna aqriya waxkastana aan loo marsiin karin sida shacabka ku dhaqan gudaha wadanka oo ay la degeen colaado iyo abaaro looga dhaadhiciyo waxkasta xitaa hadii Bad iyo bari la iibsanayo dalka.

Shirweyne ka dhacay dalka Norway oo lagu soo bandhigay dastuurka qabyo qoraalka ah ayaa waxaa diidmo kala hor yimid inta badan shacabka waxaana dadkii ka horyimid ugu badnaa muwaadiniin Soomaaliyeed oo intooda badan ka soo jeeda Hiiraan oo dastuurkaan cusub u arka mid loogu daneynayo degaano gaar ah.

Intii uu shirku socday ayaa waxaa halkaasi ka hadlay nin dhalinyaro ah oo magaciisa lagu sheegay Cabdiraxmaan Hussen Cadow {Cabdi yare}oo madasha shirka ka sheegay fikir ka turjumayey markaasi inta badan bulshada Soomaaliyeed kuwooda aan horey loogala tashan barnaamijkii lagu curiyey dhismaha dastuur u sameynta dalka.Waxa kulanka goobjoog ka ahaa Somali badan oo ka soo kala jeeda gobolada dalka, waxaa sidoo kale goobta joogay gudi ay iska soo xuleen reer Hiiraanka Norway kuwaasoo sameystay afhayeen si aay aragtidooda dastuurka federaalka ugu soo bandhigaan gudigan qaabilsan Dastuurka, waxaana reer Hiiraan u hadlay mudane Cabdiraxman Huseen Cadow
(Cabdi Yare)

Cabdi Yarre ayaa gudigii Dastuurka uga warbixiyey reer Hiiraan guud ahaan dareenka aay ka qabaan Dastuurkan iyo maamul goboleedyada, isagoona sheegay in dastuurkan cusub
loogu eexanayo Gobolada qaar. Qaar kalana laga eexanayo. Si loo helo cadaalada wax qaybsiga halagu saleeyo 8-dii Gobol ee 1969-kii. Waa xaqdaro in gobol sadex gobol noqday iyo Hiiraan oo gobolkiisii ah in si isku mid ah wax loogu qeybiyo amaba la yiraa waa isku xuquuq, Cabdiraxmaan ayaa sheegay in reer Hiiraan guud ahaan aay ka goán tahay inay u dagaalamaan xuquuqda gobolka Hiiraan aysana aqbali doonin iney si sahlan ku qaataan dastuur aan lagala tashan bilaawgii sameyntiisa.

qaar ka mid ah bulshadii Soomaaliyeed ee ka soo qeyb gashay shirka ayaa Talo ahaan ku soo jeediyeen in qabyo qoraalka Dastuurka dib loo dhigo ilaa iyo inta ay dadka Soomaalida jaanis uga helayaan in ay ráyigooda kadhiibtaan. Arrinkaasna waxaa soo dhaweeyey Soomaalida shirka kasoo qeyb gashay inta badan.

Reer Hiiranka shirka joogay ayaa sidoo kale dhaliilay nidaamka federaalka oo aay ku sheegeen mid aan lagala tashan ummada Soomaaliyeed. Waxaana wanaagsanaan lahayd bey yiraahdeen in dadka Soomaaliyeed laweydiiyo nuuca dowlada ay rabaan kadibna rabbitaanka ummada lagu jaangooyo dastuurka.

Dhinaca kale waxaa gabi ahaan bur buray qorsha howleedkii Roadmapka kadib markii ay jabiyeen madaxweynaha iyo r/wasaaraha oo ay xil ka qaadis loo maray wado qaldan ku sameeyeen wasiirka beeraha oo ka soo horjeestay arintaasi oo meesha ka saareysa ineyba ay jirto wax la yiraahdo qorshe howleed amaba roadmap.

Sikastaba marka xaalada dhinackasta laga eego shirarkii Soomaaliweyn lagala dhuumaneyey ee Garoowe 1 iyo 2 kuwaasi oo sida la rumeysan yahay ay iskugu tageen reer Mudug iyo labada Shariif ayaa waxaa ugu danbeyn go,aanadii ka soo baxay wax kama jiraan ku tilmaamay baarlamaanka Soomaaliya oo aan dhamaan la soo marsiin qodobadii ka soo baxay shirarkaasi.

Ugu danbeyn warar lagu kalsoonaan karo ayaa sheegayo in qaar ka mid ah gudiga dastuurka cusub ay arintaan doonayaan kaliya iney dhaqaalo kucunaan ayna dareensan yahiin ineysan bulshada Soomaaliyeed wakiil ka noqan karin reer Mudug iyo labada Shariif amaba uusan dalka ka shaqeyneyn wax aan la soo marsiin baarlamanka Soomaaliya, tiiyoo doorashadii madaxweynimada Soomaliya la iclaamiyey xiliga ay dhaceyso arintaasi oo aad u yareyneysa inba laga hadlo dastuur iyo roadmap maadama la galayo doorasho april 30/2012.

La soco wararkeena danbe iyo xiliga kala guurka

Isha warka Hiiraan State

Comments

No Comments have been Posted.

Post Comment

Please Login to Post a Comment.

Ratings

Rating is available to Members only.

Please login or register to vote.

No Ratings have been Posted.
Render time: 0.25 seconds
14,633,434 unique visits