Hidaha iyo dhaqanka

; ; ; ; ; ; ; ; ; ; ; ; ; ; ; ; ; ; ; ; ; ; ; ; ; ; ; ; ; ; ; ; ; ; ; ; ; ; ; ; ; ; ;

Users Online

· Guests Online: 4

· Members Online: 1
ernestom60

· Total Members: 189,964
· Newest Member: evokafr

Welcome

HS:- Garoonka diyaaradaha magaalada Belet Weyn

Wararka MaantaHS:-Caasimada Hiiraan ee Belet Weyne waxaa ku yaala garoonka ugu weyn gobolada dhexe ee Soomaaliya kaasi oo loogu magac daray Ugaas Khalif International Airport.

Garoonka oo la dhisay xiligii Unisom ay joogeen dalka Soomaaliya ayaa waxaa soo gaaray bur bur baaxad leh oo intiisa badan loogu geystay qaab ku tala gal ah iyo dagaalo fara badan oo ka dhacay nawaaxiga garoonka.



Hadaba garoonka oo xiligii uu shaqeyn jiray muhiim u ahaa bulshada ku dhaqan gobolada dhexe iyo dhulka Soomaalida degaan ee Ethiopia ayaa ah mid aan shaqeyn mudo dhawr sano ah. warar leysku haleyn karo ayaa sheegayo in qiimeyn lagu sameeyey garoonka iyo sidii uu mar kale dib ugu shaqeyn lahaa ay u baahan tahay dhaqaalo lagu qiyaasay ugu yaraan 1.5 ilaa 2 Million dolarka Mareykanka ah.



Sikastaba mustaqbalka garoonka ayaa ah mid mugdi ku jira hadii aan loo helin dayac dir xoogan iyo dib u habeyn guud. bulshada ku dhaqan Hiiraan ayaa kuu sheegaya in garoonka uu gaaray bur bur xoogan oo wax ka qabasho dhab ah u baahan sida wadada ay kusoo degto diyaaradu oo si ula kac ah ay u bur buriyeen kooxahii horey u heystay garoonka iyo qalab yiilay oo lagu dayac diri jiray oo ay hore u qaateen.



Hadaba qiimeyn aanu ku sameynay qiimaha uu ku kici karo garoon caalami ah amaba mid ay ku soo degi karaan halkii mar dhawr diyaaradood ayaa sidan noqotay inagoo gaashaneyno quburo ku taqasustay howlaha dhismaha amaba Injineero.

Marka la eego muuqaalka garoonka yar waxaa ku baxayo ilaa 3 Million qiimaha wuu ka badan karaa waayo waxa wehliya dhismooyin ay ka mid yahiin qeybtii ay dadka ka dhoofayeen amaba ka soo dagayeen. sidoo kale waxaa wehliya dhismo ay ku howl gali karan hayada nabad sugida dowlad goboleedka Hiiraan ee ka howl galeysa gudaha garoonka. waxaa wehliya baqaaro ay kusoo degaan xamuulka. meelahii la dhigan lahaa gawaarida Parkiing.

Garoonkan danbe waa mid casri ah hadii laga dhisayo wadamo Yurub amaba Carabaha oo kale waxaa ku baxayo ilaa 50 Million iyo ka badan sida ay Injineeradu sheegeen, laakinse waxey ku nuux nuuxsadeen hadii Hiiraan laga dhisayo inuu ku kici karo ku dhawaad 10 Million oo dolar iyagoo sababta uu qiimahaas u joogo ku sheegay intaan oo qodob.

1- Si loo baajiyo ku dhawaad 25 Million oo dolar waa in la helo 1000 qof oo iskaa wax u qabso ku shaqeysa oo laga heli karo wadaniyad intaas la eg.

2- In la helo ku dhawaad 25 baabuurta ay Soomalidu u taqaano Iska rogaha oo iyaguna qiimaha ay ku shaqeeyaan dhima ilaa 50%.

3- In qurba joogta iyo hayadaha ku sugan gobolka bixiyaan Freeway isku xira magaaada ilaa garoonka oo aan ka yareyn 10KM

iyo qodobada kale oo ah qalabka loo bahan yahay oo gaaraya ilaa 5 Million oo dolar.

Sikastaba dadku hadey is baraan iney isku tashadaan wax badan ayey qabsan karaan. waxaa taasi kasii daran mar aanu baaritaan ku sameynay qaabkii ay ula dhaqmeen dowladahii kumeel gaarka ahaa ee dalka ka jiray bulshada Hiiraan waxii ka danbeeyey 1990kii ma jirin dowlad haba yaraatee wax ku sheegan karta iney u qabatay Hiiraan, marka laga reebo iney kaliya shacabkooda ka soo raadiyaan taageero siyaasadeed. waxaa la ogyahay in dalka Soomaaliya loogu deeqay 22-kii sano ee ugu danbeysay ku dhawaad 22 Billion dolar si loogu horumariyo gobolada dalka. ma jirto hogaamiye dhihi kara reer Hiiraan intaan ayey deeq u heleen.

