Hidaha iyo dhaqanka

; ; ; ; ; ; ; ; ; ; ; ; ; ; ; ; ; ; ; ; ; ; ; ; ; ; ; ; ; ; ; ; ; ; ; ; ; ; ; ; ; ;

Users Online

· Guests Online: 7

· Members Online: 1
liyijing46

· Total Members: 189,964
· Newest Member: evokafr

Welcome

HS:- HS:-Maamulka Hiiraan oo si nabad ah ula wareegay degmada Maxaas.

Wararka MaantaHS:- Dadaalo badan iyo kulamo isdeba joog ah oo maalmahani ka socday Hiiraan ayna soo abaabuleen waxgarad iyo culimaa'udiin ka soo jeeda degaanka Maxaas ayaa ugu danbeyn lagu guuleystay in ay degmada si nabad ah ula wareegaan maamulka ka arimiya Hiiraan.

Sida lagu helayo warar xaqiiqda u dhaw waxaa degmada ku sugan waxgarad iyo ciidamo daacad u ah maamulka Cusub ee Hiiraan oo aad u hubeysan kadib markii ay ciidamadii horey ugu kala sugnaa daafaha magaalada ee ka kala socday Ahalusuna Galgaduud iyo Shabaab ay iskaka baxeen halkaas.

Degmada Maxaas oo dhawaan loo magacaabay gudoomiye iyo maamul cusub ayaa waxey meesha arintaani si rasmi ah uga saareysaa hamigii uu ku doonayey inuu degmada Maxaas kula wareego Gudoomiyaha gudiga fulinta Ahalusuna Galgaduud Mr Xeefoow oo mudo ku riyoonayey inuu degmada Maxaas ku qabsado magaca kooxda Ahalusuna oo ah koox ku dhisan qaab qabiil.

Dhinaca kale gudoomiyahii Ahalusuna Hiiraan Aden Cabdulle Cawaale ayaa lagu soo waramayaa inuu arintaan wax ka ogyahay kadib markii ay isku dhaceen Ahalusuna Galgaduud oo dib ugu soo celin waayeen 7 baabuur oo kuwa dagaal ah oo yaala Tuulada Guriceel in mudo ah, kadib markii uu halkaasi geeyey gudoomiyahii maxkamadaha Islamiga gobolka Hiiraan Cabdiraxmaan Ibraahim Macow sidaasina gawaaridaas ku xalaaleysteen kooxdaan ku hamineysay iney Maxaas ku qabsadaan magaca Ahalusuna.

Inta badan ciidamadii Ahalusuna Galgaduud ee difaaca ugu jiray Maxaas waxaa ka soo baxay ciidamadii degaan ahaan ka soo jeeday Hiiraan sidaasina waxaa ugu suuro gashay maamulka cusub inuu la wareego magaalada dhib la,aan.

Aaden Cabdulle Cawaale oo mudo ciidamada Hiiraan ku mada daalinayey inuu keeni doono gawaarida yaala Tuulada Guriceel ayaa hada waxuu ku jiraa labo daran mid dooro.

1- Inuu ku biiro maamulka cusub ee Hiiraan 2- Inuu hubkaas tiknikada ah ka keeno Guriceel amaba sheego in xoog looga heysto iyo in kale.

Sikastaba waxaan rajo badan laga qabin in ay kooxda Ahalusuna magacaan ku qabsadaan degmada Maxaas amaba meel ka mid ah dhulka Hiiraan, waxaana laga yabaa baa la leeyahay in ay dhexda u galaan ciidamada Shabaab ee ku sugan degamda Moqokori iyo ciidankaan hada la wareegay degmada Maxaas ee ka socda maamulka Hiiraan maadaama inta badan shacabka Hiiraan aysanba aaminsaneyn wax la yiraahdo Ahalusuna laakinse Shabaab u arkaan koox ku socota mabda, laakinse kooxdaan kale loo arko koox dooneysa iney xukunka ka tuuraan TFGda hada jirta oo gursi doon ah kuna dhisan dano qabiil iyo wax la mid ah.

La soco wararkeena danbe iyo Hiiraan
Insha Warka Hiiraan State
webmaster@hiranstate.com
admin@hiranstate.net



Comments

#1 | sicid cirole on May 17 2012 02:18:28
meeshan habargidir thinks they can take hiiraan by storm, laakin they can keep dreaming kkkkkkkk xawadle is the administration in hiiraan and will for ever be the administration in hiiraan, XAWADLE HANOLADO!!!!!!!!!!!

Post Comment

Please Login to Post a Comment.

Ratings

Rating is available to Members only.

Please login or register to vote.

No Ratings have been Posted.
Render time: 0.18 seconds
14,599,779 unique visits