Hidaha iyo dhaqanka

; ; ; ; ; ; ; ; ; ; ; ; ; ; ; ; ; ; ; ; ; ; ; ; ; ; ; ; ; ; ; ; ; ; ; ; ; ; ; ;

Users Online

· Guests Online: 3

· Members Online: 0

· Total Members: 189,964
· Newest Member: evokafr

Welcome

HS:- Xildhibaanadii ugu badnaa oo ku sugan Mogdishu

Wararka MaantaHS:- Magaalada Mogdishu oo lagu wado iney ka dhacdo doorashada madaxweynaha Soomaaliya waxaa ku sugan xildhibaanadii ugu badnaa kadib markii ay halkaasi gaareen mudanayaal fara badan oo intooda badan ka kala yimid gobolada dalka iyo wadanka Kenya oo ay mudo ku sugnaayeen.

Xildhibaanadan ayaa intooda badan dalka dib ugu soo laabtay iyadoo maalmahii tagay aad loo arkayey wajiyo cusub oo sii galaya marna ka soo baxaya xarunta golaha shacabka oo ah goobta ay kulamada ku qabsadaan mudanayaashu.

Dhinaca kale waxaa hakad aad u weyn uu ku yimid howlahii Roadmapka iyo dastuur u sameynta dalka kadib markii sida la xaqiijiyey shaqsiyaad hore uga mid ahaa saxiixayaashii Garoowe 1 iyo 2 maadaama isbedelo guud oo dhinaca hogaanka sare ah ay ka dhacayaan dalka arinta ka gaabsaday, kadib markii ay doorashadii madaxweynaha Soomaaliya iclaamiyeen baarlamaanka Soomaaliya.

Arinta kale ee xaalada sii murjisay ayaa ah in Soomaali badankeed diidan yahiin dastuurka cusub ee qabyo qoraalka maadaama aysan beelaha Soomaaliyeed badankooda goob joog ka aheyn shirarkii ka dhacay Puntland. wararkii ugu danbeyey ee naga soo gaaraya Mogdishu ayaa sheegaya in dalka Soomaaliya lagu dhaqi doono dastuurkii 60kii inta ay suurogal ka noqoneyso afti guud oo bulshada laga qaado min tuulo ilaa caasimad inta ka horeysana loo arko dastuur cusub mid ay sameysteen reer Mudug iyo labada Shariif xitaa hadii ay dad ay ka soo aruurinayaan beelaha Soomaaliyeed doonayaane iney ugu yeeraan hogaankii dhaqanka iskugu keenaan meel ka mid ah dalka kana ansaxiyaan.

Arimaha dastuurka cusub ayaa hada ku soo aruuray arimo dhaqaalo kaliya maadaama ay beelaha Soomaaliyeed qaarkood hogaankooda dhaqanka ka cudur daarteen iney ka mid noqdaan dad la sheegay iney ansaxin doonaan dastuurka cusub oo meelo badan oo ka mid ah dhaawacaya dhaqanka umada Soomaaliyeed amaba u sahlaya mustaqbalka dad aan Soomaali aheyn iney dalka xaquuq ku yeelan karaan xitaa hadii aysan heysan diinta Islaamka.

Qatarta uu leeyahay dastuur aan afti loo qaadin in lagu dhaqo dal ay bulshadiisu ka badan yahiin 10 Million cawaaqibka lagala kulmi karo waxey ku egaan doontaa inta u ololeyneysa hada ayey leeyahiin bulshada badankeed.ugu danbeyn magaalada Mogdishu oo ah caasimada Soomaaliya waxaa ku sugan mudanayaashii ugu badnaa halka ay ku sii qulqulayaan musharaxiin u tartameysa hogaanka sare doonayana iney isbedel la taaban karo ku sameeyaan dalka hadii ay ku guuleystaan xilka ay u tartamayaan.

ISha warka Hiiraan State

Comments

#1 | cheap air jordans on May 18 2012 07:34:47
air jordan for cheap United States Veterans Arts Progra...

Post Comment

Please Login to Post a Comment.

Ratings

Rating is available to Members only.

Please login or register to vote.

No Ratings have been Posted.
Render time: 0.17 seconds
14,568,393 unique visits