Hidaha iyo dhaqanka

; ; ; ; ; ; ; ; ; ; ; ; ; ; ; ; ; ; ; ; ; ; ; ; ; ; ; ; ; ; ; ; ; ; ; ; ; ; ; ; ; ; ; ; ; ; ; ; ; ; ;

Users Online

· Guests Online: 2

· Members Online: 0

· Total Members: 189,964
· Newest Member: evokafr

Welcome

HS:-Shirkadahii dhaqaalaha ku bixiyey dastuurka cusub oo kul ataliyey madaxda

Wararka MaantaHS:- Kadib rajo beel badan oo laga muujinayo beelaha Soomaaliyeed oo la doonayo in looga faa'ideysto waqtiga adag iyo daruufaha ay ku jireen mudada fog ayaa dhibaato badan kadib hada waxaa miiska saran dastuur ay ku baxday ku dhawaad 70 Million oo dolar kaasi oo ay bixiyeen shirkado iyo shaqsiyaad dano fog ka leh dalka iyo dadka Soomaaliyeed ay gadaal ka riixayaan.

Dadka Soomaliyeed oo horaantii shagaashameeyadii badooda lagu shubay sun taasi oo aaqirkii sababtay in dhawr sano ka dib caruurta ku dhalaneyso dalka ay ku dhacaan cuduro iyadoo ay 15- kii sano ee ugu danbeeyey ay Soomaliya ku dhasheen caruur badan oo qaarkood ku dhasho buro amaba ku dhasha mucjisooyin badan.

Sidoo kale mudada fog ee uu dalku ku jiray qalalaasaha siyaasadeed waxaa jiray dowlado shisheeye ah oo hadba sidey doonaan ka yeela hogaamiyahii imaanayey ee dalka hogaankiisa nasiibka u yeeshey siiba dowladahii ugu danbeyey ee dhamaantood kumeel gaarka ahaa.

Waxaa taariikh mugdi ah iyo ayaan daro noqotay qorshahii loogu magac daray Kampala Acord oo maanta u sahlay in ay dalka iska soo galaan ciidamo shisheeye ah oo aysan jirin cid u fasaxday soo gelitaanka Soomaliya sida kuwa dowlada Ethiopia iyo Kenya, walow ay dowlado badan ceeb ku noqotay in dal dhan oo calan iyo madax banani lagu tuhmayo ay iska galaan ciidamo ka socda dal kale, waxana ugu danbeyntii ciidamadii Kenya loo bedelay Amisom.

Madaxweynaha Soomaliya Shiikh Shariif Shiikh Ahmed oo siyaabo kala duwan loo weydiiyey bal inuu wax badan ka fahamsan yahay shirkii Kampala Acord ayaa qiray inuusan fahamsaneyn Ilaa hada waxa la yiraahdo Kampala Acord iyo Roadmap midkoodna. hadaba waxaa isweydiin leh ma jiraa sideedaba qareen dhinaca sharciga kala taliya madaxweyne Shariif qatarta dalka iyo dadka Soomaaliyeed ku soo fool leh oo qaarkoodna dhibaatada umada ka soo gaartay la wada arkey inta badana ay dhici doonto marka la ansaxiyo dastuurkaan sida ay waxgarad badan oo Soomaliyeed aaminsan yahiin.

Baaritaan badan oo shaqsiyaadeed ayaanu ku ogaanay in madaxweyne Shariif uu jiro qareen la shaqeeya oo magaciisa lagu sheegay Avv. Abuukar kaasi oo mustaqbalka lagula xisaabtami doono waxkasta oo maanta dhibaato ah oo ay bulshadu kala kulmaan dastuurkaan cusub ee dalka Soomaliya qeyb ka mid ah u saamaxaya umado kale iney qataan, maadama aysan dastuurkaan ku qorneyn amaba aan lagu cadeyn xaduudaha Soomaliya hadey noqon laheyd bad amaba bari. qareenkaan dhinaca sharciyada kala taliya madaxweynaha ayaa lagu soo waramayaa in uu ka mid yahay qurba joogta Soomaliyeed ee ku nool dalka Ingiriiska kaasi oo beel ahaan ay isku famil yahiin madaxweynaha Soomaaliya ee maanta dalka ka taliya Shariif Shiikh Ahmed.

Inkasta oo shirkii maanta Mogdishu ka furmay ay inooga yimaadeen emailo xambaarsan sawiro oo intooda badan ka imaanayey shaqsiyaad u arka in waxa Mogdishu ka socda ay yahiin wax wanagsan hadane waxaa jira warar xaqiiqda u dhaw oo laga helayo kooxahii malaayiinta dolar ku bixiyey dastuurkaan cusub ayaa sheegaya in masuuliyiinta TFGda lagula taliyey iney marka ay mediyaha kala hadlayaan shacabka Soomaaliyeed hadalo mac macaan kula hadlaan inta lagu guda jiro ansaxinta dastuurkaan cusub oo siweyn loogu dhabar adeegayo sidii loo ansixin lahaa.

Ugu danbeyn madaxda dowlada oo cidiyaha iyo ilkaha ku dagaalamaya ayaa kor iyo hoos iyagu ka mid ah musharaxiinta Soomaaliyeed ee doorashada soo socota ee lagu wado iney dhacdo bartamaha sanadkani aynu ku jirno ayaa quul dareynayo iney ku guuleystaan tartankaas maadama ay dalka hogaankiisa la wareegi doonan wajiyo cusub, sida la hadal hayo.

Insha Warka Hiiraan State
webmaster@hiranstate.com
admin@hiranstate.net

Comments

No Comments have been Posted.

Post Comment

Please Login to Post a Comment.

Ratings

Rating is available to Members only.

Please login or register to vote.

No Ratings have been Posted.
Render time: 0.75 seconds
14,667,268 unique visits