Hidaha iyo dhaqanka

; ; ; ; ; ; ; ; ; ; ; ; ; ; ; ; ; ; ; ; ; ; ; ; ; ; ; ; ; ; ; ; ; ; ; ; ; ; ; ;

Users Online

· Guests Online: 3

· Members Online: 0

· Total Members: 189,964
· Newest Member: evokafr

Welcome

HS:- Wasiirka arimaha gudaha oo ku hanweyn inuu booqdo caasimada Hiiraan xili uusan booqan karin..

Wararka MaantaHS:- Markaad u fiirsato siyaasada Soomaaliya ka jirtay 20-kii sano ee ugu danbeysay waxaad moodaa in bulshada Soomaaliyeed ay u kala baxeen dad doonaya iney dalkooda u helaan dowlad rasmi ah si looga baxo fowdada loona helo nidaam iyo kala danbeyn maadaama hadii dalkeena loo helo nidaam iyo kala danbeyn ay sahlanaaneyso in aanu wadamada aanu deriska nahay kula noolaano nabad iyo is qadarin.

Hadaba marka la eego xaaladahii uu dalka soo maray 20kii sano ee ugu danbeeyey waxaa la dhihi karaa waxaa dalka hogaaminayey beelo aan diyaar u aheyn in dalka iyo dadka Soomaaliyeed la bad baadiyo maadama ay wax ku noqdaan fowdada iyo rabshada hadii runta loo tagane aysanba jirin degaan rasmi ah oo ay iyaga iyo shacabkoodu ku bad baadi karaan hadii dalka iyo dadka Soomaaliyed mushkiladooda xal loo helo oo la wada xisaabtamo.

Waxaa kale oo taasi ka sii daran marka hogaamiye yimaado halkii uu umada ka qaban lahaa dadkiisa waxuu ku mashquulaa xumaha umad aanba dalka wax xil ah ka heyn amaba aanba ku heysan siyaasada taasne waxey keentay in beesha caalamka iyadoo laga faa'ideysanayo xililka lagu magacaaban yahay in warbixino qaldan laga gudbiyo degaano badan oo ay Hiiraan ugu horeyso.

Sida warar sugan lagu helayo waxaa si is daba joog ah u codsanayo in Hiiraan lagu soo dhaweeyo madaxweyne Shariif iyo wasiirka arimaha gudaha oo labaduba ka soo jeedaan beesha Hiraab oo dagaal siyaasadeed oo xoogan mudo 20 sano ah kula jiray bulshada Hiiraan hadana shirar qarsoodi ah degmada Afgooye kula leh saraakiil ka tirsan xarakada Shabaab si uu dalku ugu sii jiro fowdada bulshada ku dhaqan gobolka Sh/hoosena dib looga iibiyo biyahii laga iibin jiray iyadoo hada la wado maamul ay garwadeen ka yahiin dadkii horey xooga ugu heysan jiray gobolkaas in loo dhiibo si ay gabaad u siiyaan hogaamiyaal sar sare oo kooxda Shabaab ka tirsan oo halkaas ku sugan mustaqbalka dhaw.

Wasiirka arimaha gudaha ayaa ujeedada socdaalkiisa uu ku doonayo inuu ku tago Hiiraan lagumicneeyey labo arimood oo kala ah.

1- Mudadii 20 sano aheyn siyaasiyiinta beesha Hiiraab ayaa waraaqo badan u qeybiyeen beesha caalamka iyagoo leh waxaanu wakiil ka nahay bulshada Hiiraan arintaan oo horey xujo looga dhigay madaxweynahii hore ee Soomaaliya C/qasin Salaad Hasan oo aduunyadu intuu warbixin qaldan siiyey lagu yiri na tusi in aad Hiiraan ka soo jeedo iyo in kale, kadibna ka codsaday AHUN Col Cumar Xaanshi Aden inuu geeyo Hiiraan markii laga warhelayna uu u diiday inuu booqasho ku tago Hiiraan marxuum Hasan Cabdulle Qalaad, xitaa C/qaasin lama dhihin Hiiraan ma imaan kartid waxaa la yiri oo kaliya marka hore na tus inaad tagi karto Dhuusomareeb ood ka soojeedo kadibna Hiiraan ayaan kugu soo dhaweyneynaa wuuna ku dhiiran waayey inuu booqdo degaankii uu ku dhashay halka uu doonayey inuu aduunyada tusiyo inuu Hiiraan oo siyaasada Soomaaliya muhiim u ah booqday.

2-Maadaama lagu fashilmay in ay Ahalusuna qabsato Hiiraan wasiirka arimaha gudahane uu jagadaan ku helay magacooda inuu aduunayda tusiyo in uu booqday degaan ay ka taliyaan kooxda Ahalusuna taas ayaana sabab u ah inuu wasiirka xooga saaro sidii uu u booqan lahaa Hiiraan si uu beesha caalamka u tusiyo in Ahalusuna ay Hiiraan joogto oo uu xitaa isaga booqday.

