Hidaha iyo dhaqanka

; ; ; ; ; ; ; ; ; ; ; ; ; ; ; ; ; ; ; ; ; ; ; ; ; ; ; ; ; ; ; ; ; ; ; ; ; ; ; ; ; ;

Users Online

· Guests Online: 3

· Members Online: 0

· Total Members: 189,964
· Newest Member: evokafr

Welcome

HS:-Dastuurka cusub oo ah mid loogu talo galay wadan

Wararka MaantaHS:-Dowlado iyo shirkado shisheeye ah ayaa siweyn wadanaha farta ugu haya hadii la ansaxin waayo dastuurka cusub oo ay kaka baxday ku dhawaad 70 Million oo dolar iyagoo isku arka in la joogo xiligii ay hantidooda dib ugu soo laaban laheyd dalkana ay sidey doonan ka yeeli lahaayeen.

Soomaalida maanta nool waxuu gabalkeeda dhacay amaba si rasmi ah loo sahan saday ineysan aheyn dad wadankooda jecel oo aan wadani aheyn markii ay aqbaleen iyagoo isku af, diin, dhaqanba ah iney 4.5 wax ku qeybsadaan oo ay noqdan dal ay leeyahiin afar beelood oo dhameystiran iyo koox loogu yeeray bar oo micnaheedu tahay ineysan wadanka ku laheyn xuquuq dhameystiran dalkana soo degeen beelaha loogu yeeray 4ta ka kedib, waa micnaha rasmiga ah ee uu noqonayo .5 hadii si kasta loo fasiro.

Waxaa xigay Kampala Acord oo la ogaaday inuusan dalka dhanba laheyn barlamaan ilaaliya danaha shacabka Soomaaliyeed waana kuwii qaladkii xiligaas laga galay bulshada Soomaaliyeed u codeeyey ee meel mariyey iyagoo u uu hanjabayo gudoomiyahii barlamaanka ee xilka laga qaaday Shariif Hasan.

Maanta waxaanu mareynaaa dastuur cusub oo ay dhismahiisa ku bixiyeen malaayiin dolar dowlado iyo shirkado shisheeye ah iyadoona si Soomaaliya loo kala dhantaalo dhawr qabiil leys kugu geeyey Garoowe oo la yiraahdo waxey wakiil ka yahiin Soomaaliweyn, halka Soomaalidii kalena maanta wax aysan ogeyn meel lagu soo dhisay iyo cid kala tashatay bilaawkiisii hore maanta la leeyahay kalaaya ansaxiya.

Hadaba dhibaatooyinka uu yeelan karo dastuurkaan maxaa ka mid ah.

1- Muhiimada laga leeyahay ayaa ah in bulshada Soomaaliyeed ku kala jabaan si uu wadanku u noqdo beylah Soomalida dhexdeedana is eedeeyaan 50 sano ee soo socota.

2- Dastuurkaan waxaa loogu talo galay wadan sida Lubnaan oo kale ah oo ay ku nool yahiin qowmiyado kala duwan, laakinse Lubnaan xitaa iyagoo dhawr qowmiyadood ah ayey dhibaato ku qabaan, waayo qowmiyadkasta si ay u noqoto kuwa ugu tirada badan waxey fududeeyeen sharciyada u samaxaya hadii nin ajnabi ah guursado haweeney dalka Lubnaan u dhalatay waxuu xaq u yeelanayaa waxkasta oo uu horey u lahaa qofkii Lubaaniga ahaa xitaa waxuu noqon karaa hogaamiyaha dalka ,waxaana umadii ku dhacay dhaqan dooris iyo in ayba farahooda ka baxdo awoodii wadankooda.

Waxaa la ogyahay in talada dalka Lubnaan ay maanta isku heystaan kooxo aan wax laga qaban karin sida Xizbullaah oo uu hogaamiyo hogaamiyaha Hasan Nasru laah oo iyaga laga maalgaliyo dalka Iiraan. waxaa la ogyahay in dalka Lubnaan 30% ay yahiin dad asalkooda ka soo jeeday dalka Siiriya maadama ay mudo 40 sano ka badan dalkaas joogeen 50 kun ku dhawaad ciidamo ka socda dalkaas Siiriya oo iyagu guursaday haween u dhashay dalka Lubnaan mudadii ay jogeen halkaas kadibna ka mid noqday shacabka Lubnaan siyasad ahan iyodhaqan ahaanba.

Hadaba maanta Soomaaliya waxaa ka socda amaba ka soo muuqda dhibaatooyin ay dareemi karaan dad yar oo aan maanta talada dalka iyo waxa socda waxbo ka qaban karin laakinse hadey aamusaan waxey ka dhigan tahay iney raali ka yahiin masiibada iyo bur burka dhaqan, diin, dalnimo ee ku soo wajahan dalka iyo dadka Soomaaliyeed.

Soomaaliya waxaa leysku raacay hadii la meel mariyo dastuurkaan dowlado iyo shirkado shisheeye ah kaka baxday malaayiinda dolar in dhawr bilood kadib dalka ay ku loolami doonaan quwado aysan Soomaalida waxbo ka qaban karin. waliba ansixintiisa waxa loo isticmaalayaa handadaad iyo dhaqaalo ka badan midkii lagu soo dhisay sida dad naftooda u baqaya oo Soomaali ah laga soo xigtay.

