Hidaha iyo dhaqanka

; ; ; ; ; ; ; ; ; ; ; ; ; ; ; ; ; ; ; ; ; ; ; ; ; ; ; ; ; ; ; ; ; ; ; ; ; ; ; ; ; ;

Users Online

· Guests Online: 5

· Members Online: 0

· Total Members: 189,964
· Newest Member: evokafr

Welcome

HS:-Wakiilkii Ugaaska beesha Xawaadle u wakiishay arimaha siyaasada Faarax Ugaas Muumin oo isagane ku sii wareejiyey walaalkiis Xildhibaan Cumar Ugaas Muumin

Wararka MaantaHS:- Beesha Xawaadle oo ah beelweyn marka laga hadlayo dhinaca dhaqanka waa beel aad iskugu xiran marka loo eego beelaha kale ee Soomaaliyeed waana beesha kaliya ee Ugaasyadeeda ixtiraama una dhega nugul.

Kadib markii ay soo shaac baxday in dalka Soomaaliya uu ka baxayo xiliga kumeel gaarka ah wadankana uu yeelanayo dastuur cusub waxaa la go,aansaday in dowlada soo socota iyo ansaxinta dastuurka cusub loo maro duubabaka dhaqanka Soomaaliyeed kuwooda la yaqaano maadama aysanba beelaha qaarkood Ugaas qabin.

Hadaba Ugaaska beesha Xawaadle Ugaas Cabdiraxmaan Ugaas Khalif ayaa dhawaan isagoo ku kalsoon inuu siyaasada banaanka ka joogo arintii u wakiishay adeerkiis Faarax Ugaas Muumin ( Faarax Daad) si uu Ugaaska rimaha dusha sare ukala socdo Faarax Ugaasne beesha Xawaadle waxii ay Soomaaliweyn ka helaan ugu qeybiyo si cadaalad ah, arintaasina beesha Xawaadle muran kama keenin oo waxey u hogaansameen taladii Ugaaska dhib la,aan

Inkasta oo aanu warbixin dheer ka soo diyaarin doono sidey wax u dhaceen hadane bal aanu dul mar yar oo horudhac ah ku sameyno meesha ay maanta wax marayaan.

Faarah Ugaas Muumin oo ah ganacsade markii uu Mogdishu tagay waxuu la kulmay walaalkiis Cumar Ugaas Muumin oo ah Xildhibaan ka mid ah mudanayaasha baarlamaanka Soomaaliya ugu danbeyna waxuu Faarah Ugaas booskii uu Ugaaska u soo wakiishay ku wareejiyey walaalkiis Xildhibaan Cumar Ugaas Muumiin walow aysan arintaas beesha Xawaadle iyo dowladuba wax war ah u heyn laakinse wali uu magacii nabadoonada uu ku qoran yahay Faarah Ugaas.

Bal aanu eegno Xildhibaan Cuamr Ugaas Muumin waxa uu sameeyey isaguna.

Xildhibaan Cumar Ugaas intii uusan wax kale sameyn waxuu yiri waxaan ahey nabadoonka reer Ugaas gursigii Faramage Samatalisna anigaa ku fadhiyo hadow yahay siyaasad amaba nabadoonimo xili ay inta badan beesha Xawaadle gaar ahaan jifada reer Ugaas ku ogaayeen inuu yahay xildhibaan.

Markii ay arintaas dhacday ayaa waxaa guux badan ka keenay Xawaadle badan oon ku qanacsaneyn in talada beesha Cumar Ugaas oo siyaasi ah maamulo, Xawaadlahii arintaas carada ka muujiyey si uu u qanciyo waxuu yiri Cumar Ugaas kala qaata xubnahii beesha Faramage Samatalis (reer Ugaas) kaka soo aaday 850 qofood ee dastuurka ansaxin laheyd.

Hadaba waxaa in leys weydiiyo u baahan maxey dhacdooyinkaan oo dhan beesha Xawaadle kala socdaan? maxuuse arintaan ka ogyahay musharaxa madaxweynaha Soomaaliya Professor Ahmed Ugaas Muumin ( Prof Warfaa) oo xiliga walaalahiis sida Faarax Ugaas Muumin iyo Cumar Ugaas Muumin waxaan sameynayeen ku sugnaa magaalada Mogdishu maadama uu yahay musharax dhawr jeer oo horana ku cel celiyey inuu 15 Milyan oo Soomaali ah oo geeska Africa ku nool cadaalad ku maamuli doono? maadaama cadaalada loo baahan yahay iney gunta hoose ka bilaabato.

La soco wararfkeena danbe oo aad ka arki doonto arimo xasaasi ah oo aysan dadku intooda badan ogeyn hadii wakiilkii Ugaaska soo wakiishay dib ugu soo laaban waayo saxada amaba arinta Hiiraan la geyn waayo ma dhici doonto in iyadoo dhaqankii beesha laga faa'ideysanayo dhawr nin oo walaalo ah waxii ay doonaan ka sameeyaan bulshoweynta Xawaadle ayuu yiri mid ka mid ah waxgaradka beesha Xawaadle oo aanu magaciisa ku soo bandhigi doono qoraaladeena danbe.

Isha warka Hiiraan State
webmaster@hiranstate.com
admin@hiranstate.net







Comments

No Comments have been Posted.

Post Comment

Please Login to Post a Comment.

Ratings

Rating is available to Members only.

Please login or register to vote.

No Ratings have been Posted.
Render time: 0.51 seconds
14,589,607 unique visits