Hidaha iyo dhaqanka

; ; ; ; ; ; ; ; ; ; ; ; ; ; ; ; ; ; ; ; ; ; ; ; ; ; ; ; ; ; ; ; ; ; ; ; ; ; ; ; ; ; ;

Users Online

· Guests Online: 4

· Members Online: 0

· Total Members: 189,964
· Newest Member: evokafr

Welcome

HS:-Masuuliyiintii Hiiraan State oo taageeray maamulk acusub ee Hiiraan

Wararka MaantaHS:- Tan iyo markii ay gacanta ku dhigeen maamulka cusub ee Hiiraan ka taliya dagaalka badana mudada ku soo jiray waxaa dibadaha ka socday shirar ay inta badan ku kulmayaan masuuliyiinta iyo taageerayashii ugu fir fircoonaa dowlad goboleedka Hiiraan ee Soomaaliya(Hiiraan State).

Xiriiro kala duwan iyo warar horu dhac ah oo naga soo gaaray masuuliyiinta Hiiraan State ayaa ugu danbeyn waxaa ka soo baxay in si buuxda loo taageero loolana shaqeeyo waxii qaldana laga toos toosiyo maamulka hada jira ee uu garwadeenka ka yahay madaxweynaha kumeel gaarka ah ee Hiiraan Cabdifataah Hasan Afrax.7 ka mid ah masuuliyiinta Hiiraan State ayaa lagu wadaa in ay dhawaan si buuxda u taageeraan mamulka cusub.

Hadaba waxaa inoo suuro gashay in aanu bal waxoogaa ka ogaano mid ka mid ah masuuliyiintii Hiiraan State ee maalmahan ka qeyb galay shirarkii ay yeelanayeen masuuliyiinta iyo taageerayaasha HS. Hasan Mohamed Ibraahim Hasan kaafi oo ka mid ahaa shaqsiyaadkii wax ka soo dhisay dowlad goboleedka Hiiraan State wakiilna ka ah inta badan masuuliyiinta Hiiraan State iyo taageerayaashooda ayaa inoo xaqiijiyey in la joogo waqtigii ay reer Hiiraan dantooda u midoobi lahaayeen si ay meesha uga baxdo loolanka micno darada ah ee siyaasadeed loona baahan yahay in maamulka hada jira si buuxda loola shaqeeyo fikirkaas oo ah midka hada miiska u saaran inta badan masuuliyiinta iyo taageerayaasha Hiiraan State.

Marka laga soo tago taageerada iyo fikirka ay masuuliyiinta HS ku taageerayaan maamulka cusub hadane marka xaalada dhinaca kale laga eego maamulka cusub ayaa laga dareemaya isbedel dhinaca siyaasada ah kadib markii ay bilaabeen la tashiga bulshada Hiiraan oo ay ugu horeeyaan waxgaradka ku sugan gudaha wadanka taasi oo aad u dhiiragalisay masuuliyiinta HS iney taageeraan amaba ugu yaraan ka shiraan sidii maamulkaan hada jira loo xoojin lahaa loona dhiiragalin lahaa.

Hadii arintaan sida ay wax ku wadaan masuuliyiinta Hiiraan State ay u dhabowdo waxaa meesha ka baxaya fikir kala duwanaantii siyaasadeed ee ka jirtay bulshada Hiiraan dhexdooda maamulka hada jirane waxey u noqoneysaa dhiiragalin aad u weyn taasi oo soo dedejineyso in ay bulshadu danta guud isku si u wada arkaan oo ay meesha ka baxayso nin jecleysiga iyo siyasadahii intooda badan ku dhisnaa aan wax noqdo aniga iyo wax la mid ah.

Arintaan ku soo biirtay siyaasada Hiiraan ee ay ku doonayaan in ay masuuliyiinta HS iyo taageerayaashooduba si buuxda u taageeraan amaba ula shaqeyaan maamulka cusub ayaa lag ayaabaa iney soo dedejiso inba wafti ka socda HS ay u baqoolaan Hiiraan si ay taageero dhinackasta leh ugu fidiyaan maamulka cusub.

Sida muuqata reer Hiiraan ayaa u muuqda kuwo dantooda u midoobaya si ay bulshadu uga hor tagaan kooxahaan maalinba shaati cusub inta bulshada u soo gashada ku barakiciya, inkasta oo ay mamulka cusub iyo dhamaan bulshada reer Hiiraan hada soo jeedaan oo ay waxkasta dusha kala socdaan mudooyinkii ugu danbeeyey tan iyo markii uu maamulka cusub la wareegay gacan ku heynta caasimada Hiiraan ee Belet Weyn.

Isku soo duuboo masuulkaan ka tirsanaa maamulka Hiiraan State Hasan Mohamed Ibraahim(H kaafi) ayaa rajo weyn ka muujiyey hadii masuuliyiinta HS taageero dhinackasta leh u fidiyaan maamulka cusub in ay wax badan isbedeli doonaan dhawaana la qaban doono shirweyne ay masuuliyiinta HS si buuxda ugu taageerayaan maamulkaan cusub ee hada ka arimiya Hiiraan.

La soco wararkeena danbe
Insha Warka Hiiraan State
webmaster@hiranstate.com
admin@hiranstate.net

Comments

#1 | beagese on May 19 2012 09:50:57
Patricia Discipline, cheap oakley sunglasses apparel developer along with stylist “Her tunes embodied that will years. Bouncing along with drug treatments, all this gone jointly as being a lovely greens. My spouse and i ended up being certainly not that will hefty a new substance individual. Nevertheless popcorn poppers My spouse and i employed to get pleasure from while i ended up being for the party floorboards taking pictures to the megastars. My spouse and i ended up being developing a upset bond which has a female referred to as Dorothy that will lasted 12 months . 5. oakley sunglasses sale We’d check out 12 Western side jointly along with party and have missing. Many of us liked ‘Love for you to Enjoy Anyone Newborn. ’ ”http://www.cheapoakleysunglassess.co.uk/
http://www.cheapoakleysunglassess.co.uk/.

Post Comment

Please Login to Post a Comment.

Ratings

Rating is available to Members only.

Please login or register to vote.

No Ratings have been Posted.
Render time: 0.16 seconds
14,605,662 unique visits