Hidaha iyo dhaqanka

; ; ; ; ; ; ; ; ; ; ; ; ; ; ; ; ; ; ; ; ; ; ; ; ; ; ; ; ; ; ; ; ; ; ; ; ; ; ; ; ; ;

Users Online

· Guests Online: 3

· Members Online: 0

· Total Members: 189,964
· Newest Member: evokafr

Welcome

HS:-Garoonka diyaaradaha magaalada Belet Weyne oo

Wararka MaantaHS;- Kadib markii ay magaalada Belet Weyne isku bed bedeleen sanadahii ugu danbeyey kooxo huwan magacyo diin laakins u abaabulnaa qaab qabiil kuwaasi oo kala ahaa ururkii uu garwadeenka ka ahaa Xasan Daahir Aweys ee loo yaqiinay Xizbul Islaam iyo kooxdii horey loo dhihi jiray Shabaab hadana la baxday Alqacidada Soomaaliya ee uu garwadeenka ka yahay hogaamiyaha Alqacida Ayman Al Zawaahiri ee fadhigiisu yahay Tooraboora,Afganistaan.ayaa mudadii ay gacanta ku hayeen magaalada Belet weyne waxy u geysteen bur bur baaxad weyn oo laga daremi karo gudaha iyo daafaha garoonka.

Hadaan kala qaadno qaabka loo bur buriyey garoon waxey aheyd labo nooc 1- Xisbigii Xizbul Isaam mudadii ay joogeen waxey gabi ahaanba joojiyeen duulimadyadii garoonka iyagoo diyaaradahii xiligaas isticmaali jiray loo sheegay iney u weecdaan magaalooyinka Dhuuso-mareeb iyo Guriceel maadama uu ururka hogaaminayey Hasan Daahir Aweys oo ka soo jeeda degaanada loo weeciyey duulimaayadii ay diyaaradaha ku imaan jireen garoonka ugu weyn gobolaa dhexe ee ku yaala magaalada Belet Wyne arintaan oo aheyd mid siyaasadeed si magaalada Belet Wyneiyo Hiiraanba looga dhigo meel geeri go,an ah oo ka go,an dalka intiisa kale lana barakiciyo bulshada kunool halkaas, inkasta oo qorshii laga lahaa arintaas ay 100% ka fuleen Hiiraan mudadii ay joogeen amaba heysteen ururkii Xizbul Islaam ee bur buray iyo kooxdii ka danbeysay ee Shabaab.

Sidoo kale markii ay meesha ka baxeen Xizbul Islaam waxaa la bedelay oo kaliya magacii waxaana la waregay magaalada Shabaab oo ugu danbeyn baabuurta xamuulka ee ka shaqeeya Hiiraan iyo gobolada kale ee dalka ku amray in ay maraan wadada ay ku soo degto diyaarada xili waliba aheyd amaba ay magaalada ka da'een roobab xoogan sidaasina wadadii garoonka ay isticmaali jireen diyaaradaha ku bur burtay.

Hadaba magaalada Belt wyniyo Garoonkaba mudo 3 bilood iyo bar ma joogaan Shabaab iyo Alqacida midna,maxaa ka hortaagan inuu tayac dir xoogan ku sameeyo maamulka cusub amaba ay dhistaan dadka gobolka degan?

Marka la eego baaxada qasaaraha soo gaaray garoonka diyaaradaha Ugaas Khaliif ee magaalada Belet weyne waa mid xoogan ha yeeshee hadii loo helo maamul daacad ah oo u ololeeyo la dhisi karo.hadaba maamulka hada jira ee dhawaan loo soo magacaabay Hiiraan aad ayuu u jecel yahay in wax badan loo qabto Hiiraan amaba meelaha bur bursan dib loo dhiso laakinsewaxaa jiro wax yabo badan oo ka hortaagan arintaas oo ay dad yar ogyahiin.

1- Maamulka cusub waxaa hogaaminayo nin dhalinyaro ah masuuliyada uu ku magacaaban yahay iyo howsha meesha taalo waa mid kaaf iyo kala dheeri ah waayo masuuliyada loo dhiibay ninkaan dhalinyarada ah wey ku culus tahay marka xaalada dhinackasta laga eego.



