Hidaha iyo dhaqanka

; ; ; ; ; ; ; ; ; ; ; ; ; ; ; ; ; ; ; ; ; ; ; ; ; ; ; ; ; ; ; ; ; ; ; ; ; ; ; ; ; ;

Users Online

· Guests Online: 6

· Members Online: 0

· Total Members: 189,964
· Newest Member: evokafr

Welcome

HS:-Mahiga oo afka furtay kadib markii uu ku fashilmay

Wararka MaantaHS:-Warar xaqiiqada u dhaw ayaa sheegaya in uu soo wajahay wal wal iyo murugo wakiilka QM, IGAD iyo shirkado shisheeye ah oo doonayey iney xoog ku ansaxiyaan dastuur aan ka imaan maskaxda iyo aqoonta bulshada Soomaaliyeed kuwooda maanta nool.

Qaramada Modoobay oo ku jahwareertay warbixino fara badan oo uu horey uga soo gudbiyey dalka Soomaaliya wakiilka QM Amb Mahiga ayaa ugu danbeyn Security Council-ka dhawr su'aalood oo muhiima ku weydiiyeen Mahiga sida.

1- Waxaa Mahiga la weydiiyey inuu baarlamaanka Soomaaliya soo marsiiyey shirarkaan uu maalinkasta sheego iney ka dhaceen Garoowe iyo Mogdishu si loo meel mariyo howlaha geedi socodka nabada loogu magac daray ee Raod Map-ka?.

2-Dastuurkaan hada la wado ma yahay mid ay Soomaalidu diyaar u tahay ansaxintiisa hada?

Sida lagu yaqaano shaqaalaha QM midoobay waxaa ka mabnuuc ah iney been sheegaan waxuuna Mahiga ku jawabay in uusan marnaba geeynin baarlamanka hortiisa dhamaan qodobadii iyo shirarkii dhacay waxii ka danbeeyey Kampala Acord.



QM ayaa si deg deg ah uga codsatay in uu baarlamanka hor geeyo waxkasta oo dalkaas ka dhaca oo shir ah. wararkii ugu danbeeyey ee naga soo gaaraya Mogdishu ayaa sheegaya in markii ay arimahaasi dhaceen oo dhan hal mar afka furteen Mahiga, IGAD iyo shirkado shisheeye ah oo dhaqaalo badan ku bixiyey ansixinta dastuurka cusub maadama ay doonayaan iney shidaal ka qotaan bada Soomaalida ee ku xeeran gobolka J/hoose.

Dabcan IGAD iyo Mahiga ayaa hadaladooda laga dhegahan karayaa kuwo ay caro ka muuqatay 24tii saac ee ugu danbeysay.hanjabaadyada bulshada Soomaaliyeed loo marsiinayo mediyaha amaba loo soo dhiibayo shaqsiyaad magaca oo kaliya Soomali ka ah ayaa ah sidii dalkooda loo faragelin lahaa looguna tumtan lahaa qaranimadooda, ayaa timid kadib markii la xaqiijiyey ku dhawaad 7 ka mid ah beelaha Soomaaliyeed ineysan diyaar u aheyn iney ansaxiyaan dastuurkaas halka beelaha qaarkood ayba go,aan adag qaateen oo ay talabo ka qaadayaan qofkii xitaa isku dayo inuu ku dhiirado ansaxinta dastuurkaan.

Sidoo kale beelaha Puntland qaarkood ayaa iyaguna lagu soo waramayaa in qaar ka mid ah ay bedeleen mowqifkoodii ay ku doonayeen iney danaha Puntland oo kaliya ilaaliyaan, waxaana waxgaradka qaar ka mid ah Puntland ay sheegayaan iney waajib tahay in aan leysku qaldin jiritaanka iyo midnimada Soomaaliyeed iyo rabitaanka C/wali Gaas iyo Faroole.



