Hidaha iyo dhaqanka

; ; ; ; ; ; ; ; ; ; ; ; ; ; ; ; ; ; ; ; ; ; ; ; ; ; ; ; ; ; ; ; ; ; ; ; ; ; ; ;

Users Online

· Guests Online: 5

· Members Online: 0

· Total Members: 189,964
· Newest Member: evokafr

Welcome

HS:-Khilaaf iyo kala shaki ka jira xarunta Villada

Wararka MaantaHS:- Raysil wasaaraha Soomaaliya Prof. C/wali Maxamed Cali oo dhawaan ka badbaaday qarax la doonayay in lagu dillo oo ka dhacay Tiyaatarka Muqdisho ayaa la sheegayaa inuu adkeeyay amaanka qeybta uu ku hoydo ee guriga uu ka daganyahay Muqdisho.


Waxaana soo ifbaxaya macluumaad sheegaya feejignaan xoogleh iyo shaki uu ka qabo madaxda qaar.Madaxweyne Shariif Sh Axmed ayaa dhankiisa jeediayay hadallo uu ku dajinayo xaalada kadib qaraxii shakiga dhaliyay ee ka dhacay Tiyaatarka Golaha Murtida.

Dad kudhow madaxweynaha ayaa sheegay in Shariif mudo dheerba aysan isku wanaagsaneyn raysil wasaarihiisa inkasta uusan C/wali jeedin hadal adag oo cadaynaya khilaafka isaga iyo madaxweynaha.Laakin wuxaa la sheegayaa in raysil wasaaruhu aaminay inay wada socdaan khilaafka madaxweynaha iyo qaraxii Tiyaatarka ee uu kabadbaaday ahaana mid loogu talo galay in lagu qaarajiyo.

Mid kamid ah dadka ka agdhow Raysil wasaaraha ayaa sheegay in xiriirka Madaxweynaha iyo Raysil wasaaruhu uu marayo meel xun,iyada oo ciidamo hor leh oo ilaaliyo amaankiisa ay soo dhoobteen qeybta uu daganyahay Raysil wasaaraha.

Madaxweynaha Puntland C/raxmaan M. Maxamuud oo aan dhankiisa soo saarin wax hadal ayaa la sheegayaa inuu udiray Muqdisho ciidamo ilaaliyo Raysil wasaaraha. Ilo wareed kusugan Garowe ayaa sheegaya in ciidamada loo diray Raysil wasaaraha ay yihiin kuwo si gaar ah u tababaran.Lama hubo heerka ay gaarsiisantahay xasaasiyadda siyaasadeed ee ka dhalatay isku daygii dil ee Raysil wasaare C/wali Gaas .

Dad aqoon u leh amaanka ayaa sheegaya in qaraxii Tiyaatarka uu yahay mid ay kulug lahaayeen hay’ada nabad sugida Soomaaliyeed oo laga yaabo inayba fuliyeen. Inkasta oo ay eedaasi iska fogeeynayaan hay’adaha qaabilsan amaanka.

Si kastaba ha ahaatee maalmaha soo socda ayay Soomaalida u dhaga taagayaan warka laga soo sheegi doono madaxtooyada Soomaaliya oo ay wada daganyihiin madaxda Soomaalidu.

Xigasho Somaliradio

Comments

No Comments have been Posted.

Post Comment

Please Login to Post a Comment.

Ratings

Rating is available to Members only.

Please login or register to vote.

No Ratings have been Posted.
Render time: 0.22 seconds
14,581,073 unique visits