Ma ahan kaliya siyaasiyiinta dooneysa iney Hiiraan booqdaan madaxweyne Shariif ayaa isagu doonaya inuu marka hore wasiirka arimaha gudaha ugu sii hormaro Hiiraan iyadoon xitaa lala tashaneyn wasiirada ka soo jeeda Hiiraan halkaasina isku soo masawiro bulshada Hiiraan iyadoo la ogyahay inuu waxkasta kala dagaalay oo dhaqaalahii loogu talo galay in wax loogu qabto bulshada Hiiraan mudo 20 sano ah ay ku dhacayeen jeebka siyaasiyiin ka soo jeeda beesha Hiraab oo waayeen wax yac ka yiraahdo umada iyagoona iska dhaadhiciyey in ay iyagu atoore ka yahiin koofurta Soomaaliya malaha siyaasada reer Hiiraanka maanta jooga lama sodaan meeshey mareyso iyo in dhawaan la weydiin doono bal in ay jirto dowlad 20kii sano ee ugu danbeysay Hiiraan wax ku sheegan karta oo ka fulisay hal mashquuc.

Taasi waxaa ka sii darasn maxaa dalka ka xumaan lahaa hadii ay raadis u gali lahaayeen sidii qarankii Soomaaliyeed lagu heli lahaa maadama ay mudadaas aad u dheer dalka hogaankiisa isku bed bedelayeen, waxaa iska cad ineysan dooneyn in dalka iyo dadka Soomaaliyeed xal waara loo helo maadama ay fowdadaan ku heleen dhaqaalo badan.

Isku soo duuboo madaxweyne Shariif iyo wasiirka arimaha gudaha ma jirto nin ku dhiiran kara inuu tago gobolkii uu ka soo jeeday sida Sh/dhexe iyo Galgaduud laakiinse Hiiraan iyadoo la isticmaalayo awooda Amisom ayaa la doonayaa in la tago waase hadii ay Hiiraan maanta joogaan rag aan xisaabtameyn oo fahamsan wacyiga ka jira dalka oo ugu yaraan weydiineyn bal waxa Hiiraan loola dagalamayo ka hor intaan la soo booqan.

Masuuliyiin ka soo jeeda Puntland ayaa laga soo xigtay iyagoo leh waxaanu dowlada ka helnay dhawr mashquuc waxii ka danbeeyey booqashadii uu Puntland soo booqday madaxweynahii Hiiraan State kadib markii ay na soo waceen madaxweyne Shariif iyo r/wasaare C/wali oo leh masuuliyiinta HS ha soo dhaweynaha anigaa waxii aad doontaan idiin siinayo kadibna waxaanu ku xujeynay bey dhaheen inuu booqasho ku yimaado Puntland Shariifka kadibna halkaas ayaanu uga saxiixanay Garoowe 1 iyo 2 iyo mashaariic ayay yiraahdeen.

Dad badan ayaa u heystay in uu xiligaa masuuliyiita HS kaliya la dagaalsanaa madaxweyne Shariif laakinse ujeedkiisu waxey aheyd waxuu ogaa hadii mar Hiiraan hagaagto iney ka dhigan tahay Soomaaliya oo hagaagtay taas ayaana keentay in maanta xitaa maamulkii ay soo dhiseen oo hada Hiiraan jooga garoonka Mogdishu ku carqaladeeyaan kaliya Hiiraan yeysan wax noqon.

Laakinse hada wax badan ayaa isbedeley dhagarta Shariifka iyo xulufadiisane reer Hiiraan siweyn ayey u dareemsan yahiin hada waxeyna u badan tahay in reer Hiiraan oo hogaanka dalka lagu wado iney ku guuleystaan doorashada soo socota hadii uu Ilaah u kaso Soomaalida wanaaga iyo qaran jaceylka u oomana u gartaan iney dalka hogaamin karaan mudo gaaban ayaa lagu tusinayaa waqtiga ay dadka iyo dadka Soomaaliyeed ka lumiyeen mudo 20 sano ah beesha Hiraab iyo watiga ay reer Hiiraan heyn doonaan hogaanka dalka oo mudo gaaban noqon doonto isbedelka iyo horumarka la hiigsan doono, waayo reer Hiiraan dulaan kuma ahan dhul kale oo ay ku nool yahiin muwaadiniin kale oo Soomaaliyeed wadanka deriska la ahne duulaan kuama ahan waa dad jecel in iyagana horumaraan dadka kalena horumaraan laakinse Hiraab waxaa laga dhaxlay anigaa waxkasta qaadanaa hadane nabad kuuma rabo waa siyasadaha guracan ee maanta dalka ka taagan.

La soco qeybta labaad iyo safarka ay qorsheynayaan ragaan aan tagi karin goboladey ka so jeedeen

Isha warka Hiiraan State
webmaster@hiranstate.com
admin@hiranstate.net

Comments

No Comments have been Posted.

Post Comment

Please Login to Post a Comment.

Ratings

Rating is available to Members only.

Please login or register to vote.

No Ratings have been Posted.
Render time: 0.15 seconds
14,581,026 unique visits