Hidaha iyo dhaqanka

; ; ; ; ; ; ; ; ; ; ; ; ; ; ; ; ; ; ; ; ; ; ; ; ; ; ; ; ; ; ; ; ; ; ; ; ; ; ; ;

Users Online

· Guests Online: 6

· Members Online: 0

· Total Members: 189,964
· Newest Member: evokafr

Welcome

HS:- Qaar ka mid ah beeraha Hiiraan

Wararka MaantaHS:- Inta aanan u guda galin ka hadalka dhulka iyo beeraha Hiiraan, dadka Hiiraan ma ahan dad faan badan waana umad markasta ku faraxsan dhulkooda iyo hadba waxii ay markaasi heystaan oo ilaah ugu deeqo.




Hiiraan oo dhawr bilood ka hor ku jirtay marxalad iskugu jirtay colaad iyo qurbajoogtii u dhalatay degaan oon dib ugu laaban kana soo hayaameen dadkii bulshada indhaha u ahaa sida waxgaradka, aqoonyahanada, culimada kuwooda nadiifkaa iyo waliba dhalinyaradii magaalada camiri jirtay, hadane markaad maanta xaalada dhinaca kale ka eegto Hiiraan siiba magaalada Belet Weyne waxey ka dhaq dhaqaaq badan tahay degaano badan oo mushkilada Hiiraan laga maleegi jiray sanadahii ugu danbeeyey.



Hadaba war yaanan kugu daaline ka bogo muuqaalka beeraha Hiiraan dibna u laabo hadaad tahay muwaadin reer Hiiraan ah oo mudo ku noolaa qurbaha xaaladu hada sidii hore maahan oo dalka Soomaaliya maanta waxaa ka jira ninba ceesaantii ceel geysay amaba hadaan si kale u dhigno bulsho kastooy degaankaada habeyso wanaagna u horseed umadaada.



Hiiraan maanta horumarka ka jira maahan oo kaliya beeraha ee waxaa jira mashaariic fara badan oo laga fulinayo sida schoolo wax barasho oo laga hirgalinayo dhamaan magaalooyinka iyo tuulooyinka Hiiraan mana jirto Hayado ay dadku isku haleynayaan amaba ay uga fadhiyaan wax qabad iyagaa howshooda fushanaya oo u tashanaya dhulkooda iyo degaankooda.

Ugu danbeyn Hiiraan ku dalxiis macaanaa duunyo dhaqasho wacanaa la soco dhawaan waxaanu ka hadli doonaa geed jicibeedka oo hada ku jira xiligii ugu wanaagsanaa. Hiiraan waxey ka kooban tahay dhul 3 qeybood ah Dulo, Labar amaba goowraar iyo Dooxo oo ah dhulka wabiga u dhaw.



Soomaalida maanta nool waxey u kala jabeen dad dhulkooda aaminsan colaad,nabad ,midnimo iyo Soomaalinimona diyaar u ah iyo koox waraaqo lagu sheegay dastuur qabyo qoraal ah horey iyo gadaal diyaarad ula raacaa si ay ugu yaraan sad bursi u helaan waase hadey u martee.

Isha warka Hiiraan State
webmaster@hiranstate.com
admin@hiranstate.net

Comments

No Comments have been Posted.

Post Comment

Please Login to Post a Comment.

Ratings

Rating is available to Members only.

Please login or register to vote.

No Ratings have been Posted.
Render time: 0.15 seconds
14,569,509 unique visits