Inaksta oo la rajeynayo in beelaha Soomaaliyeed qaarkood waxkaradkooda ay muujin doonaan diidmo siiba beelahii iyo degaanadii aan bilaawgii sameynta dastuurkaan lagala tashan. dastuurkaan hadii magac rasmi ah loo bixiyo oo runta laga sheego cida sameysatay waa dowlado iyo shirkado shisheeye ah iyo reer Puntland oo kaliya laga dugsanayo magaca Soomaaliyeed,laakinse mustaqbalka mari doona meeshii ay maraan Soomaaliweyn oo dhibka Soomaaliweyn soo gaara iyaguna qeyb ayey ka ahaan doonaan.

Markaad la xariirto shacabka kunool Puntland waxey isku arkaan amaba kuu sheegayaan qaarkood iney siyaasad ahaan maanta dalka iyaga hogaamiyaan oo ay meel marin karaan waxkasta oo wanaag iyo xumaan ah halka ay qaarkood kuu sheegayaan in ilaah ka sokoow ay ku mahadinayaan madaxweyne Shiikh Shariif oo ay sheegayaan inuu siyaasada Puntland meel fiican gaarsiiyey mudadii uu joogay xafiiska.

Hadaba maxuu yahay faraqa u dhaxeeya dastuurkii 60-kii iyo kan maanta?

Dastuurkii 60-kii waxuu ahaa dastuur kusoo aaday xili ay dadku caafimaad qabeen wadaniyaduna heerka ay maanta joogto uu aad ugu wanaagsanaa. waxuu ahaa dastuur ay gacantooda kusoo dhiseen aqoonyahano Soomaaliyeed oo aan ku shaqeyneynin dhaqaalo ay bixinayaan shirkado.

Dastuurkaas waxkasta uu ahaan lahaaba waxuu meel mar noqday markii ay bulshada u codeysay min tuulo,degmo ilaa heer gobol oo bulshada afti laga qaaday.

Dastuurka cusub ee maanta la wado waxa ku baxay malaayiin dolar cida bixineysa dhaqaalahaas maxey tahay ujeedada ay ka leetahay? yey talada dalka Soomaaliya ka godaa? ma laga yaaba in sidii Soomaaliya iyagoo wada dhashay amaba ah dad xidid ah oo aan meelna ku kala hareyn loogu kala qeybiyey iney kala fadli badan yahiin oo ay wax ku qeybsadaan 4.5 in hadane dastuurkaan ay ku kala tagaan sidasina gumeysi rasmi ah ku galaan 100 sano ee soo socota?

Sikastaba dastuurkaan waa midkii ay ku kula tagi lahaayeen Soomaaliweyn hadii aan la helin ficilo dhab ah oo looga bad baadi karo gumeysi iyo in wadanka faraha ka baxo waxuuna xalka maanta ka dhaw yahay in baarlamanka hada jira go,aan cad la yimaadaan ileen dalka iyagaa iska leh mar hadii hogaankii kumeel gaarka ahaa ay fulinayaan amaba ka shaqeynayaan bur burka umada Soomaaliyeed.

Waa su'aal daweynee dalka yaa iska leh, ma shirkadaha malaayinta dolar ku bixinaya dastuurkaan mise Soomaalida maanta nool waxii dhintay waaba dhinteene? maxaadse kala socotaa dadka ugu horeeya ee ka qoomameyn doono hadii dastuurkaan la ansaxiyo.

1- Culimada Soomaaliyeed maadama ay waajib ku tahay waxii muran dhaliya oo dalkooda ku saabsan amab bulshadooda wax u dhimaya iney ka hadlaan oo ay xitaa si diiniyan ah bulshada ugu sharaxaan.

2-Fanaaniinta ayaa ugu horeyn doono waa maskaxdii bulshada guubaabin laheyd marka uu dalku ku jiro bur burkaan oo kale.

3- Mediyaha Soomaalida oo qaarkood u muuqda kuwo la gatay ooba u ololeeynaya arintaan qatarteeda leh.

4- Saraakiisha ciidanka qeybahiisa kala duwan maadama ay yahiin difaacii dalka.

5- Aqoonyahada iyo siyaasiyiinta maanta uu ku jiro damaca ee doonaya iney mustaqbalka hogaamiyaan dalka.


6- Indheergarad amaba hogaamiyaasha qaabilka Soomaliyeed ee iyagu hada isku mashquulinaya ineyba dad u soo xulaan arintaan iyada ah.

7- Mudanayaasha baarlamaanka ee maanta jiro oo horey dalka godob uga galay iyagoo ansaxiyey Kampala Acord waxii ka soo baxay.

La soco maalmaha inagu soo aadan mowqifka beelaha Soomaaliyeed qaarkood ka aaminsan yahiiin dastuurkaan iyo banaan baxyo laga yaabo iney dalka ka dhacaan oo looga soo horjeedo arintaan.

Isha warka Hiiraan

Comments

No Comments have been Posted.

Post Comment

Please Login to Post a Comment.

Ratings

Rating is available to Members only.

Please login or register to vote.

No Ratings have been Posted.
Render time: 0.61 seconds
14,589,162 unique visits