Hidaha iyo dhaqanka

; ; ; ; ; ; ; ; ; ; ; ; ; ; ; ; ; ; ; ; ; ; ; ; ; ; ; ; ; ; ; ; ; ; ; ; ; ; ; ; ; ;

Users Online

· Guests Online: 8

· Members Online: 0

· Total Members: 189,964
· Newest Member: evokafr

Welcome

Shirar iyo abaabul loogu gargaarayo shacabka Hiiraan oo ka socda waqooyiga America

Wararka MaantaIsniin 17, Janaayo 2011 (HSOL) Shacabka Hiiraan oo xaaladooda laga soo deyrinayo kedib abaaro ba'an oo ku dhuftay dhulka miyiga ah, halkaas oo ay xoolaha iyo dadkuba u dhimanayaan Oon iyo gaajo.

Gurmadyo iyo dadaalo is daba joog ah ayaa laga wadaa meelo badan oo caalamka ka mid ah si dadkaasi loo gargaaro. waxaana wadamada ay abaabulka ka socdaan ka mid ah wadamada Mareykanka iyo Canada oo ay jaaliyadaha reer Hiiraan ee halkaasi ku nool ka wadaan abaabul dadka dhibaateysan wax loogu qabanayo.

Dhawaantan ayey aheyd markii tuulo ka mid ah degmada jalalaqsi ay ku dhinteen 4 ruux oo halkaas gaajo iyo Oon ugu geeriyooday. halka xoolahii ay dadku dhaqan jireen amaba ay ku tiirsanaayeen ay gabi ahaanba noqdeen wax dhintay iyo wax ay naftu ku daba yar tahay. dhibaatada bini'aadaminimo ee halkaasi ka jirta ka sokow waxaa jiray xili ay dhibaatadu ay heerka ay joogto maanta ka sahlaneyd oo wax badan laga qaban karay ayey is hortaageen saraakiil ka tirsan ururka Shabaab ee xooga ku heysta shacabka Hiiraan kedib markii ay diideen biyo iyo cunto la doonayey in dadkaasi dhiban loogu gargaaro.



Dhibaatada ugu badan ee halkaas ka jirto ayaa aad u saameysay dumarka iyo caruurta kedib markii ay baaqdeen roobabkii ay umadu ku tiirsanaayeen.


Isha warka Hiiraan State
Xafiiska Belet weyn
webmaster@hiranstate.com
admin@hiranstate.net


Comments

No Comments have been Posted.

Post Comment

Please Login to Post a Comment.

Ratings

Rating is available to Members only.

Please login or register to vote.

No Ratings have been Posted.
Render time: 0.15 seconds
14,585,647 unique visits