Hidaha iyo dhaqanka

; ; ; ; ; ; ; ; ; ; ; ; ; ; ; ; ; ; ; ; ; ; ; ; ; ; ; ; ; ; ; ; ; ; ; ; ; ; ; ;

Users Online

· Guests Online: 6

· Members Online: 0

· Total Members: 189,964
· Newest Member: evokafr

Welcome

HS:- TFGda oo dhaqaalahii laga jaray iyo baarlamaanka oo la horkeenayo ...

Wararka MaantaHS:-Dalka Soomaaliya oo ah wadan hodan ku ah qeyraadka bada iyo bariga ayaa hadane markaad dhinaca kale ka eegto waxaa 22-kii sano ee ugu danbeeyey lagu tiriyaa inuu yahay wadanka ugu faqrisan dunidan aynu ku nool nahay. sidoo kale waxuu mudo 10 jeer ka badan kaalinta 1aad ka galay musuq maasuqa, halka ay caasimada Soomaaliya noqotay magaalada ugu amaanka daran dunida dhawr sano ka hor.

Arimahan kor ku xusan marka laga soo tago dowladahii ugu danbeeyey oo dhan waxey ku noolaayeen gacan shisheeye ilaa dowlad kasta oo timaada madaxweynaheeda iyo inta la shaqeysa loo qoro mushaar xad dhaaf ah kadibna dalka sidii la doono laga yeelo ilaa maalin cad dalkii uu u dhashay laga ceyriyo R/wasaare Farmaajo kedib shirkii loogu magac daray Kampala Acord oo hogaankii dhamaa ee dalka laga dhigay mid dalka laga masaafuriyo iyo qaar mudanayaashii baarlamaanka ee iyaga doortay looga dhigo cadaw oo ka cararaan.

Sikastaba waxaa si rasmi ah loo jaray dhamaan dhaqaalahii la siin jiray TFGda kadib markii madaxweynaha Soomaaliya ee ay u harsan tahay dhawrka bilood kaliya si buuxda u sheegay inuu yahay musharax u taagan hogaanka dalka, xili uu u qudbeynayey ciidamada xooga dalka. madaxweynaha ayaa safar deg deg ah u aaday magaalada Dubai oo ah halka ay dhaqaalaha u soo mari jireen dowlada uu madaxweynaha ka yahay ha yeeshee caalamka sida sharciga ah mar hadii la galayo doorasho dhamaan musharaxiinta wey siman yahiin si looga hortago in arimo siyaasadeed loo isticmalo dhaqaalaha ku yimaada magaca Soomaaliya .TFGda waxey ku qasban yahiin iney dowlada soo socota dhinacooda ka raacaan intii uu damac ku jirane doorasho maraan , waa siyaasada Soomaaliya meesha ay maanta taagan tahay iyo go,aankii ugu danbeyey ee deeq bixiyaasha loogu yeero beesha caalamka ay ka qaateen arimaha Soomaaliya.

Dhinaca kale hogaamiyaasha maanta hogaaminayo Soomaaliya ayaa waxaa heysta ceebtii ugu xumeyd ee soo marta siyaasiyiin Soomaaliyeed inta taariikhda Soomaaliya la xasuusto maadaama si ay wax u noqdaan kaliya waxkasta sameeyeen iyagoo ka cararaya amaba karaamada ka qaadaya baarlamaankii soo doortay oo shirar iyo go,aano baarlamaanka la soo marsiin iska gaaray.

Hadaba wararkii ugu danbeyey ee naga soo gaaraya Mogdishu ayaa sheegaya in wakiilka QM lagu qasbay in uu waxkasta oo go,aan ahaa oo la gaaray Kampala Acord kadib soo marsiiyo baarlamaanka, inkasta oo ay dowlado badan la yaab ku noqotay 12 bilood shirarkii la qabanayey in aanba baarlaman la soo marsiin.waftiyo kala duwan iyo wakiilka QM oo maalintii shaley iyo maanta la kala kulmay barlamaanka iyadoo si loo meer meeraba hada lagu qasban yahay in la hor tago mudanayaasha baarlamaanka iyo gudoomiyahooda Madoobe Nuunoow Mohamed.

Dhinaca kale warar sugan oo aanu ka helnay qaar ka mid ah xukumada r/wasaare Gaas ayaa inoo xaqiijiyey in marka la iclaamiyo doorashada soo socota ay qorsheynayaan iney shaqada ka fadhiistaan wasiiro dhawr ah oo aan tiradooda si rasmi ah loo ogeyn laakinse ay ka mid yahiin wasiiro muhiim ah.

Wasiiradan ayaa ka xanaaqsan qaabkii wasiirkii beeraha iyo kan Sportiga looga qaaday xilka, waxeyna aad u sii xanaaqeen markii ay arkeen sidii guulwadahii oo wasiirkii Sportiga ee shaqada laga fadhiisiyey midkii lagu bedelay Gudoomiyahii hore ee baarlamaanka Shariif Hasan guri Vilo ah ku dhaariyey taasi oo ay ku micneeyeen iney meel uga dhaceen labada Shariif hanaankii dowladnimo ee ay Soomaaliya lahaan jirtay.

Inkasta oo ay wasiiro badan oo ka tirsan xukuamda C/wali Gaas qirsan yahiin arimaha noocani ah iney labada Shariif ka tahay neef gowracan geed kama waabto oo ay siyaasad ahaan fashilmeen hadane wadamada daneeya arimaha Soomaaliya iyo indheer garadka Soomaaliyeedba waxey ka daawanayan arinta dusha sare.

Isku soo duuboo waxaa dalka Soomaaliya ka dhacaya doorasho deg deg ah marka ay ama diidaan mudanayaashu waxii ka soo baxay shriarkii Garoowe iyo Mogdishu ama ogolaadaan.


Insha Warka Hiiraan State
webmaster@hiranstate.com
admin@hiranstate.net

Comments

No Comments have been Posted.

Post Comment

Please Login to Post a Comment.

Ratings

Rating is available to Members only.

Please login or register to vote.

No Ratings have been Posted.
Render time: 0.17 seconds
14,568,572 unique visits