Hidaha iyo dhaqanka

; ; ; ; ; ; ; ; ; ; ; ; ; ; ; ; ; ; ; ; ; ; ; ; ; ; ; ; ; ; ; ; ; ; ; ; ; ; ; ;

Users Online

· Guests Online: 5

· Members Online: 0

· Total Members: 189,964
· Newest Member: evokafr

Welcome

HS:- Shirkii Istanbul oo la soo gabo gabeeyey

Wararka MaantaHS:- Shirkii maalmahan uga socday Soomaalida iyo beesha caalamka oo ay marti galiyeen dowlada Turkiga ayaa ugu danbeyn la soo gabo gabeeyey iyadoo laga soo saaray qodobo intooda badan rajo galinaya in ay Soomaaliya ka baxdo xiliga kumeel gaarka iyo gumeysiga madow ee ka dilaacay geeska Africa oo umada Soomaaliyeed mudo fog ku hayey dowlado kumeel gaar ah.



Inkasta oo ay siyaasad ahaan darbi kasta soo taabteen ragii la baxay saxiixayaasha hadane waxey cararaanba siyaasadii Soomaaliya maanta waxey ula siman yahiin Soomaalida kale waliba iyaga waxaa u dheer waxkasta oo ay horey u saxiixeen fulintooda ayaa laga rabaa.

Durbaba markii shirka soo gabogaboobay qodobadiina la soo bandhigay ma noqon kuwo farxad galiyey dowldaha safka hore iyo ragii la baxay saxiixayaasha maadaama ay sidii hore ku qanacsanaayeen.

Qodobada oo dheeraa awadood kuwooda ugu muhiimsan waa in dalka Soomaaliya ka baxayo kumeel gaarka dalka Soomaaliyana uu yeelan doono dowlad rasmi ah dowlada hada jirtane aan wax dhaqaalo ah oo danbe gacanteeda la galineyn howshaasina ay qabanayaa gudi gaar ah si loo xaqiijiyo in ay dhaqaalaha Soomaaliya loogu deeqo ee loogu talo galay dib u dhiska ay mareen meeshii loogu tala galay.

Sikastaba Soomaaliya waxaa ka soo muuqda rajo weyn iyadoona markaad hada eegto qaabka ay wax u socdaan bulshadii bilaabeen iney ku tartamaan sidii ay u nabadeysan laheyd degaankeeda.



Dowlada Turkiga oo ah dowlad weyn siyaasad ahaana ka mid ah dowladaha ugu ciidamada badan dunida kana mid ah wadamada ku bahoobay Nato ayaa geed dheer iyo mid gaabanba u fuushay sidii ay umada Soomaaliyeed u noqon laheyd umad jirta oo laga xoreeyo dhawr dowladood oo ka dilaacay bariga Africa oo iyagu sidey doonaan ka yeeli jiray shaqsiyaad la baxay saxiixayaal u muuqda kuwo ka dhacsan siyaasadaha iyo isbedelada dunida ka socda maanta.

Ugu danbeyn madaama la rumeysan yahay in aysan waqtiga ku harsan TFGda ku dhameystiri karin howlaha horyaala marka la eego sidey u kala socdaan kooxda saxiixayaasha la baxday oo dhamaantood wada musharaxiin ah, r/wasaarahii hore ee Soomaaliya Farmaajana ku sheegay koox ciyaartooy ah oo hadane wataan garsoorahooda oo uu ula jeeday Mahiga, ayaa iyagu u muuqdo kuwa meel cidlo ah ka soo istaagayo siyaasadaha ka soo iftiimayo dalka Soomaaliya maadama ay u badan tahay iney wajiyo cusub yimaadaan min baarlamaan ilaa madaxweyne horaanta bisha 8aad ee sanadkan.



Marka la eego shirkii maanta qodobada ka soo baxay waxey u muuqataa laga bilaabo maanta in musharaxiinta ololahooda meelkasta ka bilaabi karaan oo ay isku diyaarinayaan doorasho maadaama dalka Soomaaliya ka baxayo kumeel gaarka oo doorasho lagu qasban yahay.







Isha warka Hiiraan State
webmaster@hiranstte.com
admin@hiranstate.net

Comments

No Comments have been Posted.

Post Comment

Please Login to Post a Comment.

Ratings

Rating is available to Members only.

Please login or register to vote.

No Ratings have been Posted.
Render time: 0.17 seconds
14,569,755 unique visits