Hidaha iyo dhaqanka

; ; ; ; ; ; ; ; ; ; ; ; ; ; ; ; ; ; ; ; ; ; ; ; ; ; ; ; ; ; ; ; ; ; ; ; ; ; ; ;

Users Online

· Guests Online: 2

· Members Online: 0

· Total Members: 189,964
· Newest Member: evokafr

Welcome

Musharaxa madaxweynanimada Somaliya 2011 Prof. Ahmed M Warfaa.

Wararka MaantaShirar badan iyo watatashi dheer oo mudo u socday aqoonyahano, waxgarad, dhaliyaro rag iyo dumarba leh oo Somaliyeed ayaa leysku raacay inuu noqdo Prof, Ahmed Muumin Warfaa musharaxa jagada madaxweynenimada Somaliya 2011.



Prof. Warfaa iyo wafti uu hogaaminayo ayaa waxey Isbuuca inagu soo aadan ka duulayaan magaalada Salt Lake City iyagoo ku sii jeeda Goobta lagu wado inuu ka dhaco shirweynaha oo ah magaalada Minnapolis ee gobolka MN.

Prof. Ahmed M Warfa waa aqoonyahan Somaliyeed waxuuna caan ku ahaa waligii cadaalada oo umada Somaliyeed isku si ayuu ula dhaqmi jiray xiligii uu baraha amaba macalinka ka ahaa Jaamacadii umada Somaliyeed.

Waligii aradey uu wax baro ma siin waxii uu la yimid wax ka badan amaba ka yar taas oo ah cadaalad mida ugu wanaagsan ee qof muslin ah laga doonayo. Dad badan oo Somaliyeed ayaa aaminsan in la joogo xiligii uu Prof-ka iyo aqoonyahano kaleba ay wadankii ay canshuurtiisa wax ku soo barteen dib ugu laabtaan oo ay shacabka Somaliyeed hogaanka u qabtaan si jiilka danbe ee dhalan doona ugu tagaan mustaqbal iyo nolol tayo leh oo dhaanta mida ay shacabku maanta ku jiraan.
Prof Ahmed M. Warfaa waxuu qoray in ka badan 85 buug oo aad maanta ka heli karto maktabadaha ugu waaweyn aduunyada. Somali badan waxey ku xasuustaan Buugii ka hadlayey Jicibka oo ah geed mirood ka baxa dalkeenii hooyo gaar ahaan Hiiraan iyo qeybo ka mid ah Mudug.



Mudada uu shirku socdo waxaa waftiga iyo marti sharaftaba diyaar ugu ah garoonka diyaaradaha Hiiraan Limo oo ah shirkada iyadu Prof Warfaa iyo waftigiisa diyaarka ugu ah halkaas.

Waxaana lagala xariiri karaa

Sabraa:- 612-532-0260 Hiran Limo.
Ciwaanka iyo meesha uu shirku ka dhacayo ka daalaco kor.




Bahda Hiranstate.com waxey si joogto ah u soo gudbin doonaan hadba heerka uu joogo shirarka iyo socdaalka musharaxa madaxweynimada Somaliya Prof Warfaa.

webmaster@hiranstate.com
admin@hiranstate.net

Comments

#1 | Ali on January 21 2011 12:52:43
Wax badan baanu ku sugeynay Prof. Ahmadow

Good news for all Somalian's

Ali
USA
#2 | SAMAJECEL on January 21 2011 13:25:40
taageero buuxda ayaan la garab taaganhay prof warfaa, waana nin ummadda wax ku tari kara hiil iyo hooba, saa intaba cilmigaa xambaarsan.

I hope he win and becomes president, he is good for the job.
#3 | CABDALLKA on January 21 2011 14:16:10
WAAW MASHA ALLAH PROF WARFAA AAD BAAN KUGU MAHAD CELINEYNAA SIDA WANAAGSAN EE AAD WAX U WADO PLZ FIKIRKAAGANA KU BIIRI DOWLADA HIIRAAN STATE MAADAAMA AAD TAHAY NIN AQOON LEH OO DADKISA IYO DALKIISA WAX TARI KARO. AAD BANA KUU SALAAMAYA
#4 | JALALAQSI STATE on January 21 2011 15:03:42
waagarab taagannahay Prof.WARFAA waxaana urajaynaynaa GUUL Balaaran
#5 | Omar Yusuf MN USA on January 21 2011 15:56:50
Waa waqti aan u baahanahay aqoonyahankaan Soomaliyeed, waxaan hubaa hadii Somalinimo wax lagu dooranaayo inuu jirin nin kamudan
#6 | Salwa Cabdile on January 21 2011 16:21:06
Si wanaagsan baan u xasuustaa Professorka xiligii uu jamicada umada macalinka ka ahaa. wadani haduu jiro walee wuu yahay.

Pr. Warfa Somali midnimadeeda isku raadi waliba degaanada yada ka biloow Somaliland, Somali kalama tagi kadho waa umad qudha waa hooyo iyo aabe.

S. Cabdille
#7 | Muna on January 21 2011 20:29:17
Maasha Allah waa waxaan sugeeynay Hiiraan waa maalinteeynii anaganah xaq u leh illeeyn maalintii eey Somaliya ka dhacday dagaalka anaga hadaan nahay reer Hiiraan waa tii aan raadineeynay nabada Somaliyee waa tii reer Hiiraan wixii HUB ahaa ay ku wareejiyeen UN marka maanta waa nabadii aan dooneeynay in aad ku maamulno Somaliya marka waxaan u soo istaagnay hada oo waxaan u leenahay xaq Madaxweeynimada Somaliyeed in aa u soo istaag naa Xaqeena illeyn waa maalinteeynii aan xaqa u laheeyn marka waxan Illahay ooga baryeeynaa PROFESSOR Warfaa waa u qalantaa Dhinac Kastaa oo looga bahanyahay wuu u QALMA PRO WARFA waxaan Illahay kaga baryeeynaa in aad ku guleeysta hadii eey Kheeyr kuu tahay Amiin amiin amiin yarabi yaa raxmaan Wabillahi toowfiiq
#8 | foos on January 21 2011 21:23:58
waa taariiq lama ilaawaan ah hadii professorka alle kuguuleeyo guul guul insha allahu guul hadaad usoo istaagtay inaad madaxwayne noqoto adiigoo reer Hiiraan ah.
#9 | C/DIR MUUMIN IBRAHIN U.S.A on January 22 2011 02:18:38
warfaa waad u qalantaa hogaanka sare ee dalka e ilaahey ha kuu fududeeyo waana ku taakernsanay lakin sidee ka yeele sheyaadinta joogto dalkii
#10 | AJ on January 22 2011 16:37:29
Prof. Warfa or Cappelleti, he used teach Botanica systematica in facolta di agraria in Somalia. I remember his style of teaching, which I don't want to discuss here....

Post Comment

Please Login to Post a Comment.

Ratings

Rating is available to Members only.

Please login or register to vote.

No Ratings have been Posted.
Render time: 0.52 seconds
14,569,601 unique visits