Hidaha iyo dhaqanka

; ; ; ; ; ; ; ; ; ; ; ; ; ; ; ; ; ; ; ; ; ; ; ; ; ; ; ; ; ; ; ; ; ; ; ; ; ; ; ; ; ; ; ; ; ; ; ; ; ; ;

Users Online

· Guests Online: 7

· Members Online: 1
leslieea11

· Total Members: 189,964
· Newest Member: evokafr

Welcome

HS:-HS: –Ciidamo ka socda dalka Jabouti ayaa maanta ka degay garoonka diyaaradaha Ugaas Khaliif ee magaalada Belet Weyne

Wararka MaantaHS: –Ciidamo ka socda dalka Jabouti ayaa maanta ka degay garoonka diyaaradaha Ugaas Khaliif ee magaalada Belet Weyne, ciidamadan oo dalka Soomaaliya ku jooga magaca IGAD inkasta oo ay ilaalinayaan danaha dalkooda maadaama wadamada safka hore ay dhamaantood ka siman yahiin in uu dalka Soomaaliya ku jiro bur burkaan malaayiin dolarna ka soo kasho bur burka dalka Soomaaliya hadane dowlada jabouti waxey ka mid tahay dowladahii shirkii dhawaan ka dhacay dalka Ethiopia oo ay iskugu tageen kooxdii saxiixayaasha la baxday u ololeyneysay sidii TFGda hada jirta waqti dheeri ah loogu dari lahaa taasi oo muujineyso iney siyaasada Soomaaliya maanta ka jirto ay dhinac la safan yahiin.



Ciidamada Jabouti ee maanta gaaray Hiiraan ayaa siweyn loogu soo dhaweeyey caasimada Hiiraan ee Belet Weyne kadib markii ay garoonka diyaaradaha ku soo dhaweeyeen masuuliyiinta ugu sareysa mamulka ka taliya Hiiraan.Sidoo kale waxaa kale oo ciidamada Jaboutu soo dhaweeyey qeybaha kala duwan ee bulshada Hiiraan oo ay ugu horeeyaan waxgaradka

Dadka ku dhaqan magaalada Belet Weyne ayaa siweyn u hadal haya imaashaha ciidamada dalka Jabuuti oo aragtiyo kala duwan laga ka bixinayo, waxaana muuqata in dadka intiisa badan ay siweyn u soo dhaweynayaan ciidamada Jabuuti oo ay leeyihiin waa kuwo ugu yaraan aan isku fahmi karno dhinaca luuqadda laakinse wax intaas dhaafsiisan lagama filan karo ciidamada Jabouti marka laga hadlayo dhinaca siyaasada hadii ay noqdaan ciidamo si toos ah ugu amar qaata shaqsiyaad Soomaali ah oo danahooda siyaasadeed si ay u gaaraan ciidamadan Jabouti uga faa'ideysta bulshada waxaa xaqiiqo ah iney dhulka Hiiraan ugu bixi doonaan sidii ay uga baxeen ciidamadii UNISOM ee ka socday dowlada Taliyaaniga horaantii sagaashameeyadii oo xiligaas iyagoo u shaqeynayo Jeneral Ceydiid xerada Lama Galaay ku gubay dhamaan hubkii ay lahaayeen reer Hiiraan si ay u wiiqaan awooda ciidamada Hiiraan sidaasna lagu qabsaday gobolka.



Maamulka ka arimiya Hiiraan ayaa looga fadhiyaa sidii ay arimaha qarkood dhinackasta ugu fiirin lahaayeen maadaama madaxweynaha Jabouti waayadii danbe uusan arimaha Soomaaliya dhax dhaxaad ka aheyn oo uu ku shaqeeyo siyaasado u jan jeera hal dhinac, taasi oo sababi karta in ay ciidamada Jabouti ku dhiiradaan iney Hiiraan ka fuliyaan wax yaabo ka baxsan howlaha ay IGAD u joogto Soomaaliya ee ah la dagalanka kooxaha mayelka adag.

Marka laga soo tago in dowlada iyo shacabka Jabouti aanu walaalo nahay hadane siyaasadaha dalka Soomaaliya ka jira maanta waa mid jahwareerkooda leh hogaamiyaasha Africa qaarkood iyo kuwa caalamka intiisa kalena waxey siyaasada Soomaaliya ugu milmeen si aan caadi aheyn si ay ugu yaraan ugu macaashaan bur burka iyodhibaatada 21 jirsatay ee la hartay dalka iyo dadka Soomaaliyeed.



Laakinse inta badan bulshada Hiiraan ayaa leh bal ha laga war dhoowro ee yaan laga hor dhicin inta laga arkayo iyagoo faraha la galayo arimaha u gaarka ah reer Hiiraan iyo qorshaha ay ku doonayaan bulshada iney ku sameystaan maamul goboleed dhawaantan ay ka soo faragashanayaan.

Isku soo duuboo ciidamada Jabouti maanta waxey Hiiraan kala kulmeen soo dhaweyn aan caadi aheyn inkasta oo aan la ogeyn mustaqbalka halka xaalkooda ku danbeyn doono maadaama lagula dhaqmi dono hadba dabeecadii ay la yimaadaan, hadii ay arimaha Hiiraan gudaheeda banaanka ka joogaan waa macquul in iyaga iyo reer Hiiraan wada shaqeeyn dhax marto hadiise ay iyagoo fulinayo dano iyo siyaasado ka yimid qaar Soomaalida kale ka mid ah lagu arko waxaa xaqiiqo ah in aysan xaaladu sidan ahaaneyn, waayo dhibaato kasta oo lagala kulmo ciidamada dowlada Ethiopia ee halkaasi jooga waa mid markasta la filan karay oo Ethiopia iyo Soomaaliya waligood dhinaca siyaasada wey ku kala duwanaayeen oo waliba dagaalo badan ayaa dhex maray labada dal, laakinse dowlada Jabouti sida ay bulshada Hiiraan u leeyahiin waa walaalaheen waxaa macquul ah iney sidii ciidamadii ka socday dowlada Taliyaaniga ay bulshada ula dhaqmaan oo si sahlan hubkooda u gubaan.



Wanaaga ciidamada Jabouti laga filan karo waa kaliya ineysan faraha la galin arimaha u gaarka ah reer Hiiraan maadaama dalka Soomaaliya shacabkoodu maanta ku dhisan yahiin degaan iyo qabiil oo ay daaqada ka baxday qaranimadii iyo Soomaalinimadii ka dhaxeyn jirtay bulshada inta taas ka soo laabaneyso waa lama huraan in aysan ciidamada Jabouti faraha la galin arimo siyaasadeed ayuu yiri mid ka mid ah waxgaradka reer Hiiraan ee maanta ciidamada wax ka soo dhaweeyey.

La soco wararkeena danbe iyo howlaha ay dowlada Jabouti u joogto Hiiraan iyo sidey bulshada ula dhaqmaan.

Isha warka Hiiraan State
webmaster@hiranstate.com
admin@hiranstate.net

Comments

No Comments have been Posted.

Post Comment

Please Login to Post a Comment.

Ratings

Rating is available to Members only.

Please login or register to vote.

No Ratings have been Posted.
Render time: 1.77 seconds
14,666,428 unique visits