Dhinaca siyaasiyiintii ka soo jeeday Hiiraan mudadaas iyagu wax ficil ah lama imaan waayo qofku waxuu dadaal la yimaadaa marka uu isku kalsoon yahay waxey ahayeen kaliya kuwo u ololeeyo hadba qofkii doonaya inuu wadanka hogaamiyo oo dad kale ayey daba fadhiyeen, sidaasina waxaa ku dayacmay degaankii ay ka soo jeedeen.

Iskabadaa 22kii sano ee la soo dhaafay kaliya waxaan bulshada u soo bandhigeynaa inta mashaariic iyo qandaraas ah oo laga fuliyey Puntland tan iyo markii uu hogaanka qabtay R/wasaase Cabdiwali iyo inta qofood ee uu Shariifka qandaraas siiyey oo reerkiisa ah, kadibna isweydii in ay dalka ka jirto dowlad caadil ah.

Hadii qofkii yimaado ka fikiro kaliya degaankiisa iyo dadkiisa yaa u maqan kuwa aan hogaanka dalka heynin sida reer Hiiraan oo kale? arinta kale ee iyadu reer Hiiraan ka qoslisay maalmo dhaweyd ayaa aheyd in Shiikh Shariif doonayey in uu Hiiraan aado oo uu booqdo si uu aduunyada u tusiyo in uu taageero ka heysto bulshada Hiiraan isagoo ku fikirayey inuu iska soo hormariyo wasiirka arimaha gudaha, hayeeshee arintaas waxey noqotay mid aan suuroobin hadana suuroobi doonin waayo Hiiraan kama socoto markaan doonane dhaqaAlaha iyo jiritaanka ayaan kaala dagaalayaa xiligaan doonana waan ku soo booqanayaa ee ii sacbi.

Ugu danbeyn Hiiraan maanta waxaa ka jira maamul uu hogaminayo amaba madaxweyne ka yahay nin dhalinyaro ah oo la yiraahdo C/ Fataah Hasan Afrah iyo ciidamo mudo dhawr sano ah dagaal kula jiray kooxahii heerkaan iyo bur burkaan gaarsiiyey garoonka, halka ay TFGdu dhegaha ka fureysatay ciidamada Hiiraan mudadii ay dagaalka ku jireen, xili ciidamada ka dagaalamayey gobolada kale la siinayey waxii ay u baahdaan xiligii uu joogay Farmaajo , halka reer Hiiraan ciidamadooda waayeen cid xaquuqdooda ugu soo dhicisa dhaqaalahii loogu deeqay dalka ee lagu bixiyey magaca Soomaaliyeed. Waa in si toos ah iyo si dadbanba loola shaqeeyo maamulka hada ka jira Hiiraan ayuu yiri mid ka mid ah waxgaradka ku sugan Hiiraan oo aanu la xariirnay maanta.

Mar aanu weydiinay sida uu u arko dastuurka ayuu yiri Hiiraan waxey ka mid tahay meelaha aan laga walwalin dastuur iyo wax ay soo sameysteen kooxo isku ujeedo ah, marka intii horey dhismahiisa u ogeyd ayuu quseeyaa reer Hiiraan meeshii lagu dhisay ma joogin shirarkii Garoowena kama mid aheyn marka namaba quseeyo waxaad ka hadleysid ayuu yiri, isagoona uga digay cidkasta oo iyadoo magaca Hiiraan isticmaleysa iskudaydo iney bulshada marin habaabiso waa lagula xisaab tami doonaa.

Reer Hiiraan dastuur kama maqna ee waxa ka maqan nabadgalyo iyo dib u dhiska adeegii guud ee bulshada sida Xarumaha waxbarashada, caafimaadka iyo wadooyinka ayuu hadalkiisa ku soo gabo gabeeyey.

Marka laga soo tago arimahsi aanu kor ku soo xusnay oo dhan, dhibaatada kale ee bulshada Hiiraan siiba qurba joogta ka heysata iney booqdaan dhulkooda waxaa ka mid ah iyagoo garoono aad uga fog fog ka soo dega sida Puntland, Soomaliland iyo Mogdishu oo mar hadey u safraan Hiiraan mar kale u xiiseyn.

Hadaba la soco faah faahin kusaabsan garoonka iyo xaladiisa guud.

Isha warka Hiiraan State

Comments

No Comments have been Posted.

Post Comment

Please Login to Post a Comment.

Ratings

Rating is available to Members only.

Please login or register to vote.

No Ratings have been Posted.
Render time: 0.20 seconds
14,605,957 unique visits