Hidaha iyo dhaqanka

; ; ; ; ; ; ; ; ; ; ; ; ; ; ; ; ; ; ; ; ; ; ; ; ; ; ; ; ; ; ; ; ; ; ; ; ; ; ; ; ; ;

Users Online

· Guests Online: 3

· Members Online: 0

· Total Members: 189,964
· Newest Member: evokafr

Welcome

HS:- Saraakiishii ugu badneyd ee Shabaab ka tirsan oo ku sugan Hiiraan

Wararka MaantahS:- Kadib bur bur xoogan oo soo gaaray kooxda Shabaab iyo ajaaniibta ay ku marti galiyeen dalka Soomaaliya oo ka tirsan ururka Al-qacida ayaa ugu danbeyn waxaa kooxda ka soo gaaray dagaalo badan oo looga sifeeyey magaalada Mogdishu iyo gobolka Shabeelaha hoose, halka qeybo badan oo ka mid ah degaano ay ka mid yahiin Hiiraan, Gedo, Bay, Bakool iyo J/hoose ay lumiyeen 60% oo lagala wareegay.

Wararkii ugu danbeeyey ee naga soo gaaraya Hiiraan ayaa sheegaya in saraakiil badan oo ka tirsan Shabaab siiba kuwoodii hogaaminayey ururka oo laga soo ceyriyey amaba dhibaatadii ka soo fogeeyey degaanadooda ay hada ku sugan yahiin inta u dhaxeysa Bulo Burde iyo Halgan iyadoona ay shacabku arkeen hogaamiyaal sar sare oo ku sugan qaar ka mid ah tuulooyinka ku dhaw dhaw Bulo Burde.

Inta badan saraakiisha Shabaab ayaad moodaa in ay dhibtii u soo weeciyeen Hiiraan maadaama uu Hiiraan u joogo hogaamiye dhalinyaro ah oo isagu labadii sano ee ugu danbeysay maatada Hiiraan ka dhigay qaar uu gacmaha ka jaray iyo kuwo uu lugaha ka jaray halka uu xiligii abaaraha ceelashii ay shacabku biyaha ka cabayeen isaga iyo kooxdiisa ka duugeen ceelashii si ay bulshadu u dhamaato ayaa isagu wali ku rajoweyn in Hiiraan noqoto goob dagaal oo furun ah, halka saraakiisha kale ee Shabaab sida Abuu Mansuur Rooboow, Ali Dheere iyo inta badan saraakiisha ka soo jeeda degaanada waqooyiga Soomaaliya oo dhulkooda iyo dadkooda dhibta ka soo dheereeyeen ku casuumay Hiiraan sidii ay ugu dagaalami lahaayeen dhulka buuraleyda ah ee ku yaala inta u dhaxeysa Bulo Burde iyo Halgan.

Wararka qaarkood waxey sheegayaan in hogaamiyaha Shabaab ee Hiiraan marka laga reebo dhalinyarada kale ee Shabaab ee ka soo jeedo degaan ahaan Hiiraan doonayaan iney colaada nabad ku bedeshaan hadii la heli karo cid damaanad qaada noloshooda iyagoo qorsheynaya iney isku soo dhiibaan koox koox marka ay xaaladu isku bedesho dagaal oo ay goobahaas gaaraan ciidamada maamulka Hiiraan.

Shabaabka Hiiraan joogo xoogiisa waxey maanta ku sugan yahiin degmada Buq Aqable oo saldhig weyn u ah dagaalkana laga hago halka ay ciidamo aan badneyn u joogaan inta u dhaxeyso Bulo Burde iyo Halgan halkaasina loo diiday iney tagaan ciidamo badan oo Shabaab ah maadaama ay ku sugan yahiin saraakiil sar sare oo ka tirsan xarakada oo ka kala yimid degaano ka baxsan Hiiraan si ay u gubaan magaalooyinka waaweyn ee Hiiraan amaba ugu dagaalamaan shacabka dushooda.

Laakisne markaad xaalada dhinaca kale ka eegto jaaniska ay kooxda Shabaab Hiiraan kaka dagaalami karto waqti dheer aad ayuu u yar yahay marka la eego taageerada dhinaca shacabka ah ee ay ka heystaan Hiiraan oo aan xitaa dhameyn 1%, sidoo kale waxaa kooxda heysta caqabado ay adag tahay iney wax ka qabtaan oo ah in ciidamada Shabaab ka jooga Hiiraan ay malinkasta kala firxanayaan kuwooda degaan ahaan ka soo jeeda Hiiraan taasi oo keentay in hogaamiyaha Shabaabka Hiiraan uu saraakiil hor leh oo Shabaab ka tirsan iyo ciidamo aan reer Hiiraan aheyn ku dagaal galo xili ay saraakiisha Shabaab u kala jabeen wax dadkooda la heshiinayo iyo kuwo dalka iskaka baxayo hogaamiyaha Shabaabka Hiiraan waxaa dhib ku ah Hiiraan oo nabad ah iyo dadkiisa oo uu la heshiiyo.

La soco wararkeena danbe iyo Shabaabka Hiiraan

Isha Warka Hiiraan State
webmaster@hiranstate.com
admin@hiranstate.net

Comments

No Comments have been Posted.

Post Comment

Please Login to Post a Comment.

Ratings

Rating is available to Members only.

Please login or register to vote.

No Ratings have been Posted.
Render time: 0.16 seconds
14,584,644 unique visits