2- Qaabka maamulka cusub u shaqeeyo hada oo ay bilaaw yahiin ma ahan qaab u saamaxaya aqoonyahanada ku nool gudaha iyo dibda ee ka soo jeeda Hiiraan mid ay aqoontooda uga faa'ideyn karaan gobolka waayo ninka hogaanka haya iyo inta ka agdhawba diyaar uma ahan iney fur furaan maamulka oo ay howsha ka qeyb galiyaan bulshada si qofkasta kalainta kaka aadan uu uga qeyb qaato horumarka gobolka.

3-Ilaa hada waxaa horey iyo gadaal u cararayo kaliya gudoomiyaha gobolka oo isagu waxkasta isku ah kaliyana ay caawineyso qof lagu sheegay iney tahay haween, wararka qarkiisna sheegayaan iney tahay xaaskiisa.

4-Abaabulkii dagaal ee lagu xoreyn lahaa gobolka intiisa kale iskaba daaye waxaan leysku mashquulin in dayar dir deg deg ah lalal gaaro garoonka maadama uu yahy garoonka kaliya ee manta Soomaaliya ku yaala ee aysan diyaarad ka degi karin kuwa qumaatiga u kacamaahane.

5- waqtiga uu maamulkaan shaqeynayo oo aad u yar ahna 3 bilood oo ay hada ka baxday bil.

Mar aanu siyaabo kale duwan u weydiinay waxgarad ku sugan Hiiraan meesha ay cilada ka jirto ayey inoo xaqiijiyeen in masuuliyada lagu magacaabay gudoomiyaha Hiiraan C/fataax Hasan Afrax iyo baaxada bulshada kunool Hiiraan ay aad u kala fog tahay waayo ayey yiraahdeen qofka Hiiraan hogaaminaya waxbo ma dhaamo ayey leeyahiinn qof Soomaaliya ka ah madaxweyne, marka rajo aan caga badneyn ayey ka muujinayaan in maamulkan cusub ay wax badan qaban karaan, inta ay joogaan inta hada hogaanka heysa xitaa hadii aan la mucaaradin hal maalin.

Waxaa taasi u dheer maamulka ma heystaan dowlad daacad ah oo la shaqeynaya amaba ka saacideysa sidii loo dabooli lahaa baahida rasmiga ah ee jirta,

Tusaale. waxaad arkeysaa R/wasaaraha Soomaaliya oo hayado caalami ah u kaxeynaya Puntland sida kuwa hada Dekeda Boosaaso dhisaya ee ku bixinaya malaayiinta dolar amab loo weecinayo hayadahii Turkiga iyio cawimaadii. sidoo kale waxaad arkeysaa madaxweyne kaliya ka fikirayo danta beeshisa iyo hadba kooxdii markaas isaga ku fikir ah taasi oo maamulka cusub ka dhigtay mid leyska soo magacabay kadibna dhegaha laga fureystay lana yiri Hiiraan tag anagaa xiligaan rabno ku soo booqaneyna oo ah hadalada ugu abdan ee laga helayo xafiiska madaxweyne Shariif oo markasta laga sheegi in Shariifka tagi doono Hiiraan, halkii bulshada wax loo qaban lahaa amaba maamulka la caawin lahaa.

Ug danbeyn waxa Soomaaliya ka socda amaba masuuliyiinta uu gabalkoodu sii dhacayo taladoodii noqotay Boqor Ma eexdo Tolkiina ma mooga oo ah waxa ay maanta ku shaqeeyaan Shariifka iyo Cadiwali Gaas. Laakinse maamulka cusub ee Hiiraan ma laga yaabaa si aysan
dadka u lugooyn hadii ay wax qaban waayaan iney meesha baneeyaan?

Isha warka Hiiraan State
webmaster@hiranstate.com
admin@hiranstate.net

Comments

No Comments have been Posted.

Post Comment

Please Login to Post a Comment.

Ratings

Rating is available to Members only.

Please login or register to vote.

No Ratings have been Posted.
Render time: 0.16 seconds
14,589,116 unique visits