Inkasta oo aysan waxgaradkaan shir jaraa'id qaban oo ay ku cadeynayaan mowqifkooda hadane waxey leeyahiin ma dooneyno in aanu Soomaaliweyn ka noqono dugo camaar leh waayo ayey yiraahdeen Faroole iyo C/wali Gaas waa niman heysta dhalasho iyo baasabooro marka dastuurkaan la ansixiyana dalalkii ay ka yimaadeen dib ugu laabanayo marka bulshada Puntland ayey kula taliyeen ineysan hor boodin wax aysan Soomaaliweyn u dhameyn.

Jahwareerka ugu weyn ee hada jira waxaa la layahay dhaqaalahii lagu qaban lahaa goobtii uu shirku ka dhici lahaa maadama ay kooxahii u ololeynayey dastuurkaan cusub ee dalka Soomaaliya iney xaquuq ku yeeshaan u sahlaya shaqiyaad iyo shirkado dadaal ugu jira hirgalintiisa ay hakad galiyeen dhaqaalahii lagu sii wadi lahaa.

Laakinse marka waxaasi oo dhan meel leyska dhigo dastuurkaan ma noqonayo mid sida ay u buun buuninayaan Mahiga, IGAD iyo shirkadahii maalgaliyey u meel mara, waayo Soomaalida maanta nool badankood wey diideen taas ayaana keeneyso in ay kooxahii howshaan watay idaacadaha uga hanjabaan dad dalkoodii jooga oo aan cid kale ku duulin laguna qasbayo dastuur aan ku imaan rabitaankooda.



Dastuurkaan waxaa si toos ah iyo si dadbanba uga hor yimid dhamaan bulshada Soomaaliyeed marka laga reebo tiro yar oo uu ku jiro damac siyaasadeed iyo mid dhaqaalo.Mahiga oo dhawr bilood ka hor is lahaa xiliyadaan oo kale dastuurkaan xoog iyo xeelad ayaa lagu meel marinayaa si dalka ay xuquuq ugu yeeshaan dad dano fog ka leh dalka iyo dadka Soomaaliyeed xaalada aad ayey ugu xun tahay marka la eego howlaha xasaasiga ah ee horyaala meel marinta dastuurkaas muranka badan dhaliyey.

Su'aasha ugu danbeysa oo la doonayo iney qofkasta oo Soomali ah kuna abtirsada dalka iyo dadka Soomaaliyeed inuu isweydiiyo ayaa ah waxa dastuurkaan ansaxintiisa ugu wal walyaan dad aan Soomaali aheyn? Maxey tahay wanaaga iyo horumarka u muuqda Mahiga ee dastuurkaan laga helayo oo aan dadkii dalka u dhashay u muuqan?Maxaa loo hor geyn waayey hadii uu yahay mid jira dastuurkaan baarlamaanka jira ee dhisan?. Dalka Soomaaliyase ma yahy dal xor ah oo madaxbanaan.

Hadii aan isku dayno jawaabta saxda ah Soomaaliya dastuur cusub uma baahan waxaa dastuur cusub u baahan wadan sida koofurta Sudan oo kale dal cusub noqday Soomaaliya waxey leetahy dastuur diyaar ah oo afti looqaaday 1060-kii ayna gacantooda ku dhiseen aqoonyahano Soomaaliyeed ahn adastuur ku yimid rabitaanka bulshadii Soomaaliyeed ee xiligaas joogtay oo ay qaarkood wali nool yahiin.

Ugu danbeyn Soomaalida oo ah shacab aan guul guul iyo handadaad wax looga qaadin waxey isku diyaarinayaan iney dastuurkaas 100% daaqada ka tuuraan dibna loo sii heyto midkii 60-kii oo ah dastuurka kaliya ee afti dadweyne loo qaaday.

Isha warka Hiiraan State

Comments

No Comments have been Posted.

Post Comment

Please Login to Post a Comment.

Ratings

Rating is available to Members only.

Please login or register to vote.

No Ratings have been Posted.
Render time: 0.15 seconds
14,600,023 unique visits