Hidaha iyo dhaqanka

; ; ; ; ; ; ; ; ; ; ; ; ; ; ; ; ; ; ; ; ; ; ; ; ; ; ; ; ; ; ; ; ; ; ; ; ; ; ; ;

Users Online

· Guests Online: 3

· Members Online: 0

· Total Members: 189,964
· Newest Member: evokafr

Welcome

HS:- Dowladaha Mareykanka iyo Yurub oo qodobo qasab ah u dhiibay saxiixayaashii Roadmapka kadib

Wararka MaantaHS:- Kadib kulan maalmahan uga socday dalka Ethiopia ragii la baxay saxiixayaasha kuwaasi oo doonayey iney shirkaas ka soo saaraan qodobo u muuqaal eg kuwii Kampala oo kale si waqtiga loogu daro TFGda hada jirta ayaa ugu danbeyn waxaa arintii waxan jirin ka dhigay dowladaha waaweyn ee maanta dusha sare ka maamula siyaasadaha qariban ee qaarada Africa.

Marka la eego qodobada ay ku dhawaaqeen amaba ka soo baxay shirka iyo waxa ay meeshaas ka filayeen labada Shariif iyo madaxweynaha Puntland wax isku dhaw maahan. waxaan shaki ku jirin in ay si rasmi ah ugu dhamaatay mustaqbalkooda siyaasadeed dhamaan ragii la baxay saxiixayaasha iyo dhameystirka Roadmapka maadaama aysan la heysan meelaha siyaasada Soomaaliya maanta laga hago taasi oo meesh aka saartay iney u fulaan qorshahii gaarka ahaa ee ay iyagu wateen.

Hadaba bal aanu dul marno sidey wax u dhaceen iyo isbedelada deg deg ah ee ku yimid shirkii Addis Ababa.

Marka hore waxaan shaki ku jirin in ay gabi haaan fashilantay siyaasadii guud ee labda Shariif walow ay isku dayayaan iney galaaftaan rag kale oo uu ku jiro damac siyaasadeed oo ka mid ah TFgda qaarne ay horboodaan maamulada ka jira dalka qaarkood. culeysyada siyaasadeed ee Shiikh Shariif ku habsaday waxaa ka mid ah in dhamaanba laga jaray dhaqaalahii uu ka heli jiray beesha caalamka kadib markii uu ku dhawaaqay inuu yahay musharax. sidoo kale siyaasadiisa ugu badan ma ahan mid la heysata dunida inteeda kale waa mid aan dhaafsiisneyn geeska Africa.

Arinta kale ee hada soo dedejisay arimahan dhan ayaa ah kadib markii ay arimaha siyaasada Soomaaliya miisaan culus ku yeesheen qaar ka mid ah raga u tartamaya hogaanka Soomaaliya sanadkani aynu ku jirno. sidoo kale Shiikh Shariif iyo TFgda hada jirta ayaa lumiyeen kalsooni badan oo ay u muujisay dowlada Turkiga oo iyadu hada dareensan in aysan dalka Soomaaliya ka jirin xukumad heysata taageero shacab marka laga reebo koox saxiixayaal la baxay oo hadba wadan hor leh oo geeska Africa ka tirsan iskugu taga.

Isku soo duuboo marka la eego qodobada ka soo baxay shirka Addis rajo badan lagama qabo in ay saxada siyaasada Soomaaliya ku sii jiraan labada Shariif walow ay isbedeli karaan rag hada ku fikir ah iyaga maadaama aysan suuro galeyn qodobada loo soo dhiibay marka la eego waqtiga u haray iyo sida aysan kalsooni ugu qabin bulshada Soomaaliyeed.

Dhawr isbuuc kadibna waxaa ku xigta ragani waa musharaxiin cidna sooma xuli karaan .........

La soco wararkeena danbe iyo waxa looga hadli doono shirka ka dhici doono Turkiga

Isha warka Hiiraan State
webmaster@hiranstate.com
admin@hiranstate.net

Comments

No Comments have been Posted.

Post Comment

Please Login to Post a Comment.

Ratings

Rating is available to Members only.

Please login or register to vote.

No Ratings have been Posted.
Render time: 0.61 seconds
14,569,543 unique visits