Hidaha iyo dhaqanka

; ; ; ; ; ; ; ; ; ; ; ; ; ; ; ; ; ; ; ; ; ; ; ; ; ; ; ; ; ; ; ; ; ; ; ; ; ; ; ; ; ; ; ; ; ; ; ; ; ; ; ; ; ; ; ; ; ;

Users Online

· Guests Online: 5

· Members Online: 1
JimHet

· Total Members: 189,964
· Newest Member: evokafr

Welcome

HS:- Wararkii ugu danbeyey siyaasada Soomaaliya.

Wararka MaantaHS:- Dalka Soomaaliya waxaa si rasmi ah ugu dhaceyso doorasho lagu soo dooranayo madaxweynaha Soomaaliya dhamaadka bisha April kadib markii ay doorashadaasi iclaamiyeen baarlamaanka DFKMG kadib kulamo isdaba joog ahaa oo ay dhawaanahaan ku lahaayeen xarunta golaha shacabka.

Gudoomiyaha baarlamaanka Soomaaliya Madoobe Nuunoow Mohamed ayaa shir jaraa'id oo uu ku qabtay Mogdishu ka sheegay in ay doorashadii madaxweynenimada Soomaaliya dhaceyso bisha April aaqirkeeda lana diyaarinayo gudiyadii qaban qaabin lahaa doorashada soo socota.

Warar lagu kalsoonaan karo oo naga soo gaaraya magaalada Mogdishu ayaa sheegayo in maalmaha soo socda lagu dhawaaqi doono gudiyadii soo diyaarin lahaa doorashada, maadama waqti fiican ay heystaan mudayaashu oo ay ku soo dooran karaan madaxweynahii Jamhuuriyada federal Soomaaliya ee dalka hogaamin lahaa 4ta sano ee inagu soo aadan.

Dhinaca kale waxaa magaalada Mogdishu lagu wadaa iney soo gaaraan maalmaha inagu soo aadan waftiyo kala duwan oo ka socda wadamada daneeya arimaha Soomaaliya kuwaasi oo loo maleynayo iney ka socdaan Midowga Yurub iyo Mareykanka si ay ula shiraan baarlamaanka Soomaaliya maadama ay meel mar noqon weysay qorshahii Roadmapka iyo shirarkii Garoowe 1 iyo 2.

Beesha caalamka oo ay ugu horeyso QM ayaa ku gacan seyray qorshe ay madaxweyne Shariif , R/wasaare Gaas, saxiixayaashii shirarkii Garoowe iyo gudiga gacanta ku haya dastuurka qabyo qoraalka ku doonayeen in doorashada ay baarlamaanka iclaamiyeen aaqirka bisha april laga soo hormariyo si beesha caalamka looga dhaadhiciyo in waxkasta diyaar yahiin, hayeeshee sida warar sugan lagu helayo sheegayaan fikirkaas ma noqon mid macquul ah oo ka gadma aduunyada marka la eego sida ay uga dhega xiran yahiin siyaasadaha dibada lagu karkarinayo Kooxda Roadmapka la baxday ee shirak aysan Soomaaliweyn u dhameyn ku qabtay Garoowe.

Inkasta oo aanu dooneyn in aanu ka hor dhacno arimo badan oo aan waqtigooda la gaarin ka hadalkooda hadane dalka Soomaaliya ayaa ka bad baadi doonto sida ay jecel yahiin saxiixayaashii Kampala Acord iyo labadii shir ee Garoowe 1 iyo 2 oo iyagu doonayo in sidii fowdadaan loogu jiro waqtiga kumeel gaarka sidaas ku dhamaado kadibna dalka Soomaaliya bisha 8aad laga taago calanka Qaramada Midoobay dalkana la galiyo gumeysi, maadaama sida la rumeysan yahay saxiixayashii Garoowe ay intooda badan danahooda shaqsiyadeed u cararayaan marka la eego hab dhaqankooda siyasdeed.

Sikastaba baarlamaanka Soomaaliya ayaa u muuqda rajada kaliya ee hada u hartay umada Soomaaliyeed beesha caalamkana wey ku dhiiran weysay iney tiraahdo baarlamanka hada jiro ha kala tago maadama la sheego in dalka Soomaaliya yahay dal xor ah oo calan uu gaar ah leh sida dalalka aduunyada ka jira, marka la eego waqtiga ka haray xiliga kumeel gaarka iyo howsha hortaalo xukumada hada jirta oo waliba aan hal meel wax iskula wadin beesha caalamka waxaa u sahlanaatay baa la leeyhay in ay madaxweynaha hada jira kii bedeli lahaa ay soo doortaan baarlamaanka hada jira ee uu hogaaminayo Madoobe Nuunoow, halka Mahiga, labada Shariif iyo xulufadooda looga arko beesha caalamka koox mudo sanad ah shirar ku soo jiray hal maalina aan soo marsiin baarlamaanka Soomaaliya oo iyaga soo doortay in laga ansaxiyo sidaasi daraadeed waxaa loo arkey garab ka mid ah garabyada siyaasdeed ee ka jira dalka Soomaaliya.

Ugu danbeyn mudanayaasha barlamaanka DFKMG ayaa lagu wadaa iney ku mashquuli doonaan qaabilada waftiyo kala duwan oo ka socda beesha caalamka ka hor inta aan la gaarin waqtiga doorashada la qabanayo.

La soco arimaha siyaasada Soomaaliya iyo warbixino xaqiiqda u dhaw

Isha warka Hiiraan State
webmaster@hiranstate.com
admin@hiranstate.net

Comments

No Comments have been Posted.

Post Comment

Please Login to Post a Comment.

Ratings

Rating is available to Members only.

Please login or register to vote.

No Ratings have been Posted.
Render time: 0.16 seconds
14,638,425 unique visits